Home » Warar »

Xukuummada Raysulwasaare Shirdoon oo la ansixiyey

Muqdisho: Maanta ayaa Baarlamaakna Soomaaliyeed la horkeenay Xukuummada uu dhawaan soo dhisay Raysul wasaare Cabdi Farah Shirdoon si codka kalsoonida loo siiyo, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlibiyad ah kalsoonida kusiiyey Xukuummada Shirdoon, waxaa golaha Baarlamaanka maanta kasoo qaybgalay 225 ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka. Codka kalsooni siinta oo ahaa gacantaag waxaa u codeeyey in xukuummada la ansixiyo 219,  waxaa diiday sadex xubnood,  waxaa ka aamusay sadex xubnood. Sidaa ayaa cod aqlabiyad ah loogu codeeyey Xukuummada Shirdoon oo ka kooban toban wasiir laguna ansixiyey.

Waxaa xusid mudan, in Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamud uu Baarlamaanka kala hadlay in Xukuummada Shirdoon la ansixiyo, hadalkaas markuu dhacayeyna, saxaafada waxaa loo saaray banaanka. Xubnaha golaha Wasiirada iyo
Raysalwasaare Shirdoon ayaa aad u soo dhaweeyey kalsooni siintan, kuna tilmaamay wadashayqn wanaagsan iyo baal cusub oo Baarlamaanka iyo Xukuummada dhexmay.

Xukuummada Raysulwasaare Shirdoon ayaa dhowr arimood uga duwan, Xukuummadihii ka horeeyey ee Ku meelgaarka ahaa, waa Xukuummada kooban oo toban wasiir oo kaliya ah, waxay leedahay hal Raysul wasaare ku xigeen, waxaa lagu saleeyey shanbeelood, halka kuwii ka horeeyey 4.5 ay ahaan jiree.

Xukuummada Shirdoon ayaa waxaa horyaala arimo culus, oo ay ugu waawayn yihiin dhisida ciidamadii qaranka, soo celinta amniga iyo kala danbaynta wadanka, soo celinta iyo ilaalinta qaranimmada Soomaaliya, Xal u helida ficillada Ciidammada Ajnabiga ah oo aan toos uga amar qaadan dowlada Soomaaliya, mararna sameeya ficilo khilaafsan kuwa dowlad, arintaas oo caro iyo cabasho badan ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, keenina karta xukuummadan curdanka ka inay mucaarad badan oo wadaniyiin ah yeelato.

Xukuummada Shirdoon ayaa waxaa laga rajaynayaa maadaama ayasan ahayn Xukuummad ku meel gaar ah ugu yaraan inay ka hadasho oo warsaxaafadeed ka soo saarto cadaysana mpwqufkeeda, arrimmaha aan soo xusnay marka xiligoodu taaganyahay.

Somalitalk Muqdisho

###

Ogeysiis Soomaalida Deggan Minneapolis: Kulan ku saabsan waxbarashada ardayda Dugsiyada Sare oo lagu qabanayo Brian Coyle Center oo ku yaal xaafadda Cedar, Jimcada Nov 16, 2012, Saacadda 5:00pm… Daawo Video-ga:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.