Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah ee ka soo baxaysa Gabar yar oo si Waxashnimo ah u Kufsadeen Rag ku Libisan Dareyska Ciidamada Dowladda


Col Maxamed Xuseen Muun-Gaab oo sheegey in Dhibaatada loo geysanyo Shacabka ay ku timid Dayacaad Laamaha Amaanka

Xaaladda Gabar yar oo 14 jir ah oo Habeen dhaweyd Rag ku lebisan Direyska Ciidamada Dawladda ay ku Kufsadeen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa iminka laga deyrinaya. Gabadhan Miskiinta ah oo iminka ku sugan Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo food saaray xaalado Caafimaad darro ka gadaal markii Raggaas si Waxshinimo ah ay u kufsadeen isla markaana dhaawac soo gaarsiyeen qaybo ka mid ah Jirkeeda gaar ahaana xibinteeda Taranka.

Hooyada dhashay Gabdhaas oo ay ka muuqatey Tiiraanyo xoog badan isla markaana hareer fadhiday Gabadha Dhaawaca ah ayaa u warantay warbaahinta waxayna sheegtay in Gabadheeda oo ifka oo dhan iyada ay dad ka haysato in goor habeenima ah ay adeeg uga dirsatay goob aan ka fogeyn halkii ay ka degganaayeen Degmada Yaaqshiid hase yeeshee Rag ma Naxayaal ah Jidka ka qabsadeen kuwaasoo gebi ahaanteedaba Xambaartay.

Hooyadaas Soomaaliyeed oo inta ay hadlaysey mar walba Indhaheedu Ilmo ay soo buux dhaafinayeen ayaa intaa ku dartay in Gabadheeda ay Isticmaaleen Rag gaaraya illaa Tobaneeyo isla markaana Jirkeedii six un loo jar jaray taasoo ay sheegtay xitaa in ay ka baqa qabto in ay wax ka gaareen dhinaca Kaadi haysta.

Hooyada ayaa intaa ku dartay in markii la kufsaday Gabadhaa yar ee ay dhashay in ay Miir beeshay Ogaal ay ugu dambaysey markii ay Xoogayeen Raggaas Arxan laawayaasha ah taasoo ay sheegtay in Gabadhu weli iminka ay shoogsan tahay isla markaana ay ka baqanayso cid kasta oo ay aragto iyadoo u malaynaysa Raggii Hilibkeeda boobay.

Hooyadaas oo calool xumo iyo ciil dartii hadalka sii wadi weysey ayaa sheegtay in wax gargaar wanaagsan ah aysan helin Gabadheeda iyadoona ka codsatay dadka Baniiaadanimada ku Dambeyso ama samafalayasha in laga caawiyo sidii Gabadheeda Miskiinta ah wax loogu qaban lahaa.

Dhacdadan ayaa ahayd mid aad u naxdin badan iyadoo Hooyadaasina ay sheegtay in qoyskoodu uu yahay mid aad u dan yar isla markaana labadii maalmood ee ay Isbitaalka ku jireen aysan xitaa helin Koob shaah, Gaajadaasina ay u sii dheer tahay Dhaawacyada Gabadha ka soo gaaray dhinaca Dhuunta iyo Feeraha oo ay si aad ah uga cabanaysey. Ugu dambayntii ayaa Hooyadan waxaa ay ka codsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo kuwii falkaas ka dambeeyay isla markaana sharciga Islaamka la mariyo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Maxamed Xuseen Moon Gaab oo ka hadlayey arrinta Gabadhaas ayaa sheegey in Dhibaatada loo geysanyo Shacabka ay ku timid markii ay ka gaabiyeen Laamaha Amaanka sugida nabadgelyada kuwaas oo uu sheegey in ay keeneen Dayacaad fara badan oo soo wajahan Shacabka , wuxuuna u soo jeediyey Dowladda in ay wax ka qabto Dhibaatada loo geysanyo Shacabka

Si kasta ha ahaatee xaalad aan wanaagsanayn ayaa ka muuqanaysey Gabadhaas Miskiinta ah ee raggaas gashanaa Direyska Ciidamada Dawladda laba habeen ka hor Kufsiga ay ugu gaysteen Degmada Yaaqshiid iyadoo illaa iyo iminka aysan jirin cid ka tirsan maamulka Degmadaas oo ka hadashay Dhibaatada Aadanimo ee loo gaystay Gabadha yar ee Afar iyo Toban Jirka ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Faahfaahin Dheeraad ah ee ka soo baxaysa Gabar yar oo si Waxashnimo ah u Kufsadeen Rag ku Libisan Dareyska Ciidamada Dowladda "

  1. Maxamed says:

    Ascwb waxaan illaah uga baryaa inuu caafiyo miskiinta yar.waxaan walaalaha muslimka ahna ka codsanayaa inay qoyskaa wax taraan qofwaliba waxuu awoodo.

  2. ayaanle says:

    WAR WAXAAN CIIDAN LAGUMA SHEEGI KARO WAAYO WAA CARUURTII MOORYANTA AHAYD IYO WACALADA EE WADANKA INTAAS MARIYEY OO INTA DHAR LOO SOO GASHAY LAGU SHEEGAY CIIDAN QARAN

    DOOFAR MA DAAHIRO SI KASTOO LOO MAYRO KUWAANA WAA DOOFAR INTA KALE EE AAN SOO SHAACBIXIN AYAA KA DARAN

    MA U MALAYNAYSAA MARKII AY CIDAN KU SIDAA U GALEEN IN QOF KALE AAMINAYO CIIDAN DAWLADEED SHABABKIISA AYUU KU JIRAAA CARUURTISANA KU BOORINAYAA SABABTOO AH CIIDANKA DAWLADU WAA JAAHILIIN TUUGO

  3. OMAR says:

    Allah ayaa na leh xaggisa ayaan u laaban doonaa,,kuwaan dowlad ma ahan waa Mooryaan U adeega gaalada AMISOM iyo kuwa sheegta beesha caalamka,,Allah waxaan ka baryaynaa kuwii Gabartaan sidaan u galay inuu qabto[aamiin],,waxaan kale SOMALITALK ka codsaneynaa inay reerkaas telefoonkooda meeshaan noo soo dhigaan si qof alaale qofkii awooda[Allah ayaa awood leh],u kaalmeeyaan.

  4. hamse says:

    ilaahay ha u naxariisto,iyada iyo inti muslin ah e dhib qabto aamin runtu waxay tahay,in aanay jiirin wax la yiirahdo biniaadanimo,xagebey ka dhacday gabar yar o dhiib ka inta la eg lo gestay o aan waliba reerkoda wax an lagu tariin ilahow no sahal,somaliyeey intey jirto dulmiga ha sugina horumar iyo cadalada ilahay unba lag hela lakin kuwan kufaarta ah iyo kuwa u dhaqdhaqayo ilahow naga qabo miiskintasna ilahow u gargaar

  5. Gacal says:

    Asc marka wan ka xumahay waxana allaha awoda leh uga baryaye in u dhayo nabarada naxaris laawayaasha u geysteen ayagana allah ku salido mucjiso ma hadho ah o if iyo aakhiro anan ka harin somali dowlad iyo ciidan iyo cid damir leh laguma arkee allow dadnima iyo damir ino so celi insha allah