Home » Warar »

Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee Jubbooyinka oo Ciidamada Kenya ku Eedeeyay Xasuuq ay ka Gaysteen Gobolka Jubada Hoose.

iyo Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo Sheegay in ay Baarayaan Wararka Sheegaya in Dad Rayid ah Ciidamada Kenya ku Xasuuqeen Gobolka Jubada Hoose

iyadoo Maalinimadii Shalay Degaanka Janaay Cabdalla uu ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Shabaab ayaa haddana waxaa jira Eedeymo soo baxaya ee sheegaya in Ciidamada Kiinyaanku Xasuuq u gaysteen Dad Rayid ah.

Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee Degaanadaas ku Sugan ayaa Xaqiijiyay in Illaa Todoba Ruux oo Rayid ah ay Toogteen Ciidamada Kiinyaanku halka laba kalena ay ka dhaawaceen.Col. Maxamed Daahir oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dawladda Kenya ay laayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan isagoona intaa ku daray in Dadkan la laayay ay haayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa Degaanada lagu dagaalmay.

Sarkaalkan ayaa Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya ka Codsaday in arrintaa wax laga qabto isla markaana Xukuumadda Kenya ay Mag Dhow ka bixiso Dadkii Rayidka ahaa ee halkaas lagu laayay.Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dadkan ay Ciidamada Kiinyaanku laayeen ay ahayeen Dad aan wax shaqa ah ku lahayn Dagaaladii Maalinimadii shalay halkaa ka dhacay sabab loogu qaldoomi karana asan jirin.

Ugu Danbaytii ayuu Sarlkaalkan u hadlay Ciidamada dawladda uu sheegay inaysan u dul qaadaneyn in Ciidamada Kiinyaanku ay Xasuuqaan Dadka Rayidka ah isagoona intaa sii raaciyay in waxa ay u dhimanayaan oo u dagaalamayaan in ay tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxayay Xasuuqa shalay ka dhacay Degaanka Jannaay cabdalla iyadoo warar goor hore soo baxayna ay sheegayeen in tirada Dhimashada dadka rayidka ay tahay illaa sagaal qof walow Ciidamada Dawladduna ay ku sheegeen dhiashada Dadka Rayidka ah in ay gaarayso illaa todoba qof.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo Sheegay in ay Baarayaan Wararka Sheegaya in Dad Rayid ah Ciidamada Kenya ku Xasuuqeen Gobolka Jubada Hoose.

iyadoo ay isa soo tarayeen Eedeymaha loo soo jeedinayo Ciidamada Dalka Kenya oo qayb ka ah Amisom laguna Eedeynayo in Dad Shacab ah ay ku Xasuuqeen Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Af Hayeenka Ciidamada Amisom Col. Xaamud.Af hayeenka ayaa sheegey in warkaasi uu soo gaaray walow uusan Xaqiiqa dhab ah ka hayn isla markaana ay haatan wadaan Baaritaano ay ku xaqiijinayaan waxa ka jira arrinta la sheegay.

Af Hayeenka Amisom ayaa sheegey in ay jiraan baaritaano lagu xaqiijinayo Falkaas haddii ay caddaatana Raggii ka dambeyay Sharciga la hor geyn doono Ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada Dalka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ay Tacaddiyo noocaan ah ay ka fuliyaan degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka bishii hore ayayna ahayd markii duqeyn dhinaca Badda ah oo Magaalada Kismaayo ay ku garaaceen ay ku dhinteen illaa Sedax qof oo Rayid ah.

Xukuumadda Kenya ayaa inta badan iska fogeysa in wax Dad rayid ah ay Dilaan iyagoona ku andacooda ee Duqeeymahoodu ay la bar tilmaameedsadaan Baro Mucayin ah oo ay leeyihiin Xarakada Shabaab.Isku soo duubo shalay ayay ahayd dhacdadii ugu dambaysey oo Ciidamada Kiinyaanku si ula kac ah ay ugu dilaan Degaanka Birta Dheer dad rayid ah oo aan waxba galabsan xilli ay halkaa iska marayeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhsaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee Jubbooyinka oo Ciidamada Kenya ku Eedeeyay Xasuuq ay ka Gaysteen Gobolka Jubada Hoose. "

  1. AbuGaloEri says:

    Asc.
    Warkani ma ahan mid dhegaha ummaddan ku cusub, kaliya maalinta uu dhacay ayaa ah maalin aan horey inoo soo marinmaadaama maalin kasta oo timaaddaa ay cusub tahay.
    Waxase ila cusubi maanta waxaa weeye in sarkaal “soomaaliyeed” uu ka dhiidhiyo xasuuq ummaddiisa ay qolo aan isaga ahayni u geysatay. Timirse lafbaa ku jirta oo sida dabiiciga ah sarkaalkan qudhiisu waa qayb ka mid ah mashiinkan ummaddan halaagaya isagu qoloduu doono ha ku eedyee. mashiinkan magiciisa waxaa la yiraahdaa: Ninkii ku diida dil, oo kii ku doorta, kii daaya dil. kaan ku deynna dil, kii nin doora dil, markaad doonto dil.. haddana ku dood adoo dugaagah allana ku doorshay: inaad dabiibiyo u tahay daryeel……………..