Home » Faallo »

SOO DI’-IDDA BIRTA

Muuqaallada uunka ee cajiibka badan waxaa kamid ah bir sidii roobkii inoogu soo de´eysa, taas oo ah raxmad Eebe (kor ahaaye) uu inoogu hagaajinayo dheelli-tirka socodsiinta nolosha dhulka oogadiis. Sanadkii 1963-kii ee qarnigii tegey ayay ahayd markii ugu horeysey oo aadamigu uu xaqiiqsadey in birtu ayan ahayn agab ku sameysmey dhulka gudihiisa, bal ay tahay cunsur ka yimid meel ka baxsan dhulka. Tan iyo xilligaas waxaa jiray dad tira-yar oo xiiseynayay xaqiiqada arinkan. Aqoonyahanno u dhashay reer galbeed ayaa si is daba-joog ah waxay markaas u soo bandhigeen aragtiyo iyo tijaabooyin aqooneed oo caqli-gal ah, kuwaas oo ay ku xoojinayaan aragtida sheegeysa in cunsurka birtu ay marti ku tahay dhulka.

Sanadihii danbe ee qarnigii tegey, qaar kamid ah aqoonyahannadu waxay aragtiyaalkoodii ku heleen billadda abaal-marinta ah ee heer carri-edeg ee la yiraahdo (Nobel Prize). Sanadihii 1976-kii, 1983-kii iyo 1987-kii ayay ahayd markii aqoonyahanno kala duwan ay siyaabo kala duwan oo kala heer garasho ah ay u soo bandhigeen falaad (research) ay sameeyeen oo ka markhaati kacaya aragtida muuqaalkan. Dabadeed sanadahaas waxay heleen abaal-marintaas aanu soo xusney. Goor markaas ka danbeysey ayaa aqoonyahanno muslim ah ay taageereen aragtidii ahayd martinimada cunsurkan birta ah. Taasina waxay ka danbeysey markii ay arkeen in aragtidan ay si qayaxan ugu qoran tahay kitaabka dahiran ee quraanka ah. Iyaga waxaa fajiciso ku noqotey cunsurka birta ah in uu yahay curiyaha keliya ee suurad quraan ah lagu magacaabey, taas oo ah suuradda (Al-Xadiid). Aayadda 25-aad ee suuraddan waxay oraneysaa ceynkan:

لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ وَأَنزَلْنَا الْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَا فِعُ لِلنَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ مَن يَنصُرُهُ وَرُسُلَهُ بِالْغَيْبِ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ

Aayaddu waxay ka hadleysaa in Eebe (kor ahaaye) uu aadamiga u adeejiyey rag xaggiisa laga caleema-saarey. Wuxuu u soo dhiibey xeerar lagu hagaajinayo nolosha, kuwaas oo caddaaladda ay saldhig u tahay. Aayaddu waxay hadalkii raacisey aragti mucjiso ah oo leynagu barayo awoodda Eebe (kor ahaaye) ee isagu ah boqorka yeeshey xeer-dejinta uunka, isla-markaas u taagan hagaajintiisa iyo cafinta aadami kasta oo wax halleeya. Aragtidaas mucjisada ah ayaa waxay tahay birta oo sidii roobkii dusha inoogu soo de´eysa. Inteynaan ka faalloon di´itaanka birta, aynu milicsi kooban ku eegno cimilada cunsurkan martida ku ah degaanka dhulka iyo hayaanka dheer ee uu soo galey.

Bir (Iron) waa cunsur kamid ah curiyayaasha kiimikada kuwooda macdanta ah (metals). Waa macdanka ugu da´da weyn ee ugu horeeyey macdan aadamigu adeegsado. Waxay tahay walaxda afaraad walxaha asaaska u ah dhismaha dhulka. Marka laga eego awoodda nuclear-ka ee bu´diisu leedahay iyo dheelli-tirka awoodda magneetikada ee iniinihiisu leeyihiin, cunsurka birta ah wuxuu noqonayaa midka ugu sugan uguna cuf-xooggan curiyayaasha. Si baaxad leh birtu waxay ugu faafsan tahay dhulka gudihiisa (inner core) iyo dhulka dibaddiisa (outer core). Astaanta uu cunsurkani leeyahay waa (Fe). Dhismaha atomka birta ah waxay lamid tahay dhismayaalka atommada canaasirta kale. Waxay ka kooban tahay bu´da oo ah 26 iniin (proton), kuwaas oo xambaarsan danab leh shixnad dhan (posetive charge) iyo 30 iniin (neotron) oo iyaguna xambaarsan danab leh shixnad eber ah (zero charge). Bu´da dibaddeeda waxaa ka muuqda wax daruur la moodo oo ah 26 iniin (electron). Iyaga oo xawaare dheereeya ku ordaya ayaa waxay ku meereysanayaan bu´da dibaddeeda, waxayna xambaarsan yihiin danab leh shixnad dhiman (negative charge).

Inkasta oo aadamigu uu birta kala soo baxo dhulka hoostiisa, misana waxaa si dhab ah loo ogaadey, birta iyada oo geeddi ah in ay dhulka soo gaadhey. Hayaankeedu wuxuu soo bilowdey xilliga loo yaqaan (Cataclysmic Death). Xilligaas ayaa shil ka dhacay fagaagga sare dartiis waxaa la qarxey xiddigaha waaweyn (Giant Stars) oo birtu ay ku dhex sameysanto, kuwaas oo aad inooga fog. Waxaa qaraxii ka dhashey in fagaagga ay ku yaacaan daruuraha mugga weyn (Super-nova). Waxaa iyaguna bannaanka sare ku firdhadey dhadhaabyo (Meteoroids) iyo habaas ay bir la socoto. Qeybo kamid ah walxihii qarxey waxay soo gaareen meelo kamid ah xuduudda malluugyada qoys-qorrexeedka (solar-system) oo dhulku kamid yahay. Xikmad Eebe (kor ahaaye) ayay ku noqotey birtaas uu soo direy in ay sabab u ahaatey in dhulka ay nolol ka unkanto. Arinkaasi oo aadamigu uu jahli kaga sugnaa ayaa ogaalkiisu wuxuu ahaa 30-kii sano ee ugu danbeeyey qarnigii tegey.

Waxaa xusid mudan, birta oo ah macdan culus in ayan ku sameysmi karin dhulkeena iyo dhulalka aanu bah-wadaagta nahay. Bal ay u baahan tahay kuleyl ka badan midka qorraxda dusheeda yaal. Sidaa darteed macdanta culus waxay ku sameysmaan xiddigaha mugga weyn, kuwaas oo heer-kulkoodu uu gaarsiisan yahay 100, 000 000 °C. Kuleylka baaxaddaas leh wuxuu isu ururiyaa dhismayaalka bu´da atomka iyo iniineheeda. Markaas ayaa cunsurkii wuxuu isu beddelaa mid tamarta qaata, halkii uu markii hore ka ahaa mid tamarta bixiya. Atommada birta ah oo halkaas ku sameysma markii ay gaaraan mug xaddidan oo culeys siyaado ah leh, xiddiggu wuxuu awood u weynayaa in uu meereysto isaga oo sita culeyska ka dhashey birta ku dhex-sameysantey. Dabadeed si xooggan ayuu u qarxayaa oo firirkiisu waxay ku yaacayaan fagaagga bannaan illaa ay ka helaan cuf-jiidyada xiddigaha ku hayaamaya meerayaasha kala duwan. Birta dhulka inoo taalla, xiddigaha ay ka yimaadeen ayaa qaraxyadooda waxaa lagu qiyaasaa in ay dhaceen muddo laga joogo 4,5 bilyan oo sano. Xilligaas dhulku maahayn dhadhaab is-heysata ee wuxuu ahaa daruuro gaas ah oo lamid ah xiddigaha nala bahda ah ee qorraxda ka fog. Dabadeed dhadhaabyadii biraha watay ee fagaagga ku yaacsanaa ayaa waxay soo weerareen dhulka iyo xiddigaha la bahda ah.

Dhulkii iyo dhadhaabyadii ayaa fagaagga ku kulmey. Iyada oo mid-waliba xawaare dheereynaya uu ku socdo ayay si xooggan isugu-dhaceen. Birtii la socotey dhadhaabyada waxay markiiba xigsatey ubucdii oo waxay kamid noqotey jirriddii dhulka. Sidaas ayaa birtu waxay ku noqotey mid ceegaagta bu´da dhulka, taas oo ah cunsur aanan ku sameysmin dhulka gudihiisa ama oogadiisa. Dhadhaabyada ka imanaya qaraxyadaas waaweyn weligeed waa soo hoobanayeen oo weerar ayay dhulka ku hayeen illaa uu dhulku noqdo dabaqado dhagxan ah oo is-heysta. Aqoonyahanka la yiraahdo Arthur Bears buuggiisa uu ku magacaabey (The Earth) wuxuu ku xusey dhadhaabyada soo gaara dhulka in ay yihiin saddex jaad. Kuwo dhagax ah oo ciid keliya ka kooban (stone like-derbs), kuwo ka kooban cunsurka birta ah oo keliya (metal like-derbs) iyo kuwo isugu jira ciid iyo bir (mixed derbs). Arthur Bears wuxuu buuggiisaas ku xusey, 98% dhadhaabyada cirka inooga soo martiyey in ay yihiin bir.

Birtii degaanka ka sameysantey bu´da dhulka, waxay abuurtey xoogga magneetikada ee cuf-jiidka ah. Waxaa halkaas ka dhashey boor badan oo canaassir bir ah ay ka buuxaan, kuwaas oo degaan ka dhigtey fagaagga ku hareereysan dhulka. Gaar ahaan dabaqadda lagu magacaabo (Magnetosphere). Waa dabaqad dusheena ah, taas oo inoo jidha 19,000 km. Boorkaas birta ah wuxuu daah u yahay noolaha dhulka ku dhaqan oo aadamigu ugu mudan yahay. Boorkaas ayaa si joogto ah wuxuu ugu soo da´aa dhulka oogadiisa (Bad iyo berri). Boorka birta ah ee badda ku da´a, isaga oo ah qiiq-bax (Evaporation) ayuu hawada ku laabtaa, dabadeed biyaha roobabka ayuu mar-kale la soo hoobtaa. Soo di´itaanka birta, meelaha ay sida wanaagsan uga muuqato waxaa kamid ah gobolka Siberia ee waddanka Ruushka. Gobolkaas ayaa birta ku da´eysa darteed, wuxuu noqdey meelaha adduunka ugu hodansan ee birta laga qoto. Muuqaal qurux badan oo muujinaya birta de´eysa ayaa gobolkaas laga arkey bilowgii sanakii 1947-kii. Iyada oo markaas lagu jiray xilligii qaboobaha ayaa bariga gobolkaas waxaa ku soo da´ay baraf wata bir aad u badan iyo dhadhaab ololeysa oo xawaare ku ordeysa. Wargeys arintaas wax ka qorey ayaa wuxuu yiri:

“ Toddobaadkan raad xasuus reeba waxaa ah in la arkey dhadhaabtii ugu xiisaha badneyd ee ka muuqata oogada sare. Taas oo la arkey fiidnimadii markey taariikhdu ahayd 127 2- 1947-kii, oo saacadduna ay ahayd 19:40. Waxay ahayd kubbad gubaneysa oo uu olol ka baxayo, taas oo si aanan la rumeysan karin ugu carareysa samada bariga Siberia. Waxaa weheliyey roobab xooggan oo ay la socdaan 70 tan oo bir ah, kuwaas oo ku da´ay dhulka gobolkaas ee leh muuqaalka quruxda badan “. (From Sky Publishing Corporation George Zay. CNN Interactive. October 10/ 10- 1977).

Waxay noqotey arin lala yaabo sawirkaas ay cimiladu bixisey ee aadamigu uu ka akhrisanayo awoodda boqorkii farsamadeeda lahaa. Muuqaallada ceynkaas ah oo meelo badan laga akhristo ayaa waxay tafsiir buuxa u noqdeen aayadda birta ee qarniyada badan dhex-tiil kitaabka quraanka ah. Waxaa iyana ammakaak noqotey tirsiga suuradda birta (Al-Xadiid) iyo tirsiga aayadda birta in ay xiriir toos ah la leeyihiin cunsurka curiyaha birta ah. Culeyska atomeed ee birtu, waa mid kala duwan oo illaa shan miisaan oo isu dhow ayuu leeyahay. Midkooda ugu dhexeeya waa 57 atomic weight. Tirsigaas ayaa wuxuu la dhig yahay tirsiga suuradda Al-Xadiid oo ah suuradda 57-aad ee kitaabka quraanka ah. Iniinaha elecktroonada birta ayaa iyaduna sidaanu soo xusney, tirsigeedu wuxuu yahay 26. Tirsigaas waxaa isagana la dhig ah tirsiga ayaadda birta markii la raacsho bisinka ay suuraddu ku bilaabatey, kaas oo isna noqonaya 26. Maahan arin si lama filaan ah ku timid jaangooyada tirsiyada suuradda iyo aayadda ee ku mataaneysan curiyaha birta. Bal waxay tahay cashar qiimihiisa leh oo goor hore lagu baraarujiyay aadamiga, si uu u fahmo xeerarka Eebe (kor ahaaye). Dabadeedna uu ku caqliyeysto oo uu ka haro nolosha bahaahimka la qaab ah.

Aayaddu waxaa kaloo ay sheegtey in cunsurka birta ah uu lamid yahay seef ah laba-afle, taas oo wax-tarna leh shiddona leh. Shiddadeeda waxaa keenaya in ay tahay cunsurka ay iniinaha bu´diisu ugu is-heysad badan tahay. Taas ayaa waxay siisey shiddada ay birtu dheer-tahay canaasirta kale iyo tilmaamaha kiimikada iyo fiisikada ee wacan oo cunsurkan uu leeyahay. Shiddada uu cunsurkan leeyahay waxaa tusaale-dhig inooga filan agabka kala duwan oo colaadaha aadamigu ay isu adeegsadaan marka ay is-nacaan ama ay isu xoog sheeganayaan. Haddaanu dhanka nafaca eegno, wax kasta oo aanu cuneyno, ama cabeyno, ama ku lebisaneyno, ama ah agab aanu adeegsaneyno waxay u baahan yihiin cunsurka birta ah.

Haddaanu wax-tarkeeda milicsano, birtu waxay u dhigantaa 35 % dhismaha dhulkan aynu dushiisa ku dhaqannahay, oo waxaa lagu magacaabaa in ay tahay wadnihii dhulka. Waxay leedahay tilmaan magneetik ah, sidaa darteed waxay ka qeyb-qaadataa hannaanka cuf-jiidka dhulka, isla-markaas waxay dheelli-tir ku sameysaa geeddiga uu dhulku ku meereysanayo fagaagga. Birtu waxay si wanaagsan u lalisaa mowjadaha hadalka iyo qulqulka korontada. Waxay leedahay qiimi biology oo waxay kamid tahay canaasirta kiimikada ah oo jirka aadamigu ku dhisan yahay. Qofka qaangaarka ah waxaa jirkiisa ku jira 4 g. oo bir ah, kuwaas oo badankoodu ay la socdaan brootiinka lagu magacaabo (Hemoglobin) ee ku dhex-jira dhiigga unugyadiisa cas-cas. Qiyaas 20 % birta jirku waxay ku keydsan tahay beerka. Haddii birtu ku yaraato jirka waxaa qofka ku dhacaya wadne-garaac iyo neefta oo ku joogsata. Waxaa kaloo cunsurka birta ay ka qeyb-qaadataa hannaanka cagaareynta dhirta (Chlorophyll) oo ay raashinka ku qaataan.

Waa macdan aad u culus oo halkii meter square oo bir ah wuxuu miisaankeedu le´eg yahay 7.874 kg. Sidaa darted waxaa loo adeegsadaa bur-burinta. Isla-markaas waxaa laga dhigi karaa macdan aad u jilicsan oo intii la doono la khafiifiyo. Sidaa darteed waxaa loo adeegsadaa farsamada agabka teknolojiyada ee casriga ah. Dabaqadda lagu magacaabo (Magnetosphere) ee inagu hagoogan, sida aanu soo xusney waa dabaqad ay ka buuxaan boor bir ah. Waxay u taagan tahay in ay dhulka ka xijaabto mowjadaha kuleylka badan ee ka soo butaacaya qorraxda iyo walxaha kale ee ka imanaya fagaagga ee dhulka shiddada ku haya. Biraha badan ee la socda boorkaas ayaa walxahaas dib ugu celiya fagaagga. Arimahaas dhamaan waxay inoo tilmaamayaan in xuska cunsurkan lagu xusey quraanka in uusan ahayn arin macno-darri dheceysa. Soo dejinta aayadda lagu xusey ayaa iyana waxay tahay mid aanan leyska oran. Bal waa erey ka yimid wax-walba uume ogaal-badane saamiga uunka keli ku leh.

Sidaa darteed birtu waxay kamid tahay hantida maguurtada ah oo ummuaduhu ay ku hanaqaadaan. Ummado badan baa jira oo ka qatan hantidaas, laakiin ku hor-marey aqoonta farsamada birta (Metallurgia). Iyagu waddamo kale ayay ka soo qaataan macdanta, markaas ayay ka shaqeeyaan. Dabadeed iyada oo agab ah ayay dunida ka iib-geeyaan. Tilmaamahaas ay leedahay darteed ayaa aadamigu qudhiisa uu mudnaan siiyey cunsurkan. Markaas ayaa birtii waxay heshey magaca ah Boqorkii Macdanta. Faa´iidada badan oo ay leedahay iyo xoogga ay ku ceegaagto dhulka, waxay goor hore dhalisey in aadamigu uu u tartamo soo-saaristeeda, farsameynteeda iyo agab ka-yeeliddeeda. Mucjisadahaas aanu wax ka tilmaaney iyo kuwo inaga qarsoon ayaa cunsurka birta ah uu ku muteystey in magaceeda ku cibaadesano, suurad ku magacaabanna aanu quraanka ka akhrisanno.

Waxaa iyadana xusid mudan macdanta hodantooyadaas leh in ay kamid tahay macdanta ceegaagta dhulka Soomaaliya. Deeqda Eebe (kor ahaaye) uu ugu roonaadey dalkan curdanka ah iyo dadkiisa moogayaasha ah ayaa sanadkan bilowgiisii waxaa qoraal 14 safxadood ah ka qorey hey´ad caalami ah oo la yiraahdo The Global Policy Forum. Qoraalkaas oo ay kaga waramayeen hodantooyada dhulka Soomaaliya ayay cinwaan uga dhigeen sidan: Somalia´s resources next target of Western intervention. Qoraalkaas oo soo baxay 14/ 3- 20012, dhigaalkiisii waxaa kamid ahaa sidan:

“ Xiisaha loo qabo dalkan ayaa wuxuu ku wareegaaleysanayaa keydka macdanta ah eek u jirta oo ay kamid tahay birta, yuraaniumka, naxaasta iyo hantida ah gaaska dabiiciga, iyo weliba batrool lagu qiyaasey 5 – 10 barmiil oo keyd u ah, kaas oo keligiis qiimihiisu lagu qiyaasey 500 oo bilyan US. $ “ (The Global Policy Forum. 14/ 3- 2012. New York – USA)

Waxaa xusid mudan qorshe aanan fulin oo ay dejiyeen aqoonyahanno u dhashey dalka Ruushka, kaas oo la dhigey xilligii ay is-qaateen dowladdii Kanaanka ahayd iyo dowladdii Midowga Soofyeeti. Qorshahaas ayaa wuxuu ahaa dhismo waddo tariin oo marta xeebta Soomaaliya. Waxay isku xireysaa degmada lowya-cadde oo xuduudda Jabuuti la deris ah iyo degmada Raas-Kambuuni oo iyadana xuduudda Keenya la deriska ah. Birta laga dhisayo tariinkaas iyo birta waddada uu marayo, ma noqoteen bir dibadda leynooga keeno ee waa birta dhulkayaga ku jirta. Shidaalka uu ku shaqeyn lahaana dibadda leynoogama keeneen ee waa dhuxul-dhagaxa (Coal) dhulkeena ku jirta. Xoogga shaqeyn-lahaana dibadda leynoogama keeneen ee waxaa la howl-gelin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Keliya niman aqoonyahanno ah ayay soo diri lahaayeen. Waxaa is-weydiin leh, si ay nolol sharaf leh u hesho Soomaalidu ma heli-karaan rag ay kaga deeq-toomaan baahiyaha heysa oo kaga xiran raggaas shisheeyahay ah.

Soomaali looguma darraan deeqda Eebahaye
Dal wanaagsan in ay leeyihiin looma diiddana´e
Wax dadkeedu joogaa arlada mid ugu dooroone
Webiyada dareeriyo biyaha dixasho rooraaya
Dur-dur iyo waxay ka cabayaan dowda ceelasha´e
Deyrtiyo gugana roobka waa ugu da´aayaaye
Buurihiyo deexada wax yaal doog iyo caleene
Daraftii aad eegtobana waa duuyo iyo xoolo
Waa na-deeqey kheyr kalena waa laga damcaayaaye (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " SOO DI’-IDDA BIRTA "

  1. Sheegoow says:

    ASC DR.Saadeq Eenoow Masha allaah Allah ku Xufidyo Sheekunaa, waxaan aad Ula dhacy qaabka aad wax u qorto iyo Examples aad soo qaadato moowduuca Birta wax sahlan ma ahan faa’idadedana ma ahan mid looga bogan karo Maqaal quraa waxaan jeclaan laheen inaad wax badan inoo jilciso maqaalo kalane aad noogu faah faahiso adoo ka raali’ah codsiga culus aan sida shaqsiyaded usoo gudbiyay. Waxaan jeclaan lahaa Intee is leh oo Culeemta seyniska ah in aad buug ka sameyso is raacsan si uu Dhaxal u noqdo oo aan kaaga dhaxalno aniga iyo intii iga danbeysaba . Somalitalk aad baan adinkuna U mahadsantihiin sida wacan oo aanan hagar -la’aanta ah ee aad wax inoogu soo gudbisan iyo sida aad somalia qeraadkeda boobka lala damacsanyahay aad u difaacdaan. waxaan jeclaan lahaa qoraalo kale oo cilmi taxane ah inaad aqoon yahanadeena inoogu soo gudbisan meshaan si aan u daalacane inagana . Thanks.

  2. abshir baafo says:

    wabsiteka somali talk aad baan idiinka mahadnaqaa warbixinda iyo maqaalada aad noo soo gudbisaan waxaana tihiin wabsite kali ah ay somali qorto oon aniga arkay oo macluumaad ka buuxaan dhankasta diini iyo maadiba dr saadiq eenow sheekh jazaakalaahu sheekh allaha kaa abaal mariyo maqaaladadaa waan la soconaaa

  3. Abu-Muxammad says:

    Jazaakallah kheyr Dr Saadiq Eenow.
    runtii waxad dalka iyo dadka u haysaa howl aan sahlaneyn. ha ka daalin. waxaan hubaa in ilaahey dad badan ku anfacayo.
    Somalitalk aad baad ugu mahadsan tihiin Baraarujinta habeen iyo maalin ah ee aad la daba joogtaan dadka soomaaliga ku hadla.
    Ilaahey ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo.

  4. abuu cabdala says:

    shikh saadiq jazaakalah kheyr maqaalkan qiimaha badan ee cilmiga ah runtii waa qormo aad u qiimo badan somalida anfici doonta qolaada noocan oo kale ah ee cilmiga aad ayaa loo gu oo manyahay ee noo badi
    allah hakuu barakeeyo cilmigaaga qalinkaaga ehelkagaa waxaa hu baal ah in aan soolamida dhaxal maguuran ah baal dahab ah ugu qorayso
    jazakalah kheeyr marlabaad halkaas nooga wad somalitalk waad mahadsantihiin in aad fursad noo siisaan aqonyahan sidaan oo kale u miisan culun in aad noo soo gudbisaan qoraaladiisa jazaakumulaah