Dhambaalka Eebe (Kor ahaaye) ee Quraanka ah, mar walba wuxuu aadamigu ku guubaabinayaa in uu xiiso u yeesho raad-raaca abuurka ee uusan noqon mid la dhaqan ah bahaahinka. Wuxuu inoo tilmaamayaa inaan qiimeyno mudnaanta aanu ka helney xagga Eebe (kor ahaaye) iyo galladaha qiimiga wayn ee bilaashka leynagu siiyay. Aadamiga aanan caqliga adeegsan oo ay caadifaddu ceynaanka u heyso, mar walba waxay nolosha kala kulmaan fal-celis lur iyo luggooyo leh. Eebe-inkirayaasha oo horseedayaal u ah kuwa ay caadifadda ka indha-tirto xeerarka nolosha, ayaa quraanku uu mar walba wuxuu u furaa dood gaaban ee lagu hoga-tusaaleynayo xaqiiqooyinka ka dahsoon.
Aayadda aynu casharkan ugu martida nahay waxay tahay aayadda 4-aad ee suuradda Al-qiyaama. Aayadda 3-aad ee ah midda ka horeysa ayaa tilmaameysa malaha Eebe-inkirayaalka ee ah inaan lafahooda dib leysu soo ururin karin. Sababta loo xusayaa lafo-ururinta waxay tahay in loo muujiyo in lafahaasi ay haddaba yihiin wax jira oo ay sahlan tahay isu-geynta danbe kadib markii ay kala dhilqadaan. Aayaduhu waxay leeyihiin sidaan:
(أَيَحْسَبُ الإِنسَانُ أَلَّنْ نَجْمَعَ عِظَامَهُ * بَلَى قَادِرِينَ عَلَى أَنْ نُسَوِّيَ بَنَانَهُ)
Iyada oo aayadda hore laga dheehanayo in lafaha aadamiga la kulmin karo, ayaa misana aayadda ku xigta waxay ka hadashey lafihii ugu yar-yaraa (faraha) ee jirka aadamigu uu ka dhisan yahay. Haddaba waxaa is-weydiin mudan, maxay tahay macnaha ku jira in lafihii waawaynaa laga tago oo leynoo kuwaas yar-yar iyo qaab-dhismeedkooda. Eebaha boqorka ah, isaga ayaa garanaya xikmadda ka danbeysa. Laakiin wuxuu nagu addoonsadey in aanu fiiro xeel-dheer ku eegno meel kasta oo abuurkiisa ah. Si markaas kulcubayada maskaxda caafimaadka qabta waxaa u muuqanaya awooddiisa faxan iyo farsamadiisa sareysa. Waxaa macne wayn ugu fariisanaya cibradaha mugga leh iyo casharradeenu ay u buuxiyaan macnayaalka badan oo ay leeyihiin casharada cimilada. Aadamiga oo ah abuurka keliya ee muuqatada ah oo ay la hadlayaan aayadaha quraanka ah, ayaa wuxuu yahay midka ay barashadiisu ugu qallafsan tahay, ugu adag-tahay, uguna ammakaak badan tahay ee uunka ka jira.
Haddaanu milicsanno korka aadamiga oo ay farahaasi ku yaaliin, waxaanu heleynaa in gebi ahaan uu ka kooban yahay unugyo isugu urusan qaab goboleed iyo degaano kala xudduud ah. Unugyadaas dhamaan waxay ka kooban yihiin biyo, brootiino iyo canaasir kiimiko ah. Misana degaan walba oo jirka ah, unugyadiisu si wada-jir ah ayaa waxay u dhisaan xubin jirka ah oo howlaheedu ka duwan tahay xubnaha kale. Dhowrkii xubnoodna waxay matalaan degmooyinkii gobolka oo waxay leeyihiin xiriir gaar iyo wada-shaqeyn ay ugu adeegayaan jirka. Gobol walba oo jirka ah, adeeggiisu waa mid ay intifaacsanayaan dhamaan gobolladii kale. Adeegyadaasi kala duwan waa kuwo ku socda si habsami ah oo aanan oggolaaneyn shiqaaqo iyo khilaaf la dhex-keeno. Shaqaduna waxay u dhacdaa qaab ayan xubnuhu iskuna dulmin, bal xushmad dowladnimo ay ka dhexeyso. Waxaa xusid mudan, unuggii bukooda ama ka baxa xeerkii uu ku shaqeynayay, waxaa markiiba ku soo qamaamaya unugyada difaaca oo inta dilaan misana baab´inaya.
Xubnahaas jirku leeyahay ee isu adeega kuwooda inoo muuqda waxaa kamid ah addimada uu jirku u kaashado dhaqdhaqaaqa dibadda. Haddii labada lugood ay yihiin kuwo maalin walba si joogto ah dhulka oogadiisa ugu gaadiida xubnihii qofka oo wada-jira, labada gacmood ayaa iyaguna waxay yihiin kuwo maalin walba uu jirku ku gaadiido wixii agab ah ee uu uga baahan yahay bannaanka. In-kasta oo aadamigu uu leeyahay afar-addin (laba gacmood iyo laba lugood) misana hayb ahaan kamid maahan ummadaha afar-addinleyda ah (Quadru-pedalism) ee dhulka nagula dhaqan. Reerahaas afarta addimood ku socd, tiradooda waxay ku dhowdahay 100 ummadood. Waxaanu tusaale-dhig u soo qaadan kareynaa afar-addinleyda ah Fardaha, geela, shabeelka, ariga, dawacada, bissadaha, eeyada, deerada, idaha, libaaxa biciidka iyo yaxaaska.
Aadamigu waxaa lagu tiriyaa bahda laba-lugoodlaha ah (Bi-pedalism). Tilmaantaas waxay ku bahoobeen ummado badan oo ay kamid yihiin daayeerta, shimbiraha iyo kangaro. Waxayse ku kala duwan yihiin iyada oo markii ay doonayaan inay socod degdeg ah galaan (dheereynayaan) ay qaarkood baalasha adeegsadaa (shimbiraha), qaarkoodna ay gacmaha adeegsadaan (daayeerta), qaar kalena ay bood-boodaan (Kangaro). Sidaas ayuu aadamigu ku yahay laba lugoodlaha keliya oo si habsami leh ugu socda dhulka oogadiisa. Aagabka labada lugood ah, aadamiga waxaa u dheer labada addin ee kore (gacmaha), kuwaas oo uu ku qabsado howlaha loo boqrey ee ah hagaajinta noloshiisa iyo nolosha bii´ada uu ku nool-yahay. Guud ahaan, awoodda dhaqdhaqaaqa aadamigu ku gaadiido jirkiisa waa mid uu la wadaago dhamaan abuurka noolaha ah. Dahqdhaqaaqaasi wuxuu ku xasilaa howl qallafsan oo ay murqaha iyo lafuhu masuul ka yihiin. Habsami u-socodkooda waxaa hagaajiya hannaanka dareenka iyo hormoonnada (Neuro-Humonal System).
Aadamiga oo ah reerka ugu mudan uunka ee dhulka ku dhaqan, ayaa halka ay lafihiisu isu hayaan joogga jirka, murqihiisu waxay isu hayaan xiriirka dhaqaajinta lafaha. Waxaa kaloo murqaha ay dhaqaajiyaan xubnaha uu jirku gudaha ku wato, si ay u gutaan howlo loo igmadey. Dhaqdhaqaaq kasta oo xubin jirka ah ay sameyso waxaa fuliya murqaha ay xubintaas ka dhisan tahay ama murqaha ku rakiban lafaha sameynaya dhaqaaqa. Dhaqaaq walba oo uu jirku sameeyo, ama gudihiisa haka dhaco ama dibadda haka dhacee, wuxuu ku xasilaa qeyb murqihii ah oo marna isu soo ururaya (muscle contraction) marna kala jiidmaya (muscle dilation).
Gacmuhu waxay kamid yihiin xubnahaas qallafsan ee aanu ka rakibanahay kuwooda ugu milgaha culus. Quruxda iyo haashaarka ay ku kordhinayaan aadamiga ka-sokow, qalabka gacmuhu waxay yihiin agab aanu kaga-sareyney noole kasta ee dhulka nagula dhaqan. Wax-qabadka gacanta waxaa qiimo u yeelaya xaglaha kala duwan iyo is-goysyada kala jebinaya degaanada xubinta, kuwaas oo ah kilkisha, xagasha xusulka iyo xagasha sacabada. Taasi waxay gacantii u saamaxdey dhaqaaqa jahooyinka badan iyo heerarka kala duwan oo nuuxsiga gacantu uu gaari karo kuna joogsan karo. Intaas aanu soo xusney, gacanta waxaa u weheliya qalab qiimo ku kordhiyey wax-qabadkeeda oo waa sacabada iyo faraha kaga yaal dacalka. Kuwaas oo wixii ay qabtaan sidii wiishkii u lalinaya, dabadeed gacantu ay gaarsiineyso hadba meeshii uu qofku ka dan-leeyahay.
Waxaa jira ummado bahaahim ah oo faruhu ay naga dhigeen kuwo isku heyb ah, kuwaas oo leysku yiraahdo Farooley (Primates). Aqoonyahannada u kuur-gala barashada aqoonta farooleyda (Primatologist), iyaga oo tix-raacaya tirada faraha ay reer walba leeyihiin, waxay u qeybiyeen hal-faroolayaal (Maroodiga ku dhaqan Aasiya), laba-faroolayaal (Maroodiga ku dhaqan Afrika), saddex-farooelayaal (shimbiraha), afar-faroolayaal (doofaarka cad) iyo shan-faroolayaal (Raha).
Aadamiga oo kamid ah heybta shan-faroolaha ayaa daayeertu waxay yihiin kuwa ay farahayagu isugu dhow-yihiin xagga muuqaalka iyo xagga dhismaha gudaha ah. Markii bahaahimkii kale dhamaan uu Eebe (kor ahaaye) inaga reebey si ayan inoogu qabsan darajada mudnaanta ee nolosha, ayaa reer daayeer oo abuurkoodu uu yahay mid ku dhow kaayaga, iyagana loo yeeley iino ay nagaga haraan. Iinahaasi kuwooda ugu hilan culus waxay tahay suul-gacmeedkiisa oo ka duwan suul-gacmeedka aadamiga. Kaas oo ka gaaban, ka murqo yar, kana dhaqdhaqaaq yar suulka aadamiga. Si haddaba aanu u heleelno farqiga labada suul-gacmeed, bal aanu eegno guud-ahaan dhismaha anatoomikada ee fara-gacmeedka aadamiga.
Sacabada faraha aadamigu waxay ka kooban yihiin gummudyo shan ah ee dhaadheer oo ay gacantu ku dhamaato. Shanta farood waxy kala yihiin Suul ama Suul-gambar (Thumb) waa midka ugu gaaban ugu cayilan uguna xag-jira faraha, sidaa darteed faraha waana kamid, waana ka gaar. Murugsato (Index Finger) waa farta koowaad afarta farood oo is-heysta, waxaa loo adeegsadaa tilmaanta. Magaceeda Soomaaliga ah wuxuu ka taagan yahay dufanka ku hara weelka ayaa fartaas lagu maruugsadaa. Far-dhexaad (Middle Finger) waa farta u dhexeysa faraha, iyada ayaana ugu dheer. Farraatiso ama Faadumo (Ring-Finger) sida magaceeda ka muuqda waa farta kaatunka la geliyo, xagga dhererka waxay labeysaa far-dhexada. Far-yaro (Little Finger) waa farta ugu danbeysa faraha uguna yar, isla-markaas waxay ku dhacdaa xuduudda danbe oo ay gacantu ku dhamaato.
Waxaa jira aragti qurux-badan oo xiriirka faraha siineysa sawir lamid ah xiriirka qoyska. Aragtidaas ayaa waxay sheegeysaa in suulkaagu uu astaan u yahay waalidkaa, farta murugsatadu ay astaan u tahay walaalahaa, far-dhexaadduna ay astaan u tahay naftaada, farta farraatisada (Fadumo) iyana ay astaan u tahay xaaskaaga, far-yaraduna ay astaan u tahay caruurtaada. Iyada oo aragtidaas laga duulayo haddii uu qofku isku-qabto calaacalaha labada sacab, oo far waliba uu saaro farta dhiggeeda ah. Dabadeed isaga oo farihii isku haya uu marba kala kexeeyo laba farood oo dhig ah, waxaa soo baxaya sidaan: Labada suul si fog ayaa loo kala qaadi karaa. Waxay ka dhigan tahay, adiga iyo labadaadii waalid muddada aad wada-nooshihiin waa ay yar-tahay. Adiga oo aanan dhalan ayay jireen. Iyaga oo nool ayaad ka guureysaa aqalkii ay kugu koriyeen oo reer baad yeelaneysaa. Waxaa suuragal ah in ay dhintaan oo dabadood aad muddo noolaato. Labada farood oo suul-xigeenka ah, iyaga qudhoodu waa ay kala fogaanayaan.
Waxay ka dhigan tahay walaalahaa inaad nolosha ku kala tegeysaan oo midba uu reer yeelanayo. Far-dhexada oo naf-ahaantaada ka taagan iyo murugsatada (Faadumo) oo xaaskaaga ka taagan labadaas farood si weyn looma kala qaadi-karo. Halkaasna waxaa laga fahmayaa sababta kaatunka loo gashado farta ka-yarada ah. Labada far-yaro oo ka taagan ilmahaaga ayaa iyaguna kala-qaadmaya marka leysku hayo labada sacab iyo faraha kale. Taasina waxay ka dhigan tahay in ilmahaaga aad nolosha ku kala tegeysaan.
Marka suulka laga reebo, farahaas shanta ah, mid waliba waxay ka kooban tahay afar lafood oo sanka isku haya. Iyada oo laga bilaabayo lafaha faraha ee ku jira calaacasha gudaheeda, takhaatiirtu waxay afarta lafood ku magacaabaan (metacarpals, proximal phalangs, intermediate phalangs, distal phalanges). Suulku wuxuu leeyahay saddexda lafood ee hore keliya. Lafahaas aanu soo xusney iyo xadka ay ku kala googo´aan ka-sokow, afarta farood iyo Suulka tilmaamaha ay wadaagaan waxaa kamid ah ciddiyaha iyo calaacasha aanan xaadda lahayn.
Suulku wuxuu kaga duwan yahay afarta farood isaga oo ka soo hor-jeeda, isaga oo ka gaaban iyo isaga oo ka ballaaran. Arintaasi waxay u sahashay in uu far walba si sahlan ula xiriiro oo weliba isaga oo gaaraya lafta uu farta ka daneynayo. Waxaa kale oo jira murqo la xiriira lafihii faraha, kuwaas oo isu-soo ururkooda iyo is-kala bixintooda ay ka masuul yihiin dhaqdhaqaaqa sacabada iyo faraha. Haddii aanu si gaar ah u milicsano suulka, waxaa jira murqo u gaar ah oo isagu uu ku howl-galo. Waxay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah:
1) Murqaha suulka gudaha u soo riixa (Thumb Intrinsic Muscles). Waxay isugu jiraan dhowr murqood oo ah kuwan:
Muruqa soo dhoweeya suulka (M. Adductor Pollicis Brevis), wuxuu ka bilowdaa lafta labaad iyo midda saddexaad ee suulka oo dhanka dibadda ah. Howshiisu waa salka suulka oo uu fogeeyo. Wuxuu ku dhamaadaa bartamaha kore ee calaacasha. Muruqa suulka riixa (Musculus Adductor Pollicis). Wuxuu ka bilowdaa far-dhexada lafteeda calaacasha ku jirta, wuxuu ku xiriirsan yahay lafta dhexe ee suulka. Howshiisu waa si wareeg ah ayuu suulka uga fogeeyaa faraha. Murqaha sacabka dushiisa ee kala-fogeysa farta murugsatada iyo suulka (M. Firsta Dorsal Interosseous). Waxay ku dhex-taal xuduudda u dhexeysa suulka iyo murugsatada. Muruqa suulka soo jebiya (Flexor Pollicis Brevis). Lafta labaad ee suulka ayuu dhinaca kaga lammaanan yahay. Muruqa suulka wareejiya (M. Opponens Pollicis). Calaacasha xudduuddeeda kore ayuu ka kacayaa, wuxuu ku soo wareegsanayaa lafta hudaha ku jirta ee suulka
2) Murqaha suulka dibadda u riixa (Thumb Extrinsic Muscles). Iyaguna waa dhowr muruq oo ah kuwan:
(M. Abductor Pollicis Brevis) waa muruq ku dhereran gacanta laakiin meel suulka u dhow ku joogsanaya. Isaga iyo suulka waxaa xiriirinaya carjow. Howshiisu waxay tahay suulka in uu ka fogeeyo gacanta. (Extensor Pollicis Brevis) meel xusulka hoostiisa ah oo labada lafood ee gacanta u dhexeysa ayuu ka soo bilaabanayaa. Maahan muruq toosan oo gacanta ayuu la soo wareeganayaa, dabadeed wuxuu ku joogsanayaa meel suulka u dhow. Wuxuu halkaas kala xiriirayaa carjow gaarsiisan suulka. Isaga oo kaashana murqihii kale ayuu suulka ka fogeeyaa faraha. (Extensor Pollicis Longus) waa muruq dheer ka soo bilaabanaya xagasha gacanta. Wuxuu ku joogsanayaa meel calaacasha u dhow si uu isagana ula xiriiro carjow uu suulka ku gaaro. (M. Flexor Pollicis Longus) isaguna waa muruq dheer ee ku lammaanan lafta dheer ee dibadda xigta ee gacanta. Wuxuu ka soo bilowdaa xagasha, wuxuu ku dhamaadaa meel u dhow calaacasha. Suulka ayuu ku kaalmeeyaa in uu faraha dhexdooda isku qalloocsho.
Murqahaas aanu soo xusney waxay suulka u sahleen in uu si fudud ula xiriiro meel-kasta oo afarta farood wejigooda iyo dhinacyadooda ah. Sidaas si lamid ah ayaa far-kasta ay u gaareysaa wejiga hore, dhabrkiisa iyo dhinacyadiisa. Halkaas ayaa aadamigu uu kaga tegey daayeerta oo iyagu markey u baahdaan wax-qabadka gacanta, waxay adeegsadaan afarta farood oo keliya. Farahaas afarta ah ayay ku qabsadaan laamaha dhirta, farahaas oo aanan suulka ku jirin ayay mooska ku fiiqdaan, isla-farahaas oo aanan suulka ku jirin ayay dhallaanka ku xambaaraan. Sidaa darteed awooddii suul-gacmeedka oo ka maqan ayay reer daayeer la curyaameen.
Dr. John Russell Napier (1917-1987) iyo Dr. Prudence Hero Napier (1916-1997) waxay ahaayeen labo aqoonyahan oo horseedayaal ka ah aqoonta barashada farooleyda (Primatology). Iyagu waxay goor hore soo bandhigeen laba tilmaan tilmaan oo suulka aadamiga uu la gaar yahay, taas oo ay ku sheegeen in uu yahay mid khilaafsan faraha (Opposition) iyo in uu yahay mid ka madax-bannaan faraha (Apposition).
Waxaa kaloo ay soo bandhigeen farqiga u dhexeeya suulka aadamiga iyo suulka daayeerta. Waxay sheegeen in farqigu yahay, murqaha dhaqdhaqaajiya suulka aadamigu in ay yihiin kuwo ka xooggan kuwa suulka daayeerta. Is-markaas daayeerta waxaa ka maqan qeyb kamid ah murqaha suulka dhaqaajiya. Sidaas ayaa suulka aadamiga waxaa u suuragashay in uu kamid noqdo xubnaha aadamiga ku rakiban ee sababay in dadku ay horseedaan il-baxnimada nolosha. Taasina waxaa ka markhaati ah, howlaha ay gacmuhu qabtaan 60 % in ay suulka ku dhacaan.
Suulku waa farta masuulka ka ah wada shaqeynta faraha si ay wax-qabad u yeeshaan. La´aantiis inta shaati la gashto guluus lama xirteen. La´aantiins inta qalin la qaato aqoon la biiriyey, facuhu isuma tebiyeen. La´aantiis nin injineer ah ma naqshadeeyeen hindiso dhismeed oo ama guryo ah ama agab ah. La´aantiis farsamo-yaqaan musmaar meel kuma mudeen. La´aantiis takhtar cirbad kuma mudeen qof xanuunsan. La´aantiis, inta gacmaha leys-geliyo salaan fiican leyskama qaadeen. Si aad u daawato wax-tarka uu suulku u leeyahay shaqo-gacmeedka, bal indhaha la raac hooyo gabadheeda yarta ah timaha u tidceysa. Ama eeg suulkaaga mar aad xiraneyso xargaha kabahaaga. Sidaas ayuu suulku wuxuu ku noqdey gallad wayn oo aadamigu lagu manneystey, iyada oo aanan qowmiyad gaar ah ama qabiilo gaar ah loogu eexan. Waa farta waalidka u ah il-baxnimada aadamigu ku faano.
Tijaabooyin sahlan oo arinkaas muujinaya ayaa jira. Waxaa kamid ah qof gacantiisa lagu mudey cirbad suuxiso ah (Local Anesthesia). Cirbaddaas ayaa waxaa lagu suuxiyey muruqa xooggan ee suulka soo-jooda (M. Adductor Pollicis Brevis). Dabadeed qofkii waxaa loo dhiibey koob biyo ku jiraan, saa dhulkuu kaga dhacay. Waxaa loo dhiibey qalin iyo waraaq si uu wax u qoro, saa qalinkii ayuu qaban waayay. Waxaa loo dhiibey waraaq bal in uu ceshado, saa waa uu qaban waayay. Sababtu waxay tahay suulkii ayaa awood-gabey. Faraha kalena wax-qabadkoodu waa naaqus mar haddii uu suulku ka maqan yahay howsha.
Tijaabooyinka la sameeyey waxaa kamid ah, wiilal dhallinyaro ah ayaa suulkoodii iyo calaacashoodii leysku xirey. Iyagu waxay ku cayaarayeen agabka elektroonikada oo caruuruhu ku madadaashaan (Play-station). Markii suulka laga xirey ayay gacanta ku qabsadeen qalabkii ay ku cayaarayeen. Iyagu awood waa u waayeen ay ku socodsiiyaan cayaartii ay ku madadaalanayeen. Sababtu waxay ahayd suulka oo xirnaa. Tijaabooyinkaas fudud waxaa laga dhaxlayaa, faraha aanu gacanta ku wadanno in tayadooda wax-qabad ay hoos u dhici lahayd suulka la´aantiis.
Faaladan kooban waxaanu ka dheehaneynaa mid kamid ah kala-duwanaanshaha faraha aadamiga oo ay aayaddu sida dadban inoogu sheegtey. Iyo sida kala-duwanaanshahaas uu u yahay farsamo korkeena ku taal, taas oo Eebe (kor ahaaye) inoogu hibeeyey si aanu ugu daneysano. Haddiise ay dhici lahayd in suulku uu ahaado mid la siman faraha, u jeeda jahada ay faruhu u jeedaan, aanan si toos ah ula xiriiri-karin faraha, markaas nolosheena kama duwanaateen nolosha bahaahimka faroolayaalka ah ee aanan xilka adduun iyo xisaabta aakhiro ayan saareyn. Mahadi haka gaadho Eebaha boqorka ah ee nagu galladeystey fartaas gibinta ah ee aanu nolosha ku dhisaney. Waxaanu ka baryeynaa in fekerkayaga iyo wax-qabadkeena uu ka yeelo mid aanu raali ahaan-shihiisa ugu dhowaanno.
Soomaali laga daah iney dan isu fiirshaane
Dudmo iyo khilaafkey qabaan waa dareen culuse
Iney doc isu raacdiyo haddii daacad laga waayey
Iney Rabbi damiinkeed tahaa iga daweeneysaa
Aduunkaan deyoy sida u yahay deli-dhacleynaaya
Hadba wuxu la soo deign umuur inaka diimoone
Dariiquu wax marinaayo oo duul waliba yaabey
Inuusan daa´in noqoneynin baa iga daweeneysa
Jinni beysku direy oo nafluhu waa is-dagayaaye
Diin laawayaashiyo intaan dar Alle eegeynin
Dibin-daabyo hoosiyo ninkii doonaya xumaato
Inaan duxi ka raaceynin baa iga daweeneysa
Ragga qaar daliillada sharciga waa dacniyayaane
Intii daalimiin oo ku wacan duminta kheyraadka
Inkastoy dadkiisu hor-wadaan oo la daba-joogo
In ceebtooda daahiri dhaqsaa iga daweeneysa (Cismaan Yuusuf Keenadiid)
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq. enow@gmail.com
mansha’alaah shiikhu diktoor saadiq eenoow maqaalkan qiimaha leh aad soo gaarsiisay dadka afka so maaliga ku hadlaa shiikh qoraaladan oo kale noo badi cilmigaaga iyo cimrigaaga alaah hakuu barakeeyo.
waa mahad santihiin somali talk dr saadiq eenow kheyr allaha ku siiyo
dr inaan la xiriiro ayaan doonyaaa emailkiisa ma shaqeyna somali talk waxaan rajeyaa inaad is iisana sheakh meel kala xiriio mahadsandin
A/C Dr Eenow waxxad tahay qof ilah uu faham kumaneystay . Taasta waxaa lagugaaraa ALLA kacabsasho ,oo ilaah ayaa fahamka dadka ufuro,walaal waad kumahadsantahay marwalba xikmadaha aad noosoo gudbisid aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay in aan waxkaa barto waayo waxad taxay macalin xikmad dadka ukordhiya ilaahna waxaan kaaga baryayaa in uu danbidhaaf iyo cimri dheer kusiiyo,waxaan diyaar unahay in aan marwalba wax kaabarano ilaah dartiina waan kuujeclahay wabilaahi toofiiq.
Eebbe ha kaa abaal mariyo DR faaladaan aadka u cajiibka misna noo iftiimisay waxyaabo badan oo naga qarsanaa.
aad ayaad u mahadsantahy DR.