Home » Warar »

Raiisul Wasaare Shirdoon oo Cod Aqlabiyada ah Baarlamaanka ku Ogolaadey

Kulan Balaaran oo ay maanta Oct17, 2012 isugu yimaadeen Xildhibaanada baarlamaanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaaro ayaa waxaa looga hadlay Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo uu dhawaan uu Magacaabey Madaxweyne Xasan Shiikh si Baarlamaanka loogu weydiiyo Cod ka Kalsoonida.

Kulankaan oo aad u balaaranaa ayaa waxaa soo xaadiray 215 Mudane waxaana kulankaan qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo Gudoomiyaha uu ka Codsadey Xildhibaanada in ay Cod Aqlbiyad ah siiyaan Raiisul Wasaaraha Cusub suu uu u guda galo Howshiisa si uu u sooo dhiso Gole Wasiiro oo Tayo leh

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ogolaadey Raiisul Wasaare Shirdoon ma jirto Cid ka Amaamustey ama diidey Raiisul Wasaaraha Cusub, markii uu dhacay Codkaa Aqlabiyada ah ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegey in Raiisul Wasaare Saacid uu yahay Raiisul wasaare Sharci ah waxaana uu ka Codsadey in uu soo dhiso Dowladiisa.

Waxaa markii la ansaxiyey Raiisul Wasaaraha la bilaabey in halkaa lagu dhaariyo isagoo sheegeyin uu soo dhisi Doono Dowlada tayo Wanaagsan oo dalka ka samatabixisa Dhibaatooyinka kala duwan ee heysta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Nail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.