Home » Faallo »

Dacwad la xiriirta dil oo ka socota Maraykanka ayaa Qareenada ka dhex dhalisay muran la xiriira in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed

Sababtoo ah fal-dembiyeedka dilka ah ayaa ka dhacay meel xeebta Soomaaliya u jirta 40 mayl-badeed, taas oo gudaha ka xigta 200 mayl-badeed ee Territorial Waters. Waxaana dhici karta in uu arrintaas kala xakumo Garyaqaan ka tirsan Maxkadda dhexe ee Maraykanka.

Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar ayaa lagu eedeeyey dacwad sababi karta in la dilo taas oo la xiriirta dil ka dhacay dooni la afduubay bishii Febraury 2011.

Arrintaas waxaa warbixin dheer ka qortay Hay’adda Wararka ee Associated Press. Hoos ka akhri Tarjumada warbxinta.

NORFOLK, Va. (isha: AP) October 18, 2012– Garyaqaan ka tirsan Maxkadda Dhexe ee Maraykanka (federal judge) ayaa waxaa dhici karta in uu xakumo inta dhul- badeedka Soomaaliya (territorial waters) ka durugsan yahay xeebta si markaas loo ogaado in Maraykanku uu sharciyan dacwad kusoo oogi karo saddex Soomaali ah oo loo haysto in ay dileen afar Maraykan ah oo saarnaa dooni burcad badeednimo loo qafaashay.

Qareennada difaacaya saddexda Soomaalida ah (Defense attorneys) ayaa ku doodaya in dhul-badeedka Soomaaliya uu 200 mayl-badeed ka durugsan yahay xeebta (waa 200 nautical miles) ayadoo la raacayo sharciga Soomaaliya. Halka Qareenadda  ku muddacaya (Prosecutors) ay ku doodayaan in dhul-badeedka Soomaaliya uu 12 mayl-badeed  ka durugsan yahay xeebta marka la eego xeerka caalamiga.

Hay’adda Wararka ee Associated Press oo warkaas sii faahfaahinaysay ayaa sheegtay in arrintaas ay qareenadu ku kala mudacayaan ay muhiimad weyn leedahay, waayo sababtoo ah dacwadda Maxkamadda taal waxaa ku qoran in dadka Maraykanka ah lagu toogtey oo lagu diley qiyaastii 40 mayl-badeed meel u jirta xeebta Soomaaliya sannadkii 2011. Taas oo Qareenada ku mudacaya (Prosecutors) ay doonayaan in nimankaas lagu xakumo dil haddii lagu helo dembigaas.

“Dastuurka Maraykanku si qayaxan uma sheegayo sharci Congress ah oo awood u siinaya in ajaaniibta lagu ciqaabo dil ka dhacay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya,” sidaas waxaa bishii hore (Sept 2012) maxkamadda ka diiwaan geliyey Qareennada Difaacaya (defense attorneys), ayagoo dalbanaya in la baabi’yo dacwadda la xiriista kiiskaas, sababtoo ah sharci (jurisdiction) looma haysto.

Mulkiilayaashii doonta (Quest) ee la afduubtay, Jean iyo Scott Adam oo ahaa reer California iyo saxiibadood Bob Riggle iyo Phyllis Macay oo reer Seattle ahaa waxay ahaayeen Ameerikaankii ugu horeeyey ee lagu diley burcad badeedno baahdey oo ka dhacday xeebta bariga Afrika, inkasta oo ay halkaas ku sugnaayeen maraakiib dagaal oo aaggaas waardiyaynayey.

Markabka dagaalka ee USS Sterett ayaa isku deyay in uu kala dhexgalo xeebta Soomaaliya iyo doonta afduubka lagu watey markii rasaastu ka dhacday doonta Quest, halkaasna ay ku dhinteen dadkii burcad badeedu ka dalbanaysay madax furashada lacageed..

Soomaali lagu eedeeyey burcad badeednimo oo lal hor keenay maxkamad ku taal maraykanka. Sawirka: Wavy TV Oct 18, 2012

Arbacadii (Oct 17, 2012) Qareenada ku mudacaya (saddexda Soomaalida) ee prosecutor-ka ayaa waxay qoreen in markii Soomaaliya ay sharciga badaha adduunka dhaqan gelisey 1989, ay aqbashay in ay dhul-badeedkeeda ka dhigto 12 mayl-badeed, ayagoo intaas raaciyey “Halka ay dalalka qaarkood ay ka sameeyeen reservations ama diidmo ay sheegteen, Soomaaliya sidaaas ma yeelin”.

AP oo warbixinteeda sii waday waxay qortay: waxaa muranka arrintaas sii kordhinaya waa in dalka Maraykanku aysan ilaa hadda ansixin ama dhaqan gelin Sharciga Badaha Adduunka ee Law of Sea Treaty, inkasta oo in Maraykanku ay sharcigaas ansixiyaan ay ku baaqeen hoggaanka Militariga Maraykanka, ganacsatada iyo maamulka Obama.

Qareenka difaacaya (Soomaalida) waxa uu ku dooday in arrintaasi macnaheedu yahay in Maraykanku uusan adeegsan karin (ama cuskan karin) sharci uusan isagu ansixin si markaas uu u qararro dhul-badeedka Soomaaliya. Waxayna sheegeen in qareenada ku mudacaya ay adeegsanayaan sharci caalami ah si ay u qeexaan dhul-badeedka Soomaaliya, laakiin waxay yiraahdeen in aan si guud ahaan ah loo aqbalsanayn in dhul-badeedka Soomaaliya ku kooban yahay 12 mayl-badeed.

Waxaa arrimahaas dheer oo ay farta ku fiiqeen xaqiiqada ah in ilaa hadda ay Qarammada Midoobay muujiso in Soomaaliya ay ilaa hadda ku adkaysanayso in ay qaanuun ahaan leedahay 200 mayl-badeed. Sidoo kale dalalka sharciga badda saxiixay ee ay ka mid yihiin Benin, Ecuador, El Salvador iyo Peru waxay si joogto ah usheegtaan 200 mayl-badeed in ay maamulkeeda leeyihiin.

  • “They point to the fact that the United Nations notes that Somalia still asserts a 200 mile jurisdiction. Law of the Sea signatories Benin, Ecuador, El Salvador and Peru also continue to claim a 200 mile jurisdiction.”

Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar oo lagu eedeeyey dacwad lal xiriirta dil. Sawirka: Wavy Tv

La oga marka muranka u dhaxaya Qareemada uu kala xakumi doono Garyaaqaanka ka tirsan Dawladda Dhexe ee Maraykanku. Waxaana Qareenada (Prosecutors-ka) ay ku mudacayaan in aanba la tixgelin motion-ka la xiriira in la baabiyo kiista la xiriira dilka, waayo ayey yiraahdeen, qareenada dicaaya ayaa ku kacay hab khaldan markii ay arrintaas maxkamadda ka diiwaan gelinayeen.

Dacwadda (jury trial) ee nimankan waxay bilaabanaysaa bisha June (2013).

Laba-iyo-toban nin oo kale oo dacwaddaan la xiriirey ayaa mar hore  dembigaas qirteen ama lagu helay dembiga burcad badeednimo, waxaana lagu xakumay xabsi daa’im.

Warbixintaas AP ka akhri halkan: Somali territorial waters disputed in murder case 

###

Buugga World Factbook (Somalia: Maritime Claims: Territorial Sea: 200 nm)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dacwad la xiriirta dil oo ka socota Maraykanka ayaa Qareenada ka dhex dhalisay muran la xiriira in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed "

  1. Cabdirisaq says:

    Asc salan kadib marka hore waxaa mahad leh ALLAH marka lalabad waxan umahad celinaya somalitalk runtii somalitalk waxan idinkugu abal gudno magaranayno hadan nahay shacabka somaliyed sida hagrasha aan la hayn oo aad umadina iyo dalkiina aad udifacaysan dhalintasna ILAHAY hakasodayo cadowga umada somaliyedna waxan leeyahay war gunnimada aan is ka rogno oo aduuyada cidkalaba haku hunguriyeyso ee doofartii sankaweyned hakubobto ma gunnimo kadaran ba jirta? Waa maya

  2. Adam Abuzuhr says:

    Marka hore wiilasha Allah soo daayo, haddii wax danbi lagu hayana waa in dalkooda oo nabad ah lagu xukumo.
    Tanlabaad, arintaan waxay markale toos ku ifinaysaa arin aad moodid in madaxda Somalia aysan ku baraarugsanayn. Bal aynu eegno waxa uu qaadigan xukumo. Waaba intaas oo ay kudhiiradaan madaxda Somalia inay kahadlaan bada iyo dhulka laboobaya.