Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya duqeyn Diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geesteen Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xaruunta J/Hoose. Goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in tiro Gantaalo ah ay ku soo dheceen Garoonka ,kuwaa oo laga maqlayay xaafadaha ay ka koobana tahay kismaayo.

Goob joogahan ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeynta lagu garaacay Kismaayo. Hase yeeshee Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Duqeynta Garoonka Kismaayo ay ku bur buriyeen Keyd Hub oo ay lahaayeen Xarakada al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in wax khasaaro ah uusan ka soo gaarin duqeyntii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo. Cali Dheere ayaa sheegay in ujeedka duqeyntan ay Kenya ay ka leedahay uu yahay in ay niyadda ay ugu dhiseyso Ciidamada Kenya Ee ka dagaalama soomalia EE Dagaaladii ugu Dambeeyey ay Khasaaro ka soo gaartey.

Si Kastaba Duqeyntan ayaa waxa ay imaanaysaa isla maalinimadii Shalay Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Garaaceen Gaoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo iyadoo dadka Deegaanka ay noo sheegeen in Garoonka Diyaaradaha ee Kismaanyo uusan mudooyinkaan shaqeyn islamarkaana Xarakada Alshabaab aysan dhigan wax u hub ah.

Bisha soo socota 16 keeda ayaa waxaa buuxsamaya Sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey markii Ciidamada Kenya ay soo galeen qaybo ka mid ah Gobolka Jubada hoose iyadoo Ciidamada weli aysan gaarin hadafkoodii ahaa qabsashada Magaalada Kismaayo ka dib markii ay la kulmeen iska cabin aad u weyn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo "

  1. Ahmed Jama says:

    ASC aniga oo aan raacsanayn ururka khariban, hadana waxaan leeyahay dekada iyo garoonka Kismayo ee mudo dhawr sano ah shaqayn sababta aan Kenya u garacyso ma ahana Al-shabaab la daagalan balse waa hanti Somaliyeed oo ay burburinayso kana muuqato cadaawad sidaa darteed waxaan leeyahay Kenya ha ogaato in lagula xisabtami doono inta qof Somali ah oo damiir leh uu , mana hilaami doono in hantidii ugu qaalisanayd ee Somaliyeed ay burburinayso, arrinta Dekada Kismayo ay u burburinayso waxay rabtaa inay khayraadka badda ee somaliyeed inay boobto, madaxda Somaliyeed sida Madaxweynaha waa inuu degdeg uga hadlaa arrintaas haddii ay ku jirto damiir iyo damqasho. yaan laga aamunsin.