Home » Warar »

Xukuumada Raiisul Wasaare Shirdoon oo Maanta mar kale ku Dhici waysey in ay Hortimaado Golaha Baarlamaanka

Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Kulankan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Iikar ayaa intii uusan bilaaban waxaa si weyn loo hadal hayay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid la hor keenayo isla markaana lagu ansixinayo kulanka maanta ay yeelanayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Markii uu furmay Kulanka ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen in uu dib u dhacay Barnaamijkii lagu doonayay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta lagu hor keeno Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Fadhiga Barlamaanka ee maanta ay soo xaadireen xildhibaano aad u fara badan kuwaas oo bilaabay in ay ka sii hadlaan ama ay sii wadaan ka doodistii Xeer Hoosaadka Barlamaanka.Xildhibaanada ayaa maanta ka dooday Qodobka Todobaad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka taasoo ay ka hadleen illaa Xildhibaano gaaraya Afar iyo Toban Xildhibaan.

Xildhibaanadan ayaa soo jeediyay inuu qodobkaasi shaqeeyo illaa afarta sano ee ay xildhibaanadan sii haynayaan xilka barlamanka Federaalka Soomaaliya.Si kasta ha ahaatee maalinimada Beri ah ayaa lagu wadaa in Golaha Wasiirada Xukuumadda Saacid la horgeeyo Basarlamaanka iyadoona ay ka soo qayb galayaan kulanka maalinta berri ah Xukuumadda lagu ansixinayo mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka kuwaas oo goob joogayaal ka noqonaya hanaanka loo ansixinayo Dawladda Saacid.

Habeenkii Xaley ahaa Kulana ka dhacay Xarunta Madactooyada oo ay wada yeeshee Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku dhamaadey Isafagaran waa ka dib markii Xildhibaanda ay u soo jeediyeenm Madaxweynaha in la dhowro Dastuurka oo dhigaya in la soo dhameystiro Xukummada loona sameeyo Wasiir Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal halka Madaxweynaha uu soo jeediyey in marka hore la ansaxiyo 10-ka Wasiir taasoo ay diideen Xildhibaanda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.