Home » Warar »

19 Jir Soomaali ah oo Madaxa Looga toogtey South Afrika Allaahna badbaadiyay (Daawo Video Xaqiiq Waran ah Xaalada Somalida K/Africa)

Cape Town:- Koox Burcad South Afrikan ah ayaa Madaxa ka toogatay Cabdikariim Cadaawe Cali Geedow oo ah 19Sano Jir Soomaali ah xilli uu ka shaqaynayay Dukaan ku yaala Xaafad ka mid ah Magaalada Cape Town Ee Wadanka Koonfur Afrika.

Dhibane C/Kariin Cadaawe Cali oo aan Kula kulmay Gudaha Xaafada ay soomaalida ka dagan tahay magaalada Cape Town ayaa waxa uu ka sheekeeyay dhibaata xoog badan oo uu kala kulmay dhaawac kii ugu halista badnaa ee ka soo gaaray Madaxa.

Dhibanaha ayaa waxa uu Ku sugnaa Goob Dukaan ah Markii ay Kooxdan Burcada ah soo weerareen xili ay shaqadooda wateen balse ay isku dayeen in ay iska difaacaan Rasaasta Burcada soo ridaysay wallow dhaawac halis ah loo gaystay ka gadaal Markii Buracadii soo weerartay ay Madaxa ka toogteen.

“Allaa i badbadiyay Xabada waxa ay iiga dhacday Madaxa sida u jeedo….Lafaha dhan waa jajabisay waxayna dhex fariisatay Xuubka Maskaxda ,dhaqtarka ayaa goostay in uu daadiyo Lafaha dhan hada ma lihi wax laf ah oo Madaxayga qeybta Midig Maskaxda iyo Maqaarka ayaa is dulsaaran…” ayuu Yiri Dhibane C.Kariin Cadaawe oo dareen ahaan Qadarta Alle ku qanacsanaa.

Dhibane CabdiKariin Cadaawe Cali Waxa uu aad ugu taagtaagsaday Nolosha dhabta ah Ee South Afrika ku haysta isaga oo aan hada haysan wax Caawinaad ah waxa uuna cadeeyay in Dukaankii uu shaqaalaha ka ahaa la geeyay Booskiisa qof kale haatana aanu haysan cid ka saacida xaga Nolosha iyo Caafimaadka.

“Hada Rajadaydii in aan ka sii shaqeeyo dalkan waa isku dhamaatay…aniga ma u maleeneen in aan Halkan ku waynayo Laxaadkayga ..Indhaha dareen la’aan ayaan ka dareemayaa…Gacmaha iyo Afka sidoo kale Neerfaha ayaa wax gaareen..Maskaxdeydana Mararka qaar Taam ma ahan ….” Ayuu Yiri Dhibane Cabdikariin.

Waraysiga uu Wariye Abdirizak Kampala ka qaaday Dhibanahan oo waqti badan qaatay ayaa waxa uu Dhibanahan ugu dambeyn Video-ga dhexdiisa ku codsaday Gargaar Noloshiisa ah iyo Cid ka saacida Nolosha waxa uuna Xusay in uu Yahay Agoon Hooyadiisna ay ku xanuunsanayso Wadanka Tanzania .

Xaalada Ammaanka Soomaalida Ee Wadanka Koonfur AFrika ayaa ah mid aad u liidata waxana mar waliba la dilaa,la dhacaa lana wax yeeleeyaa Dhalinyarada u xoogsi tagtay Tuulooyinka wadanka iyada oo aanay jirin cid wax iska waydiisa dadka lagu dhibaateeyo iyo kuwa lagu toogto wadankani Koonfur Afrika.

Hadaba si aad u gargaarto Walaalkaa Dhibane Cabdi Kariin Cadaawe Cali waxa aad kala xiriiri Karaysaa Telfonadan :-+27737916680 Ama +27732488641

Si aad u Daawatid VIDEO-ga Dhibanahan Ku dhifo Link-gan:-


W/D:Abdirizak Yusuf Kampala
Cape Town South Africa
Kambaala77@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 19 Jir Soomaali ah oo Madaxa Looga toogtey South Afrika Allaahna badbaadiyay (Daawo Video Xaqiiq Waran ah Xaalada Somalida K/Africa) "

  1. Yusuf says:

    Baaq:-Qof kasta oo soomaalinimo iyo muslimnimo dareemay waxaan ugu baaqaya in walaalkaas soomaaliyeed ee da’da yar u gargaro….Masiibada haleeyshay waxay muujinaysaa masiibada soomaali ahleeshay…wiilkan waxa uu u baahan yahay dhaqar reer galbeed ah—-si loo daaweeyo inta aan xaalkiisu ka darin….waxa uu leeyahay rajo wanaagsan haddii ummadda somaaliyeed ee awoodi karayaa u gurmadaan.

    Dhibane C/Kariin Cadaawe Cali waxaa ugu baaqayaa in uu safaarad U.S.A ee south afrika codsi waydiisto, dadka sidiisa oo kale ah, waxay u dadajiyaan in ay qaxootinimo u qaabilaan…..waxaan ogahay gabar ay dhawaan ka qaadeen south afrika,,,,,,6 bilood ayey codogeeda uga jawaabeen kuna geeyeen Amerika.