Home » Faallo »

Boqolka (100) maalmood ugu horeeya ku kaalmeyso Tobon (10) Horseed u ah Afar (4) sanadood oo GUUL ah

 Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud !!!

  1. Ku tasho Ilaahey, dadkaaga iyo dalkaaga. Haddii aad ku kalsoonaatid waxaad bilowday maamul ku dayasho mudan oo Soomaali tusaale u noqda qarniyo fog fog. Taasi waa aasaaska ISBADELKA ay Soomaali kaa rajeyneso.
  2. Waxaa tahay Madaxweyne Soomaaliyeed. Qofwalba oo Soomaali ah meelkasto uu joogaba dalka gudihiisa iyo dibadiisa adiga ayey ku fiirsanyaan. Ha-noqon Madaxweyne deegaan kooban, qabiil gaar ah iyo koox gooni ah. Noqo nin Madaxweyene u ah Waqooyi, Koonfur, Bari iyo Galbeed. Taasi waa ISBEDELka faraxgalinaya Soomaali oo dhan.
  3. Villa Soomaaliya waa in ay noqotaa Villa Soomaaliya. Meel uu iman karo qofwalba oo Soomaali ah asagoo u maraya nidaam iyo sharci kala haga dadka iyo danahooda. Shaqaalaha Madaxtooyada waa in ay noqdaan 100kaaga maalmood ee ugu horeeya mid ka duwan taariikhdii shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya. Kaasi waa ISBADELKA Villa Soomaaliya.
  4. Dooro qof ku haboon wasiirka koowaad adigoo la tashanaya qeybaha kala duwan ee aqoonyahaniinta Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan maamulka Puntland. Waa in uu noqdaa Wasiirka koowaad mid qeyb weyn ka noqon kara Isbadelka la rajeenayo. Sidoo kale waa in uu noqdaa mid ka fog eex, khayaano, quursi, qabyaalad, iyo dano shisheeye. Waa in uu noqdaa mid u adeegayo dalka, dadka iyo diinta. Kaasi waa ISBADELKA kor u qaadida Hayada fulinta.
  5. Ha u Safrin 100 kaaga maalmood ee ugu horeeya Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda. Macnaheedu waa in aad ka badbaado shaki xulafaysi, xodxodasho iyo wixii hore ee Soomali burburiyey. Marka hore adkee xiriirka adiga iyo dadkaaga ka hor safar dibadeed. Taasi waa ISBEDELKA ka fogaanshaha shaki shisheeye.
  6. Muqdisho ma ahan Soomaaliya oo dhan. Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. ISBEDELkaaga waa inuu gaaraa guri walba oo Soomaali ah, qoys walba oo Soomaali ah, qeyb walba oo Soomaaliya ka mid ah. Taasi waa ISBEDELKA cadaalada.
  7.  Booqo dhamaan deegaanada Soomaalyeed inta Dowlada Federalka hoostimaada sida Puntland, Galmudug, Hiiraan, Shabeelada Hoose, Jubooyinka, Bay iyo wixii la mid ah. Kaas waa ISBEDEL abuuraya xiriir qoto dheer, xaqiiqdana ku tusaya.
  8. Bilow dhisida fikrad ama hal-abuur   Xarunta Cilmi Baarista Horumarka Soomaaliyeed iyo wixii la mid ah. Hayadaas oo kulminaysa aqoonyahaniinta Soomaaliyeed, sidoo kale iftiiminaysa horumarka loo baahan yahay. Qodobkan waa ISBEDELKA horumarka mustaqbalka dhow iyo midka fog.
  9. Qorshee ama Go’aanso xiliga ay ka baxayaan ciidamada shisheeye dalka Soomaaliya. Arintaas waxay kuu sahleysaa in aad hiigsatid iskufilnaansho dhinaca nabadgalyada. Waxay dardargalineysaa abuurida ciidamo ku filan qaranka si deg deg. Waxay yareyneysaa faragalin dibadeed, waxay kor u qaadeysaa Wadaninimada Soomaaliyeed. Kaasi waa ISBEDELKA adkeynta xornimada Soomaaliyeed.
  10. Dhis ama abuur Gudiga Hanti dowrka Qaranka. Mid ka duwan kuwii hore ee maqaar saarka ahaa, adigoo isticmaalaya system ku cusub Soomaalida taas oo lagu kala ogaan karo wixii soogalay dalka oo lacag ah iyo wixii baxay iyo sababtii ay u baxeen iyo meeshii ay ku baxday. Kaasi waa ISBEDELKA ka hortaga musuqmaasuqa.

 

Waxaan kuu rajeynayaa Mudane Madaxweyne Guul aduun iyo mid aakhiro.

Waxaa Qoray

Abdulkadir Hindi

Boston, USA

abdulkadirhindi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Boqolka (100) maalmood ugu horeeya ku kaalmeyso Tobon (10) Horseed u ah Afar (4) sanadood oo GUUL ah "

  1. Qoraagu wuu mahadsan yahay!!! Maqaalkiisu maxuma, hase yeeshee waxaa iiga muuqda meelaha qaar in ay dana gaar ah ay huwan yihiin. odhaahda ah”gaar ahaan maamulka Puntland” waxay muujinaysaa in ay PL raiisal wasaaraha ay xaq uleedahay. waana masiibo soomaaliya kusoo fooleh haddii shakhsi PL kasoo jeeda raiisal wasaare loo magacaabo, waayo kursigaa soomaali oo dhan ayaa xaq uleh, xitaa kudaroo kuwa aynu liidno ee aynu lagatirabadnayaasha ugu yeedhno,PL-na xilkaa inbadan ayey soo qabatay ee halaga ilaaliyo haddii ladoonayo isbedel,Raiisal wasaarahana waxaa xaq uleh Waqooyiga soomaaliya, waa in shakhsi udhashay waqooyiga soomaaliya lakeenaa haddii midnimo ladoonayo, afar sano oo guul ahna hamigu yahay. meelaha uu kabooqanayo waxaad kaxustay meemulo gaar ah,lkn Guud ahaan waqooyi waad lawday-Somaliland iyo Khaatumo Iyo Awdal State. booqashadda arimaha waddamadda jaarka ah, waa muhiim si xalka dalka loogaadho,maadaama jaarku ay xasilinta ama arimaheenna ay saamayn kuleeyihiin.

    TALO MADAXWEYNAHA KUSOCOTA

    1-Taageero iyo diidmo iyo rajo wadanka guud ahaan haleesha waxaa sal dhig u ah Raiisal wasaaraha aad magacaabayso iyo Qaabka aad caddaalad usamayso. si midnimo loo helo,umaddana laysugu soo dhaweeyo waa in aad kakeentaa raiisal wasaarahaaga waqooyiga somalia. lagayaabee in ay dadka qaar kudoodaan kursigaa waxaa xaq uleh Daarood,! haddii afkooda laraaco dee waqooyiba waa degaan daaroodka ee fadlan shakhsi midnimadda soomaaliya kuweyn tahay keen oo reer waqooyi ah,maadaama aad adigu koonfur, metel ahaan utahay.dowladda ha layska arko. Pl oo aad kusoo celisaa,waa fashilka mustaqbalkaaga ee bilawga nacaybka laguu qaadayo.waayo kursigaba wuxuu noqonayaa xulafo beeleed oo hadba kii madaxweyne noqdo oo keeno beel gaar ah. Hakategin caddaalad,illaa hadda lama dhacsani Qaab dooradkaaga oo taageero niyad ah kuma siin,waayo mahaysto meel aan ka raadraaco waxqabadkaaga, maadaama aadan xitaa horay agaasime dowladeed soo qaban ama aadan masuul qaran soo noqon oo aad siyaasadda fikta sare uga booday adigoo bilaa jaranjaro ah. habka caddaaladdaada iyo waxqabadkaaga ayaa miqyaas u ah taageero aan niyad ahaan kuusiiyo. soomaalidana waxaan leeyahay shakhsi wax qabad iyo qaab caddaaladeedkiisa kutaageera oo laab lakaca iyo waa halyeey hadhowna kashalaayga iska daaya. haddii shakhsiga noo madaxda ah taageero lagu siin lahaa siduu udhaqmo bulshaddana ugu naxariisto waxay ahaan lahaayeen kuwo hiigsada caddaalad iyo waxqabad si ay taageeraddeena uhelaan. halaga taxadaro in labada jago ee ugu saraysa laga dhigo reer koonfureed,, hadday taasi dhacdo waa soomaali hasii kala yaacdo,waayo rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaac!!.

  2. Asc,qorraaga,akhrstayaasha iyo bahda somalitkbo,intaa kadib mudane, tallooyinkaada qaar badan oo fiican ayaa kujiro nasiib darase waxa weeye “waa samaani lahayde ma la helaa?”,mida kale waxaa tallooyinka qaar armay qaldanyihiin?somali land xageed utagtay?ma itoobiyay raacsantahay?ileen dal madax banaani loo ictiraafay ma ahee!,qodobka kale kenya iyo itoobiya dhakhso ha ubooqanin sow la mid ma ahan cisbitaalka tagoo dhakhtarka cudurkaada qaabilsan hala kulmin?waayo soomaaliya cudurada ay il darantahay wadamada deriskaa kow ka ahee!,dhanka kale waxuu hadalkaada umuuqdaa sidii adigoo latalinaya madaxweyne qaran madax banaan(soveriegn state),haddabo marka aad eegtid afarta tiir ee qaran ku dhismo ee kala ah:- kala ah:- dadweyne(population) deegaan(territory) dowlad(government) madaxbanaani/faro galin la’aan(soveriegnity) makulatahay in soomaaliya ka jirto qaranimo?xusuusnoow vatican oo ah dowlada ugu yar ee caalamkan kajirto ,baaxada dhulkeedu yahay 40km ,ma ogola in askarta talyaanigu ilaalo unoqdaan!adiguna waxaad la talinaysaa nin askari ugaandhiis ah waardiye uyahay,mushaarkiisa qaramada midoobay bixiso,ciidamada daacada u ah yihiin kenyaati,itoobiyaan,djabuutiyaan,,burundis,liberian IWM,xagay amaradiisu kashaqeeyaan,madaxtooyadu sow tii cali geedi,c/laahi yuusuf,cumarc/rashiid iyo farmaajo harkoo cad is casila lagu odhanayay ma ahan?sow mahiga wali muqdisho majoogo ?aqoonyahanada soomaaliyeed eed kahadlaysaa waa kuwee?makuwa qabiilku latagay?maqolada dhalashada shisheeye qaatay?mise qeybta gumaystayaasha la quudanaysa?waxaan hubaa inaynan wali fahmin maslaxadeena aduun iyo teena aakhiro toona marka la fiiriyo sida aan ufikirayno! Xaqqa Allaha na waafajiyo Aamiin!

  3. kalkaal says:

    C/qaadirow, ma waxaad fareysaa midnimo; adiga oo qoraalkaaga ku muujinaya: – (Dooro qof ku haboon wasiirka koowaad adigoo la tashanaya qeybaha kala duwan ee aqoonyahaniinta Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan maamulka Puntland).

    walaal ka fikir adiga oo mahadsan.