Home » Warar »

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Digay in Musharixiintu ay Abaabulaan Musuq-Maasuq iyo ku Shubasho

Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ku aadan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya. Jawaari ayaa sheegey ugu horeynba in Doorashadu ay dhici doonto xilligii loogu tala galay isla markaana Xildhibaanada ay soo xaadiri doonaan Madasha Lixda Subaxnimo ee maalinta Isniinta ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaa raaciyay in aysan dhici karin Barlamaanka gudihiisa in Musharixiintu ay sameyeen waxyaabo Anshax darra ah ama Sharci darra ah isagoona mamnuucay in n la maqli karin lana arki karin Musharixiinta oo halkaa ka samaynaya waxyaabo MusuqMaasuq ah. Prof. Jawaari ayaa sheegey Musharixii ay ku arkaan waxyaabahaas uu soo sheegay in Tallaabo Sharci ah ay ka qaadayaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga digay Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya in ay dhowraan Nidaamka isla markaana aysan la iman falal anshax darro ah. Gddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mar wax laga weeydiiyay arrinta Xildhibaanadii Guddiga farsamadu is hor taagay iyo waxa laga yeelayo ayaa waxaa uu sheegey in arrintaasi ay tahay mid Barlamaani ah isla markaana loo saaray guddi ka soo tala bixiya.

Jawaari ayaa intaa ku daray in Go’aanka ugu dameeya ay leeyihiin Guddigaas oo iminkaba gacanta ku haya natiijada ugu danbaysana ay soo bixi doonto marka ay guddigaas ka soo tala bixiyaan. Si kasta ha ahaatee hadalka Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa imaanaya xilli Maalinimada Berri ah la filayo in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.c.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.