Home » Warar »

Xukuumadda Kenya oo Madaxweyne Xasan Shiikh u soo Bandhigtay in Maamul u Sameynta Kismaayo laga Qayb geliyo IGAD

iyo Ardeyda Magaalada Kismaayo oo Xiligan ka Cabanaya Dhibaatooyin ay kala Kulmaan Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya….

Madaxweynaha Dawladda Kiinya Mwai Kibaki oo ka qayb galay Munaasibad lagu maamuusayay Konton Guuradii ka soo wareegtay Xornimadii Dalka Ugandha ayaa waxa uu magaalada Kambala uu shir gooni ah kula qaatay Madaxweynaha dawladda Soomaaliya.Kulankaas oo qodobadii looga hadlay aan shaaca laga qaadin ayaa markii uu Madaxweyne kibaki ku laabtay Magaalada Nairobi waxa uu qabtay Shir Jaraa’id oo uu ku faah faahiyay waxyaabihii uu kala hadlay Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud.

Kibaki ayaa sheegey in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay qodobada ay ka mid ahaayeen sidii Maamul u sameynta Kismaayo looga qayb galin lahaa IGAD. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay sidii dawladda federaalka Soomaaliya ay Hub ka dhigis ugu samayn lahayd xarakada.

Kibaki ayaa sidoo kale sheegey in Qaramada Midoobay uu codsi u diray kaasoo ahaa sidii mudada loogu kordhin lahaa Ciidamada Kenya oo joogitaankoodii Soomaaliya uu iminka sii dhamanayo. Madaxweynaha Kenya ayaan sheegin in Qodobadii uu la soo qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in ay isku afgarteen iyo in kale iyadoo dhinaca Xasan Shiikh Maxamuudna aan wax war ah weli laga hayn.

Kulankii Maxamuud iyo Kibaki ee Kampala – Sawirka: Dailynation / PPS

Xukuumadda Kenya ayaa waxa ay suxul duub ugu jirtaa sidii ay gacan weyn ugu lahaan lahayd Maamul u sameynta Gobolka Jubada Hoose in kastoo marar badan arrintaas ay beenisey.Si kastaba hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Kiinya ayaa waxaa uu caddeynayaa in Kiinya ay si weyn u daneyneyso in ay gacan ku lahaato maamul u sameynta Gobolka Jubada hoose iyadoo huwaneysa magaca IGAD.

Ardeyda Magaalada Kismaayo oo Xiligan ka Cabanaya Dhibaatooyin ay kala Kulmaan Ciidamada Dawladda.

Iyadoo dhawaan Ciidamada Dawladda oo ay is Gaashaan buursanayaan Ciidamada Kenya iyo Raas kaanbooni ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ayaa waxaa durbaba soo baxaya Cabasho ka imaanaysa Dhalinyarada wax ka barata dugsiyada sare ee Magaalada kismaayo. Dhallinyaradan oo qaarkood sababo amni dartooda Magacooda uga gaabsaday in Saxaafadda loo adeegsado ayaa sheegey in dhibaatooyin ay u gaysteen Ciidamada.

Sabab la’aan ayaa dhllinyarada la iska xiraa la jir dilaa ayay ku doodeen ardaydaas oo sheegay in xiligan ay cabsi ka qabaan in ay tagaan Dugsiyadii ay wax ka baranayeen. Dhallinyaradan ardada ah ayaa sheegey in wado kasta marka ay marayaan ay la kulmaan Ciidamo halkaa jooga kuwaasoo uu sheegey inay si xun ula dhaqmaan iyagoo ku eedeynaya inay xiriir la leeyihiin Xarakada Shabaab.

Mid ka mid ah Maamulayaasha Dugsiyada Kismaayo oo isaguna hadlay ayaa sheegey in muddo laba Todobaad ah ay xirnaayeen Dugsiyada qaarkood iyadoo uu sheegey in Ardeydii dhiganaysey Dugsiyada in ay iska baaqsadeen oo guryahooda iska joogeen iyagoo ka cabsanaya in dhibaato ay u gaystaan Ciidamada dawladda Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom oo hore u hadlay ayaa sheegay inaysan dhici doonin in dhibaato loo gaysto Dadka rayidka ah iyagoona shacabka halkaa ku dhaqan ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.cu.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Xukuumadda Kenya oo Madaxweyne Xasan Shiikh u soo Bandhigtay in Maamul u Sameynta Kismaayo laga Qayb geliyo IGAD "

  1. tahir yare says:

    salaan sare bahda somalitallk oo maalintaan arkay ilaa maanta isku mashquulisa siday xaqiiqda ugu soo tabin laheyd umadaa somaaliyed ee la daal dhaceyso abaaro iyo colaad aan dhamaad laheyn tan kale arintaan waxaan dhihi lahaa nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban bal nin igula doodaayo cunug aan aniga dhalay inuu ila wadaago magac bixintiisu sideed u argtaan soomaliyeey bal magaalo dowlad leh dad degaan ah leh bal waxa ka soo gali karo maamul u sameyn igad iyo kenya maxay tahay taa waxaan dhihi waxay sharaf dari ku tahay dowlada cusub ee shacbiga oo dhan ku farxay kana sugayo wax qabad hadeyba weli arintaas kala xaajooneyso nimankaa boobka wata walaahi wa sharaf daro arinta waa in aynan marnaba ka hadlin kenya ama cidkaleba ee uu ahaadaa mowqif cad wabilaahi towfiiq

  2. Bacda salaan waxaan aad uga xumahay halka soomaaliyi is dhigtay.waxa layaaba sida nin dal ka madaxweyne ah loogu maamulo goboladiisa waa waxaynu is badnay in kenya tidhaahdo igad ha usayso m/goboled

  3. Marka hore salaan diiran bahda somalitalk.com. Marka xiga waxaan ku boorinlaha madaxwaynaha JFS in uu sicad ugu sheego madaxwaynha kenya in shacabka JFS ay si buuxda uga warqabaan qorshaha dhabta ah ee dawladusa ee ku wajahan somalia(xatooyada ama bililiqad khayradka bada somalia). Una sheeg in hawlgalada ciidamadisu kawadan xadka labada wadan wadaagan OPERATION LINDA INCH uu yahay ambin(divertion). Una sheeg in gobolada jubooyinka aad madaxwaynahoda oo rasmi ah(de jour presdent) aadtahay maadama ay ciidan dawlada ka amarqaata aykusugan yihiin.una hambalyee madama ciidankoodu qayblibax ka qaaten gulufkii inta badan lagu jabshay alshabab. Ugu dan bayntana dhagta usaar mr kibaki in ay si aada ubuunbuniyeen hawlgalkoda ciidan xili ay alshabaab aad ay u liiteen ciidan ahaan niyad ahaan dhinac walba. NOOLIKULANTEEN

  4. Igad iyo Kenya faraha ha kala baxaan maamul
    u sameenta Gobollada Soomaaliyeed, siiyaba
    Kismaayo oo Soomaalidu ogtahay in aay la xiriirto
    Dhulbadeedka Soomaaliyeed ee Shirkadaha
    Shisheeye kusoo xadgudbeen si aay shiidaal ugu
    baaraan Kenya.
    KMG waa laga baxay. Dowladda rasmiga ah ee
    cusub iyo Baarlamaanka ha ka qaadeen tillaabada
    ku haboon. Shacabka Soomaaliyeed dhagaha ayaa
    u taagan.

  5. Yaasiin says:

    Xukuumada Kenya iyo IGAD midna xaq iyo sharci uma laha in laga qeyb geliyo maamul u sameyna Jubooyinka waa wax lalayaabo in ay IGAD iyo Kenya sidaas oo kale u hadlaan laakin waa Damac aan idho laheyn hadalkooda Dowlada Soomaaliyeed iyo Dadka degaanka Jubooyinka ayeey utaalaa Maamul usameynta Jubooyinka IGAD 1986 ma aheyn urur loo aasaasay in uu maamul u salmeeyo wadamada bariga afrika
    ee waxuu ahaa urur loosameeyay kahortaga abaaraha gobalka. Kenya Hadeey ogolaato in Dowladda Soomaaliyeed ay maamul u sameyso Gobalka KISUMU iyo ILDORET ayaan anagana ogolaandoonaa in ay Kenya ay wax ka sameyso maamulka Jubooyinka. Bahda Somalitalk waxaan ka codsanayaa in ay arintaan ka wareysato Madaxweyneha JFS mudane Pro. Xasan SHeeq Maxamed .
    waxaan aad ugu mahadcelinayaa Qorayaasha Somalitalk siad ay marwalba usoo bandhigaan Qiyaanada iyo Hagardaamada lala damacsan yahay Umada Soomaaliyeey Ciideeda iyo Diinteeda .waxaan idileeyahay ILAAHAY ha idinla jiro Somalitalk hadaa tahiin.