Home » Warar »

Musharax Ing Maxamed Axmed Saalax “Waxaan Baarlamaanka Hortiisa ka Sheegi Doonaa Cidda aan u Magacaabayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Shir Jaraaid oo maanta Khamiis uu qabtey Musharaxa Ing Maxamed Axmed Saalax kana mid ah Musharaxiinta u Taagan Doorashada Madaxweyne ee dhacaysa 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ayaa waxaa uu Daboolka ka qaadey in Guddiga Doorashada ay ka aqbaleen in uu ka qayb galo Doorashada ka dib markii uu sheegey in uu buuxiyey Sharuudihii looga baahnaa Musharaxiinta u artameysa xilka Madaxweynimo.

Ing Maxamed Axmed Saalax ayaa Shirkaas Jaraaid markii ugu Horeysey Daaha uga rogey in marka uu Dooda wax qabadkiisa uu ka jeedin doono Baarlamaanka maalmaha soo socda uu ku dhawaaqi doono Ciida uu u Magacaabi Doono Xilka Rasiiul Wasaaraha Soomaaliya waxaa sii raaciyey” Marka Madaxweynaha la doorto waxaa bilowda is qabqabsi la xiriira Cidda laga dhigayo ama loo magacaabayo Raiisul Wasaaraha taasoo muddo dheer jiitanta hase yeeshee aniga waan ka duwanaan doonaa Wadooyinkii hore ee la mari jirey waxaa doonayaa in aan maalinka aan Khudbada ka jeedin doono Baarlamaanka aan sheego ama aan daboolka ka qaado shaqsiga aan Raiisul Wasaaraha ka dhigayo”.

Ing Maxamed Axmed Saalax waxaa uu soo dhaweeyey Doorashada ka dhaceysa Gudaha Wadanka Soomaaliya waxaana uu yiri’ Muddo dheer waxa Hayadaha Dowliga lagu soo dhisayey Dalka Dibadiisa sida Kenya Jabuuti, Itoobiya iyo meelo kale marka waa Ilaah Mahadii haddii maanta Hayadaheennii Dastuuriga ahaa lagu dooranyo Dalka Gudihiisa waana Biseyl Siyaasadeed oo la gaarey waxaan rajeynayaain Doorashadaan Mida Xigta ay dadka Soomaaliyeed u Codeeyaan Ciida ay Doonayaan

Musharaxaan waa Musharaxii ugu horeeyey ee ee ka dhawaajiyey in uu sii magacaabayo Cida uu u dooranayo ama u soo Xulayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waana arrin Ugub ku ah Dalkeenna Soomaaliya hase yeeshee waa arrin ka jirta Wadamada Horey u marey waxaana Madaxweynaha inta uusan Doorashada uu gelin uu sii magacaabaa Ciida uu u dhiibayo Xillalka kale taasoo ay si aad ah uga war qabaan dhamaan Bulshada sidaana ay ku galaan Doorashada
..

Shirkii Jaamacadda Carabta oo lagu Taageeray Is Bedelada Soomaaliya ka Soconaya ee Xilliga kala Guurka

Waxaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar lagu soo gaba gabeeyay Kulan maalin qaatay ee wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka Jaamicadda Carabta ay ku yeesheen halkaas.Shirkan oo inta badan looga hadlay dhibaatooyinka ka jira Wadamada Xubnaha ka ah Ururka gaar haan Dalalka Soomaaliya iyo Siiriya ayaa gabagabadii kulankaasi waxaa ka soo baxay War Murtiyeed ay soo saareen wadamadii ka qayb galay.

War Murtiyeedka ayaa qaybtiisa Soomaaliya waxaa lagu taageeray Is bedelada Siyaasadeed ee Soomaaliya iminka ka soconaya iyadoo Bayaankaas ama war murtiyeedkaasna si weyn loogu soo dhaweeyay is bedeladaas.

Soomaaliya waxay ka baxaysaa ku meel gaarnimadii waxayna noqonaysa Dawlad Buuxda oo Dawladaha Caalamka wax la qaybsata ayaa lagu sheegay War Murtiyeedka iyadoona lagu soo qaaday Doorashadii dhawaan Guddoomiyaha Barlamaanka gudaha Soomaaliya lagu doortay taasoo shirku si weyn u soo dhaweeyay.

War murtiyeedka ayaa Xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay in ay sii waddo dhamaystirka waxyaabaha ka haray Barnaamijkoo Roadmapka gaar ahaana Doorashada Madaxweynaha iyo dib u heshisiinta.Ugu danbayntii ayaa Bayaankaas waxaa balan qaad loogu sameeyay Dawladda Cusub ee Soomaaliya ka hana qaadi doonta iyadoona loogu yaboohay Taageero dhinaca Maaliyadda ah.

Ma aha markii ugu horeeyay ee Jaamacadda Carabtu balan qaad u samayso Soomaaliya taasoo aan wax ka soo qaad lahayn sidii looga bartay Shirarkii kala duwanaa ee Jaamacidda ay isugu timid intii Soomaaliya ay ku jirtay Xilligii Bur Burka.Kulankan ayaa imanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Xukuumadda Masar uu sheegey in Dawladda Masaaridu taageeri doonto Soomaaliya.

Si kastaba balan qaadyada ka yimaada Beesha caalamka ayaa intooda badan waxba ka suurtoobin sidii hore shirarkii ay isugu yimaadeen dalalka Deeqda bixiyaUrurka Islaamka Jaamicadda Carabta iyo Midowga Yuruba ay sameeyeen balan qaadyo kan la mid ah dib dambase aan la isku warsan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.