Home » Faallo »

Fariin| Q-1aad illaahow na sug

Alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasuulilah, ama bacdu, Waxaan halkaan idinku soo gudbin doonaa qoraale taxanae ah oo marba mowduuc gaar ah aan kaga hadalo insha allaah, waxaan ku bilaabi doonaa qoraal kooban oo aan cinwaan uga dhignay ilaahow nasug. Warbixinta ay soo saareen guddigii baaritaanka dilkii Dr Axmed Allaha u naxariistee, iyo qiraalada dhalinyarada falka ka qayb qaadatay, cibrooyin aad u badan ayaa ku sugan, loona baahan yahay in laga faaiidaysto, waxaan isku deyayaa inaan qaar ka mida oo ii muuqday aan tilmaamo:

Qallooca ugu xun uguna khatarsan oo qof galaa waa qallooca caqiidada iyo fahamka diinta. Wuxuu qofku markaas illaawaa ama laga daboolaa miyirka iyo caqliga saliimka ah, waxaa laga indha tiraa asaasaadka diinta iyo xaqiiqooyinka sida qorraxda u cad, wuxuu diin ka dhigtaa mugdiyo aan la garanayn meel ay ku dhamaadaan, isagoo ka weecanaya diinta xaqqa ah iyo xujooyinka ilaahay ee cad cad iyo wadada toosan ee aan caadku saarnayn. Waxaa kuugu daliila, wiilka soo kacay 4 subaxnimo fajarka ka hor, oo masaajidka soo galay waqtigii ugu fadli badnaa, oo doonaya meeshaas dhulka ilaahay ugu jecelyahay, waqtiga ilaahay jecelyahay, inuu dhiiga qof muslim ah, oo culima ah, oo isla goobtaas kula tukanaya, si gaadma ah, khiyaama ah, fulaynima ah, ballan furya ah, ku daadiyo.

Qofkaasu wuxuu ku duulayaa sida uu leeyahay, arrin uu diin moodey, laakiin xitaa isaga laftiisa mugdi kaga sugan oo berri ilaahay hortiisa aanu xujja u heli karin aan ka ahayn waa laygu yiri,wuxuu hayaa, xaqiiqo qof hortiisa ku tukanaya, ilaahay u sujuudaya, ilaahay u sooman, culimo ah, daaci ah, masjidka kula jira, intaa wuxuu uga tegayaa kana dooranayaa, war aanu hubin, arag, maqal, oo ah, ninkaasu waa jaajuus, la yaabye! ma kuwa warka u sheegay ayaa nebiya ah oo aan warkooda la diidi karin? Ma isagaa arkay oo yaqiinsaday? Hadiise warkaas wax ka jiro isma weydiin aaway cadaaladii islaamka ee maxkamad soo istaajisey ee ku xukuntay? Qof islaan nimadiisu sidaa u cadahay hortiisa, malagu banaysan karaa arrin god hoosti iyo mugdi lagu soo xukumay? Hadey xaq tahay miyaaney ahayn in bannaanka la keeno? Marka qalloocu kaa galo caqiidada iyo fahamka waxaasoo xaqiiqa ah waad dardareysa, waxaadna haysataa wax xuubka caarada ka liita oo aad diin moodey.

Sidaas darteed ayuu wiilkaasu ninkii muslimka ahaa ee hadeer masaajidka kula tukadey, dhiniciisa fadhiyey, banaanka masjidka xabbad kula dhacay, subxaanallaah! salaadii iyo sujuudii kama celin, derisnimadii uu dhinaca ku hayey salaadda kama celin, ballantii ilaahay kama celin, da’da uu ka weyn yahay kama celin, Cilmiga uu xambaarsanyahay kama celin, khiyaamada iyo gaadmada uu qofka aad la tukatey kaa aamin yahay oo dhiilla kaa qabin kama celin, wax aan la hubin oo dad sheegay amey been noqotaa kama celin, Allaha subxaanahu watacaalaa arkaya ee uu berri haduu is hortaago wuxuu u sheego garanayn cabsidiisu kama celin, aakhiro xusuusteedu kama celin, intaasoo xuduudo iyo xayndaab ah oo qofka muslimkaa nabadgeliya ma celin, waxa keliya oo qofkaa u muuqdey, oo indha tirey,oo caqligiisi daboolay, waa hawada uu cabbey, innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Illaahow nasug.

Hoos ka daawo Sh.Maxamed Idris oo ka sheekaynayaa Dr. Axmed iyo qofka uu ahaa.

Sh. Mohamed Idris Ahmed, member of
North American Council of Somali Imams

hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.