Home » Faallo, Warar »

Dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dadkii loo hayey oo Sawiradoodii iyo Magacyadoodii lasoo bandhigay

Sida uu faafiyey website-ka halgan.net, gudi loo xilsaaray baaritaanka dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa soobandhigay magacyo iyo sawiro ay sheegeen inay yihiin kuwii ka danbeeyey dilkii Dr. Axmed Xaaji oo ahaa Caalim aad   ummada Soomaaliyeed u hadal hayeen dilkiisii kadib. Shwikh Dr. Ahmed Haji Abdrahman waxaa lagu dilay magaalada Boosaaso 12/05/2012 isagoo salaada Subax masaajid kasoo baxay. Hadalka halgan faafisayna wuxuu u qoraa sidan;

Dhagarqabayaashii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan oo la faafiyey sawiradooda(Daawo)

Boosaaso:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa shalay soo gaaray magacyada iyo weliba sawirada dhagar qabayaashii dilay allaha u naxariistee Sheekh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso  05 December 2011 , Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa ay si rasmi ah u go,aansatayin sawirada dhagarqabayaashii dilka geytay sawiradooda iyo da’dooda la faafiyo inagoo sheegi doona qof walba wax uu  ahaa , inta qof ee dilka loo hayo kooxda ay ka tirsanaayeen haddii alle idmo dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed ee duniada daafa heeda jooga ayaa waxaa ay ku farxi doonaan warbixintaan aan  ka hellnay xalay gudi baaritaan oo loo xilsaaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka kooban culimo iyo khubaro loo xushay baaritaan Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan gudigaas oo howsha loo igmada maalintii la dilay Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ka dib.

Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen gudi madax banaan oo loo saaray dilkii Sheekh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Warsaxaafadeed

Ku: Dhammaan Warbaahinta ka hawl-gala deegaamada Soomaliyeed

Ujeeddo: War-saxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxay shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta caalamkaba u soo bandhigayaan warbixintaan oo ka hadlaysa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Taariikhdu markay ahayd 05/12/2011, salaadii subax kadib ayaa ugu yaraan labo nin oo baastoolado ku hubeysan waxay toogteen Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Allaha u naxariistee, isaga oo ka soo baxay masjidka Xasan Ibni Cali ee xaafadda Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.

Ka dibna raggii falka geystey markiiba waxay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

Baaritaan xeeldheer ka dib, Ilaahay fadligiis guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Sheekha waxaa u suurta-gashay inay aqoonsadaan kooxdii dilka gaysatay, dabadeed ciidanka booliiska magaalada Boosaaso waxay gacanta ku dhigeen 15 December 2011 gabadhii masuulka ka ahayd gurigii ay deganaayeen labo ka mid ah raggii falka geystey, gabadhaas oo lagu magacaabo: Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Amooreeye), da’deeduna tahay 30 Jir, gabadhu waa xaaska masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee magaalada Boosaaso: Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (khaalid), da’diisuna tahay 20 Jir, wuxuuna ahaa hogaamiyihii tooska ahaa ee kooxdii Sheekha dishay. Ruqiyo waxaa horey uga geeriyooday Masuulkii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee Puntland: Cabdifitaax Maxamuud oo ku geeriyooday qarax uu diyaarinayay magaalada Laascaanood sanadkii 2009.

Qofkasta Magaciisa si aad u ogaato mouse-ka korsaar sawirkiisa

18kii December 2011 habeen saq dhexe ayaa ciidanka Booliiska Boosaaso waxay u dheceen guri ku yaala xaafadda Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso, gurigaaas oo xarun u ahaa kooxda amniyaadka ururka Al-shabaab ee magaalada Boosaaso, gurigaas waxaa laga soo qabtay saddex ka mid ah kooxdii amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka dambeysay dilkii sheekha, saddexdaas nin oo kala ah:

1- Maxamed Abshir Cartan, da’diisu tahay 20 Jir, waana Masuulkii xaruntaas.
2- Axmed Maxamed Cali Cismaan (Mustafe), da’diisu tahay 18 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.
3- Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle), da’diisuna tahay 20 Jir, kana mid ahaa kooxdii dilka fulisay.Nasiib darro waxaa goobtii ka fakaday Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) oo cagihiisa ku cararay kana mid ahaa kooxdii fulisay dilka sheekha .

19 December 2011 waxaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka mid ah kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Boosaaso, wadashaqayn adagna ay ka dhexeysay kooxda falka dilka geystay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdiqani Nuur Qorane, da’iisuna tahay 22 Jir.
2- Cabdirixmaan Maxamed Cali Ibrahim, da’diiisuna tahay 25 Jir.Bilawgii bishii Janaayo ee 2012 waxaa magaalada Garoowe gacanta lagu dhigay eedaysane: Keyse Axmed Aadan, da’iisuna tahay 26 Jir, Keyse wuxuu ka tirsanyahay kooxda amniyaadka xarakada Al-shabaab wuxuuna xirrir adag la lahaa kooxda falka fulisay.

17, February 2012 waxaa ciidanka booliisku magaalada Boosaaso ku qabteen eedaysane: Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole), da’diisuna tahay 21 Jir, ninkaan oo ahaa madaxa qaybta madax-jabinta, Amniyaadka ururka Al-shabaab ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii fulisay dilkii Dr. Axmed Xaaji.

Waxaa ciidanka booliisku ku guuleystey inuu gacanta ku dhigo Bastooladihii lagu dilay Dr. Axmed Xaaji iyo waxyaalaha qarxa oo farabadan, qalabkaas oo guriga uu ku xabaalnaa uu ciidanka booliiska uu tusay Maxamed Maxamuud Maxamed (Saacadoole). Guriga qalabkaas lagu hayay wuxuu u dhawaa goobta lagu dilay Sheekha, wuxuuna gabbaad u ahaa qayb ka mida ragga Sheekha diley.

Baaris dheer ka dib dhammaan eedaysanayaasha kor ku xusan waxay qirteen, kuna caddaatay inay xubno firficoon ka yihiin ururka Al-shabaab qaybta Amniyaadka, qayb ka mid ah eedaysanayaasha kor ku xusana waxay qirteen inay wax ka fuliyeen falkii foosha-xumaa ee lagu dilay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Haddaba, Guddiga madaxa banaan ee Baarista dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji waxay caddaynayaan in kooxdii ka dambeysay dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ay ka wada tirsanaayeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka hawl-gali jirtay magaalada Boosaaso, uuna madax u ahaa Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid).

Waxaa xusid mudan inay jiraan Shan xubnood oo ka tirsan Kooxda falka geystay oo lagu raad-joogo waxayna kala yihiin:

1. Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland

2. Mawliid Maxamed Aadan (Gaashaan/Abdiwali) kuxigeenka madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland.

3. Cismaan Cadirisaaq Siciid Cabdi (Khaalid) madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Boosaaso, isla markaana ahaa madaxa kooxdii dilka gaysatay.

4. Cabdirixmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

5. Cismaan Axmed-Qaasim Aw-maxamed (Ayuub) ka mid ahaa xubnihii gacanta dilka gaystay.

Intaa ka dib guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji waxay si buuxda u caddaynayaan in lagu guuleystay baaritaankii guddigu wadey muddada dheer, isla markaana gacanta lagu hayo qayb ka mida dhagar-qabayaashii geystay dambigaas fooshaxun, kuwa aan weli la qabana si buuxda loo wada aqoonsaday, Ilaahayna waxaa laga rajeynayaa inuu dhaqso u soo gacan-galiyo.

Gabagabadii guddiga madaxa-bannaan ee baarista dilkii sheekhu waxay uga mahadcelinayaan dowladda Puntland iyo laameheeda amniga siddii ay u soo qabqabteen gacan-ku dhiiglayaashii Sheekha dilay, wuxuuna guddigu si gaar ah uga codsanayaa dowladda Puntland in ay caddaaladda horkeento dambiilayasha la hayo si guudna wuxuu guddigu uga codsanayaa Shacabka Puntland Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland iyo hay’adaha caddaaladda ee caalamiga ah inay gacan ka gaystaan qabqabashada dambiilayaasha aan weli la qaban. Waxaa kale oo guddigu u mahad celinayaa dhamaan dadkii faraha badnaa ee ku caawiyey hawsha baaritaanka iyo wixii la xiriiray.Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeed ku aadan dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaaan oo PDf ah.

Wixii macluumaad ah oo aad  ka hayso gacan ku dhiiglayaasha ku soo dir  awaxmad2011@yahoo.com
Warbixinta soo socota  ayaa waxaa ku soo lifaaqi doonaa haddii alle idmo  Video si cad  ay uga muuqanayaan qaar ka mid ah dhagar qabayaashii  dilay Sh Dr Axmed Xaaji cabdiraxmaan oo qiranaya in ay iyagu dilka geysteen iyo weliba cida soo amartay.

Waxaa diyaariyey:

Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso 23/10/12012,Halgan.net

Qoraalkaas kadib isla maanta halgan ayaa shaacisay,Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) meesha uu kusuganyahay

Malaysia:-Mid ka mid ah Dhagarqabayaashii qeybta ka ahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sh.Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa la ogaaday oo ay soo wargaliyeen qaar ka mid ah jaaliyada Sooomaaliyeed in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ka dib  markii la shaaciyey masawirada dhagarqabayashii dilay Dr.Ahmed Xaaji.

Dhagarqabahan la ogaaday in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa  Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) wuxuuna ahaa madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland waana ninkii soo amray dilka Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan waxaana sidaas cadeeyey qiraalka qaar ka mid ah raga gacanta lagu hayo waxaadna ka daawan doontaa Cajalka Muuqaalka ah oo ay Halgan.net baahin doonto  hadii alle idmo.

Gudiga madaxbanaan ee ku howlanaa baaritaanka cida ka danbeysay dilka Dr.Ahmed Xaji ayaa waxay ka codsanayaan dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia in ay qeyb ka qaataan qabashada dhagarqabo (Xasan Surato) si loo mariyo cadaalada.

Gudiga ayaa waxaa uu ka codsanayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba ay joogto in ay qeyb ka qaataan soo qabashada Dhagarqabayaasha dilay Sheekh Dr.Axmed Xaji C/Raxmaan raximahulaah wixii macluumaad ah fadlan ku soo hagaajiya Emailka hoos ku qoran.
awaxmad2011@yahoo.com

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Qoraaladii Somalitalk ka qortay Dilkii Dr. Axmed Xaaji halkan ka akhri

Xigasho: Halgan.net

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dadkii loo hayey oo Sawiradoodii iyo Magacyadoodii lasoo bandhigay "

  1. Mohammed Mh says:

    ASC, horta hawl badan baa la qabtay ILAAHEY guul haku dhameeyo inta dhimana, sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa GUILTY CONSCIENCE NEEDS NO ACCUSER laakiin qaabka loo diyaariyay barnaamijkaan wax badan baa ka qaldan inta aan la shaacina dad cilmiga xeerarka ku xeel-dheer in lagala tashado ayay aheyd waayo caalamka hadda la joogo waxyaabo badan baan lagu qanci karin hadeysan refrence laheyn.

    Qof waa la jajuubi karaa, loo goodin karaa ama hanti iyo wax kale ayaa loo ballan qaadi karaa si uu barnaamijun uga dhawaajiyo ama dadka qaarkii oo loo dan leeyahay uu toosh ugu ifiyo, ILAAHAW mar walba dahagarqabayaasha dhulka ku yaree laakiin barnaamijkaan halagu laabto oo dadka hala soo hubiyo qaar baa wali nagu dhex jira oo dibindaabyadii sii laba jibaaraya.

    Waxaa marar badan dhacda dhagarqabayaashii laftooda inay barnaamijyada nuucaan oo kale ah ka qeyb qaataan si ay indhaha shacabka isaga duwaan oo dad kale toosh ugu shidaan.

  2. Kahin nur says:

    Ninka la baxay Garyaqaan ma wuxuu tuhmo iyo shaki gelinayaa qiraalka dhagarqabayaasha afkooda si mutaddawacnimo ah uga qiray falka iyo shakhsiyaadkii ku lug lahaa. Sxb markaad leedahay aaway macluumaadka qiraya kiiskan?, adigu is bal noo sheeg Garyaqaanoow macluumaad waxa noqon kara hadii muuqaal qiraal ahi uusan noqon karin macluumaad. Tan kale Garyaqaanoow soo kala baro eedeysane iyo danbiile, ninkii qirtay dee wuuba qirtay laakiin ragga lagu qiray cajalka waa eedeysanayaal oo kiiskoodu weli wuu socdaa waxaana laga doonayaa eedeysanayaasha inay la yimaadaan wax ka hufaya danbiga loo haysto.

  3. kahin nuur says:

    ALLAAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR, WALXANDULILLAAH, waxaa mahad dhamaanteed iska leh ALLLAAH oo noo yasiray inaan aqoonsanno dhagar-qabayaashii dilay Dr,Sh, Shahiid Axmed X. C/Raxmaan ALLAAH ha u raxmadee. waxaan ka codsanayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Malaysia inay si degdeg ah u soo gacan geliyaan mujrimkaas lagu magacaabo Xasan Surato.

  4. Garyaqaaan says:

    ASC dhammaan ummada soomaaliyeed ee caddaalada jecel. Horey baan u maqli jirey soomalidu wax ma hubsato , reer puntland-na way ugu daranyihiin. war nimanyahow ka fiirsada eedaynta dadka aan dembiga lahayn. cajalka iyo macluumaadka ay soo bandhigtay halgan.net waa mid aan raad raac lahayn. kama wado inuusan sax ahayn laakin marjic maleh. aawey magacyada guddiga madaxa bannaan? aawey macluumaadka qiraysa dembiga ragga la eedeeyay kulligood? SOMALITALK ma ahayn inay soo qaadato war kan oo kale ah.

  5. waxaa jira xafiska Puntland eey ku leedahay Malaysia oo aan filayo inuu madax kayahay nin aqoon leh oo reer Puntland jecel waa in ay Jaaliyada Puntland ardadada ( Puntland Students in Malaysia ) iyo Puntland Business maanka halkaas jooga iyo waxgaradka waa inay ku dacweeyaan Police sababtoo ah Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa nin ku qaali ah reer Puntland sababtoo ah waa ninkii ukacay tacliinta reer Puntland inuu kor uqaado oo dad baddan wax baray allah yaa rahmah walaalayaaloow ninkaas yaan la cafin hala soo qabto gacan ku dhiglahaas.

  6. Yassin Haji says:

    Asckm Waa Ilaahey mahadiis hadiiba la helay dhagarqabayaashii dilay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxaan rajeyneynaa in Cadaalada la horkeeno laguna fuliyo kuwa fakadayna in gacanta lagu soo dhigo in shaa Alaah.
    asckm.

  7. Nuur dheere says:

    Hasan surato waxa uu joogaa malaysia fadlan qaab kee kuu soo qaban karnaa waxa uu joogaa kuala lumpur PV12 halkaas buu ku nool yahay dowlada puntland waxaan ka codsanaynaa in ay soo dalbato