Home » Warar »

Warar iyo Warbixino ku saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose

Hooyo Faadumo Maxamed “Aad baan u Naxay markii aan Maqley in Ciidamo Kenyaan ah ay soo galeen Kismaanyo sow ma aha kuwii aan uga soo cararey Narobi ee sida Xun iigaley weliba Wiilkeygii iga Diley”

Dowlada Mareykanka oo Beenisey in ay ku lug lahaayeen Duulaankii lagu soo qaaday Magaalada Kismaanyo

Iyadoo Xaalad Kacsanaan ahi ay ka jirto Magaala Madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa waxaa shacabka ku dhaqan Magaaladaas Baaq dhinaca warbaahinta u mariyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhega-badan, Abbaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo qalabka warbaahinta ka hadlayay ayaa ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo in ay is dejiyaan Ciidamadan ku soo fool lehna ay yihiin walaalhooda wax dhib ah oo ay u gaysanayaana in aysan jirin.

Abbaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Reer Kismaayo ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan Ciidamada huwanta ah ee Foodda ku soo haya Magaalada Kismaayo.

Dhega Badan oo Hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamadu aysan duulaan ku ahayn Dadka Rayidka ah xitaa ay la Kulmaan Raggii u Dagaalamayay Xarakada Shabaab oo xiligaas aan Dagaal ku jirin in ay soo dhaweynayaan. wax dhib ahna aan la gaarsiin doonin waa siduu hadalka u dhigaye.

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore looga bartay meelaha ay la wareegaan oo meelaha qaar dhibaato loo gaysto Dadka Rayidka ah iyadoo dhac iyo Booba loo gaysto. Si kastaba Hadalkan Abbaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Dhega badan ayaa imaanaya xilli Magaalada Kismaayo qaybo ka mid ah ay soo gaareen Ciidamada Dawladda oo ay kaabayaan kuwa Kiinya oo qayb ka ah Hawl Galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinaca Kale Hay’adda MSF ee ka hawl gasha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa soo gabagabaysey hawlihii Samafal ee ay ka wadday Magaalada Kismaayo ka gadaal markii ay Daagaaladu saameeyeen. Hay’adda ayaa xustay in Caruur ay halkaa ku hayeen in ay fasaxeen ka gadaal markii Waalidiintaasi ay u sheegeen Hay’adda in ay doonayaan in ay Magaalada isaga baxaan.

Sarkaal u hadlay Hay’adda MSF ayaa xusay inay walaac badan ka muujinayaan halka ay ku dambayneyso Xaaladda Cauurtii ay Hay’addaasi gacanta ku haysey iyadoona intaa raacisey in Caruurtii ay gacanta ku hayeen xiligan ay kala fasaxeen Xaaladaha ka jira Degmada Kismaayo.

Hay’adda MSF ayaa waxa ay ka mid ahayd Hay’adaha dhinaca samafalka ee faro ku tiriska ah ee ka hawl galayay gudaha Magaalada Kismaayo taasoo gacanta si gaar ah ugu haysay Xarun si gaar ah Caruurta loogu xanaaneeyo oo ku taala Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Ciidamada ayaan weli u gudbin dhinaca Magaalada iyadoona Xalay la sheegay in maqlay illaa Seddax Gantaal oo Magaalada lagu soo riday kuwaasoo u gudbay dhinaca Ma Dhamaato ama Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Si Kastaba ha ahaatee, Warar is Khilaafsan ayaa ka imaanaya Magaalada Kismaayo oo la sheegayo in Maanta ay kacsan tahay isla markaana Dadku u dhega taagayaan waxa soo yeeri doona Saacadaha soo socda marba haddii dhaqdhaqaaqii Shabaab meesha isaga baxeen kuwaas oo la sheegey in ay u baxeen dhinaca Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaanyo ayaa waxay sheegayaan in halkaa maanta lagu diley dhowr qofood kuwaas oo aan la garaneyn sababta loo diley, hase yeeshe warar ayaa sheegaya in dadkaas loo diley Aano Qabiil.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa beenisey in ay ku lug lahaayeen Dagaaladii lagu qabsadey Magaalada Kismaanyo gaar ahaan Ciidamada ka soo galey dhinaca Xeebta hase yeeshee warar baa sheegaya in Ciidamo Cadaan ah ay ka qayb qaateen Dulaankii lagu soo galey Magaalada Kismaanyo iyadoo Xarakada Alshabaab ay sheegtey in uusan dhamaan Dagaalkii Jubadda Hoose .

Hooyo Faadumo Maxamed oo ka mid ah dadka Degen Magaalada kismaanyo oo Warbaahinta wax ka weydisey sida ay u aragto Ciidamada Kenya ee soo galaya Magaalada Kismaanyo waxay tiri “Aad baan u naxay markii aan maqley in Ciidamo Kenyaan ah ay soo galeen Kismaanyo, sow ma aha kuwii aan uga soo cararey Narobi ee sida Xun iigaley weliba Wiilkeygii iga diley, ma maantey Kismaanyo igu yimaadeen, Muddo afar sanno ah ayaa nabad ku jirney maanta wixii ka dambeeya Magaalada waan isaga Cararyaa aniga iyo Caruurteyda joogis ma leh wixii ka soo yeero waan u joognaa.”

Sii Akhri: Al-Shabaab oo Xalay ka baxay Kismaayo….

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yhoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.