Home » Warar »

Al-Shabaab oo Xalay Saqdii dhexe Ka Baxay Kismaayo

“Waxaan dagaal-yahanada-yada ka saaray magaalada Kismaayo saqdii dhexe ee xalay (Sept 29, 2012)”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage, sida ay qortay hay’adda wararka ee Reuters.

Waxaana uu ku hanjabey in ay degdeg u soo weerarayaan. “Cadowgu weli magaalada ma gelin. Marka ay magaalada Kismaayo galaan waxaan ka dhigeynaa goob dagaal,” ayuu yiri, sida ay ka soo xigatey Reuters.

Waxaa AFP dhankeeda ka werisey in Cali Maxamuud Raage u sheegay “in dagaalyahanada Mujaahidiinta si xeelad dagaal ah looga saaray magaalada xalay saqdii dhexe.”

Sheikh Maxamed Abu-Fatma ayaa sidoo kale AFP u sheegay in ay si xeelad dagaal ah uga baxeen magaalada.

Sidoo kale, AFP iyo NBC waxay weriyeen in dadka degaanka ay sheegeen in xalay saqdii dhexe ay Al-Shabaab ka baxeen magaalada Kismaayo, maalin kaddib markii ciidamada Kenya ay weerar ku soo qaadeen dhanka xeebta ah. Waxaana dadka degaanku sheegeen in aysan ogeyn dhanka ay u baxeen Al-Shabaab, ayadoo Raadiyihii Andalus uu hawada ka maqan yahay.

Dhanka kale barta Internetka ee Twitter-ka ay ku leeyihiin Al-Shabaab waxay ku qoreen “in muddo 5 sano kaddib ah la xiray xafiisyadii Kismaayo ee maamulka Islaamiga ah” (Last night, after more than 5 years the Islamic administration in #Kismayo closed its offices.). Waxayna intaas ku dareen Kismaayo ay noqon doonto goob ay ku dagaalamaan Muslimiinta iyo Gaalada, waxaana Twitter-ka Al-Shabaab intaas ku daray in “Gaalada soo duushay ay baran doonaan in  Ummaddan aan weligeed la jebin, ayadoo maalmaha soo socda ay taas ka markhaanti kici doonaan”.

Dhanka Kenya, Afhayeenka militariga kenya waxa uu Twitterkiisa ku qoray in “Arrinta Al-Shabaab waxaa ka tarjumaya Cartoon-ka maanta oo Sabti ah (Sept 29) lagu sawiray bogga 12-aad ee Jariidada Nation.”

Ciidamada Kenya waxa ay galeen gudaha Soomaaliya Oct 16 ee sannadkii hore 2011.

Sawirka hoose waa Kismaayo, waxaana qaaday AFP.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.