Home » Warar »

Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo ay ka qayb galeen Madaxweynah Jabuuti, Raiisul Wasaaraha Itoobiya , iyo Raiisul Wasaare kuxigeeka Turkiga iyo Madax kale

Waxaa Goor dhow Dugsiga Sare ee Booliska kusoo gabagaboodey Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud waxaa ka qayb galey Xafladaas Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle , Raiisul Wasaaraha ku meel gaarka ee Itoobiya Xayle Maryam, Rasiil wasaare ku xigeenka Turkiga Baker, Raiisul Wasaare ku xigeenk wadanka Uganda, xaghayaha Jaamcadda carabta Samiir Xusni, Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Suudaan iyo Madax ka socotey Wadamada Carabta , kuwa Islaamka, Qaramada Midoobey , Midowga Afrika iyo Madaxdii Dowladii ku meel gaarka ahayd

Madaxdii halkaa ka hadashey waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaare ku xigeenka Sudaan oo sheegey in Dowladda Suudaan ay soo dhaweyneyso Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud islamarkaana sidiay ul;a shaqeeyeen Madaxweynihii ka horeeyey ee Shiikh Shariif ay ula shaqeyn doonaan sidoo kale waxaa uuu sheegey in ay halkaa ka sii wadi doonaan Kaalmadii ay si jireen Shacabka Soomaaliyeed

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Raiisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo yiri”waa ii farxad in aan ka soo qayb galo Xafladdda Caleemo saarka Madaxweynah Cusub Xasan Shiikh waana maalin taariikhi ah sidoo kale waxaa u Mahadcelinayaa Madaxweynihii hore Shiikh Shariif oo isaga ka shaqeeyey Nabada maanta ay haystaan Shacabka Soomaaliyeed

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo 10-ka Bishaan looga guuleystey Tartankii Doorashada Mdaxweynaha ee Soomaaliya oo isna halkaa ka Hadley ayaa waxaa si aad ah ugu dheeraadey wax qabadkii Dowladiisa isagoo sheegey in Dowladiisa ay suurta gelisey in Gudaha Soomaliya lagu qabto ia sgoo sheegey in uu la shaqeyn doono Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud

Shiikh Shariif ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu wareejiyey Wixii Dukumenti ah oo ay Dowlada Soomaaliya leedahay sidoo kale waxaa Madaxweynaha Cusub lagu wareejiyey Dasuurkii iyo Taliyanimada Ciiidamada qalabka sida markii ay dhacdey Xil Wareejintaas Sacab iyo faraxad ayaa is qab sadey halkii ay Munaasabadda ka soo socotey .

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo halkaa ka Hadley ayaa ugu horeyn waxaa uu u mahadceliye Marti Sharafkii ka soo qaybgaley Munasabaas , waxaa uu sidoo kale uu u Mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo uu ku tilmaamey Madaxweyne Suurta geliyey in Munaasabad Noocaan oo kale ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho

“Soomaaliya waxay gashey Taariikh Cusub,waxaan bilaabayaa in aan dalka ku Hogaamiyo si Cadaalad ah islamarkaana aan muhimada saaro sidii wadanka uu ku heli lahaa nabad Buuxda islamrkaana aan dib u soo nooleeyo Garsoor Cadaalad , sidoo kale waxaan bilaabaya in aan dib u soo kiciyo Dhaqaalah Wadanka si dadka u helaan Shaqooyin”ayuu yiri Xasan Shiikh oo sheegey in uu ka shaqeyn doono Dib u heshiisiin Dhab ah

Madaxweyne Xasan sheikh ayaa beesha Caalamka ka codsey inay sii wadaan gargaarkii ay sii jireen Shacabka Soomaaliyeed si Soomaaliya Cagaheeda isku taagto isagoo sheegey in uu dibu soo celin doono Qaxootga soomaaliyeed ee ku kala firdhey Dunida Dacaladeeda.

Madaxweynaah Cusub oo safar ku tegi doona New York

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo ay ka qayb galeen Madaxweynah Jabuuti, Raiisul Wasaaraha Itoobiya , iyo Raiisul Wasaare kuxigeeka Turkiga iyo Madax kale "

  1. Waxaan Lee Yahay Isbedelka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Dhacay Waa Guul u Soo Hooyatay Umadda Soomaaliyeed