Home » Faallo »

Haddaan shabaab waraabe cunoow badnay ciil uma qabno (2) !!

HORUDHAC :

Masha Allaah Shariif Maxamud Shariif Cali si fiican oo Cilmiyeysan oo tafatiran oo uu ku xoojiyey Aayado Quraan ah Iyo Axaadiis Saxiix ah Iyo Aqwaashii Culumadii Salafka Iyo Qaacidoon Usuuli ah ayuu ku bayaanshay in hilib ka waraabaha AMA dabuca uu xaaraan yahay.

Sidoo kale Wuxuu si Cilmiyeysan u soo aruuriyey Imaam Shaafici Iyo Ardeydiisa tiirarka u ahaa, mad-habtiisa waxay ka yiraahdeen in uu waraabaha micida leh ee wax ku ugaarsada uu xaaraan yahay.

Sidoo kale wuxuu soo daliilshay Culumadii Salafka sida ay uga hadleen Xadiiska Jaabar ee C/maan Ibnu Camaarah ka wariyey ee uu weydiiyey in uu waraabaha ugaar yahay? Xadiiskaas oo sida uu sheegay Shiikh Daxaawi Iyo Ibnu cabdi Al-bari iyo Ibnu badhaal iyo Al-ceyni Iyo xataa Shiikh Ibnu Qayim Iyo kuwa kale oon halkaan ku soo koobi Karin ay cilooyin ku sheegeen xadiiskaas duraysa oo u diidaysa in lagu khasiso Axaadiista Saxiixa ah ee heer Mutawaatir garatay .

Runtii maqaalkan Qeybtiisa kowaad oon ku soo qaatay Shiikh DR. Mohamed Iimaan Shaadibi oo asaguna xaaraantimeeyey cunista hilib ka waraabaha , Insha Allaah qeybtan labaad baan ku soo saari doonaa dhinac kale aniga oo Daliilsanaaya Sharriif Maxamud Shariif Cali Allaah ha xifdiyee oo Shiikh Umal si sharaf leh u radiyey .

Shariif mohamud shariif Cali oonan aqoon u laheyn Muxaadaradaan ka hor ayaan u qaatay sida uu sheegtay in uu yahay Shiikh ku Abtirsada Mad-habta Shaaficiga ah ee Dalkeenii Soomaaliya looga dhaqmo, ama haddii aan si kale u iraahdo waa Nin Caalim ah oo ka tirsan Culumadeenii Xerta ahaa ee ku laqbeyn jiray Mad-habkii Shaaficiga ahaa Sida Safiinaha, abii shujaaca,minhaajka ama muqniga iwm (1) ..

Haddaba aan soo koobo waxyaabihii uu Muxaadaradiisa uga hadlay, annigoo idiin soo gudbin doona ayadoo Cajal ah oo aad ila fiirsan doontaan Insha Allaah wuxuu yiri Shiikhu :

1) Shiikhu wuxuu soo daliilsaday marka ugu horeysaa Aayaddo Quraan ah ooy ka mid yihiin : )

Nabigu wuxuu idiin xalaaleynaaya cunooyinka fiican wuxuuna idinka reebayaa cunnoyinka xun xun) 7:157( يُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَآئِثَ

iyo Aayadda kale ee ah (

Nabi mohamadoow waxay ku weydiinayaan waxa xalaal u ah u sheeg waxyaabaha fiican in ay xalaal u yihiin) 5:4 (سالونك ماذا احل لهم قل احل لكم الطيبات

iyo aayadda kale ee ( ليوم احل لكم الطيبات وطعام الذين اوتوا الكتاب حللكم وطعامكم حل لهم Maanta waxaa idiin xalaal ah waxyaabaha fiican iyo cunooyinka ahlu kitaabka xalaal bay idiin yihiin kuwiinuna ayaga xalaal bay u yihiin ) 5:5

iyo aayadda kale ee suuratul Al baqra ( ا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَنفِقُواْ مِن طَيِّبَاتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الْأَرْضِ Kuwa Allaah iyo nabi Mohamed rumeeyayoow wax ka bixiya cunooyinka wanwanaagsan ee aad shaqeysataan iyo waxyabaha dhulka aan dhulka idiinka soo bixino ) 2:267.

Shiikhu wuxuu yiri aayadahaas oo idil waxay naga xaaraantimeeyeen wax yaabaha xun xun Waraabuhuna wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xun xun ee bakhtiga cuna.

sidoo kale wuxuu shiikhu soo daliilsaday Axaadiista ku soo aroortay xaaraytimeyta Dugaaga miciyaha leh ee micihiyoodana wax ku ugaarsada sida Axaadiista uu wariyey Abii thaclabatu Al-khushani uu yiri Nabigu NNKH ( wuxxu xaaraantimeeyey in la cuno dugaag kasta oo leh mici ) xadiiskaas waxaa wariyey Muslim shan sanad buuna ku wariyey, sidoo kale xadiiskaas waxa wariyey Bukhaari.

wuxuu kaloo daliilsaday Xadiiska Abii hurayrah ee asaguna oranaaya wax kasta oo mici leh cunitaankiisu waa xaaraam.

sidoo kale xadiiska C/llaahi bin cabaas ee uu yiri Nabigu wuxuu xaaraamtimeeyey in la cuno dugaag kasta oo mici leh iyo Shimbir kasta oo cidi leh.

Axaadiistaas oo kuligood Gaareysa Heer mutawaatir waxaa ka mid ah culumada warisay Maalik oo muwadhi’a ku wariyey,Abuu daa’uud oo sunankiisa ku wariyey,Tarmadi oo sunan kiisa ku wariyey,Imaam AL-Baqawi oo Sharxul sunnah ku wariyey,Ibnu xabaan oo sunankiisa ku wariyey, Imaam C/risaaq oo musanifkiisa ku wariyey,Imaam Axmed bin Xanbal oo musnadkiisa ku wariyey,Imaam shaafici oo al-umi ku wariyey, Daarami iyo Dhabaraani, imaam AL-bayhaqi oo macrifatul sunan wal athaar ku wariyey, Imaam Dhaxaawi oo mishkalka iyo Athaarka ku wariyey iyo Abuu daa,ud al- dhiyaalasi iyo Culumo badan oo fara badan oo axaadiista caan ku ah .

Mad-habka Shaaficigu bal aan eegno :

Shiikh Umal xafidahu laah ayaa markuu arrinkaan ka hadlaayey daliilsaday in madhabka shaaficigu uu qabo in hilibka waraabaha in la cuni karo.

Sh shariif wuxuu ugu jawaabay shiikh umal wuu ka been abuurtay Mad-habta shaaficiyadda waxaana haboon in uu soo barto, waana tan waxay culumada Shaaficiyada ka qabaan arrinkaas :

ugu horeynba wuxuu yiri Imaam shaafici kitaabkiisa AL-umi majalka 3,juzka 4 bogga 557.wuxuu ku yiri sidaas baan oraneynaa wax kasta oo mici leh waa xaaraan.

sidoo kale wuxuu ardeygiisa AL-Rabiic AL-umi ku sheegay wax kasta oo mici leh oo micidiisa ku ugaarsada waa xaaraam in la cunaa .

sidoo kale wuxuu yiri Al-Qaadii AL-shiiraazi kitaabkiisa Muhadabka : ( xalaal ma ahan shay kasta oo mici leh oo micidiisa ku ugaarsada oo ku duula xayawaanada kale sida libaaxa, ,haramacadka,yeyda,shabeelka ,xoorka iwm waxaana laga soo qaadanayaa Aayadda quraanka ah ee oraneysa ( Allaah waa idiin xalaaleyyey wax fiican waana idinka xaaraantimeeyey waxyaabaha xun xun ) Dugaagaas oo dhamina waxay cunaan waxyaabaha xun xun ee Bakhtiga ah.

sidoo kale Imaam AL-Nawawi wuxuu ku yiri sharaxa muhadabka ee AL-majmuuc loo yaqaano majalada 9, bogga 10 wuxuu yiri AL-shaafici waa xaaraam wax kasta oo mici leh iyo wax kasta oo cidi leh oo ama micidiisa ama cididiisa ku ugaarsada xayawaanka kalena ku weerara.

sidoo kale Imaam AL-Nawawi wuxuu ku yiri sharaxa Kitaabka Saxiixul Muslimka majaladda 7,bogga 13 Axaadiistaas oo dhami waxay cadeyneysaa mad-habta Al-shaafici iyo Abii Xaniifah iyo Axmed bin xanbal, Daa,uud iyo culumada inteeda badan ee AL-jamhuurka loo yaqaano in ay xaaraam tahay in la cuno dugaag kasta oo mici leh iyo shimbir kasta oo cidi leh.

Imaam Maaliki wuxuu asagu qabaa in aysan xaaraam aheyn ee ay karaahiyo tahay. Imaam AL-Nawawi wuxuu kaloo yiri Asxaabteenu oo uu ka wado mad-habka AL-shaafici waxay ka wadaan wax kasta oo mici leh waa xayawaan kasta oo ku xoogeysta micidiisa oo xayawaanka kale ku weerara.

Sidoo kale wuxuu yiri AL-xaafid ibnu xajar Casqalaani wuxuu yiri Fatxul baari,iisa majaladda 9 bogga 813 waxay isku khilaafeen kuwa yiri waa xaaraam dugaagga micida leh waxa laga wado mid ku xoogeysta micidiisa maxaa laga wadaa? waxayna yiraahdeen waxa laga wadaa wax kasta oo micidiisa ku ugaarsada oo wax ku weerara sida libaaxa,haramacaddka,gorgorka,galeyrka , se xayawaanka aan micidiisa ku ugaarsan sida waraabaha iyo dacawada xaraam ma ahan, sidaas buuna imaam shaafici ku tagay in xayawaanka dabacu ama waraabuhu uu xalaal yahay.

sh shariif wuxuu yiri waana meesha uu shiikh umal ku qaldamay oo ah waraabe aan ku ugaarsanin micidiisa (2) waraabahaasna waxaa ku soo arooray buu yiri axaadiis aan dhibaato laheyn.

Bal haatanna u nimaano Minhaajka oo ah kitaab caan ku ah mad-habta shaaficiyadda :

wuxuu kitaabkaas ku yiri xayawaanka beriga waa xalaal sida xoolaha,fardaha,lo, kisida,dameer farowga, deerada, cawsha iyo waraabaha .

wuxuuna yiri ibnu xajar AL-Haythami tuxfihiisa majalada 9 bogga 441 khabarka ayaa ku soo arooray in warabaha la cuni karo oo uu micigiisu daciif yahay oo uusan ku ugaarsan,kumana soo aroorin khabar diidayaa haddii uu xataa ku soo aroorana waa nahyu tansiih.waraabahaas la sheegaayo waxaa doqonnimadiisa ka mid ah wuu iska seexdaa markaas ayey xayawaanada kale cunaan.

Caalimka weyn ee Shamsu diin AL- Ramli kitaabkiisa AL-Nihaayah majalada 8 , bogga 152 Dabuca waa xalaal wuxuuna ku yahay hadalkii nabiga ee oranaayey dabacu waa ugaar, ee haddii uu xaaji muxrim ah haleelo waa in uu bixiyaa booskiisa wan miciyo jabsaday waana la cunayaa , maxaayeelay micidiisu xoog ma leh.

Intaas ayaan ku soo gaabsaneynaa mad-habta shaaficigu wuxuu ka yiri waraabaha oo u kala qeybsan mid dabaal ah iyo mid micidiisa ku ugaarsada oo xaaraam ah sida xayawaanadda kale.

wuxuu kaloo shiikhu soo arooriyey xadiiska jaabir iyo waxay culumadda axaadiistu ka yiraahdeen :

1) xadiiskaasi wuxuu khilaafaya Aayadihii quraanka ee aan soo sheegnay, maxaayeelay waraabuhu waa xayawaan khabiith ah oo bakhtiga cuna.

2) xadiiskaasi wuxuu khilaafayaa Axaadiista ka xoogga badan ee mutawaatirka ah .

3) Xadiiska waxaa la isku khilaafsan yahay in qeybta cunista waraabaha ay tahay mid Nabigu yiri iyo in ay tahay mid mowquuf ah oo jaabir ku eg ama jaabir fatwadiisa ah maadaama nabigu yiri waa ugaar , ugaar oo idilna xalaal ma ahan.

4)Xadiiska jaabir riwaayooyinka ku soo arooray oon qaarkood sheegeynin in la cuni karo sida riwaayadda jurer ee sheegeysa oo kaliya in uu yahay ugaar iyo midka Cadhaa oo sidaas oo kale ah.

5)qaacido usuuli ah ayaa oraneysa haddii naska uu ixtimaalo labo macno lama daliilsan karo .

6) sidoo kale ibnu cabdul bari iyo Ibnu Badhaal oo maalikiyiin ah waxay yiraahdeen xadiiska jaabir waxa la kale noqday C/raxmaan ibnu camaarah oon lagu aqoonin nin cilmiga xambaarah , haddii uu kali la noqdo xadiiskana laguma doodi karo, iskaba daa in uu khilaafo dad ka xoog badan.

7) sidoo kale waxaa xadiiska cileeyey caalimkii weynaa ee Xanafiga ahaa ee saxiixul Bukhaariga sharxay ee badrul Diin Al-ciini oo yiri xadiiska jaabir mash-huur ma ahan wax buuna xaaleynayaa kamana hor imaankaro axaadiista wax xaaraantimeynaysa, marka waa xadiis mansuukh ah oo waxaa nasakhay axaadiista wax xaaraantimeyneysa , maxaayeelay haddii labo xadiis oo mid wax xaaraantimeynaayo iyo mid wax xalaaleynaayo iska hor yimaadaan waxaa lagu dhaqmayaa midka wax xaaraantimeynaaya is loo badbaado.

marka waxaa haboon in axaadiista wax xaaraantimeynaysa la qaato oo aan kuwa wax xalaaleynaaya aan laga dhigin kan danbe sababtoo ah wuxuu laasiminayaa in nasakha uu labo mar noqdo taasina ma banaana.

8) sidoo kale wuxuu shariif maxamuud shariif cali ugu danbeyntii soo daliilsaday imaam ibnu Qayim al-jowzii wuxuu arrinkaas ka yiri kitaabkiisa ( iclaamul muwaqiciin) taas oo riyadii shiikh umal badda ku dartay, sababtoo ah ibnu Qayim waa shiikha shiikh Umal majaladka 2juz 1, bogga 972 wuxuu shiikh ibnu Qayim war dheer ku soo gabagabeeyey : ( Xadiiska jaabir qaayadiisu wuxuu noqonayaa in waraabuhu uu ugaar yahay ,ruuxii xaramka ku dilana fidyo laga qaadaayo se nama tusaayo in la cuni karo ) .

Shiikh Umaloow goormaad shaafici noqotay :

Shariif mohammud shariif cali wuxuu jawaabtiisa ku soo gabagabeeyey ( shiikh umaloow goormaad shaafici noqotay ) waana su,aal meesha ku jirta wuxu sheegay in uu in muddo ah ba shiikh umal iyo wadaadada la hal maala ay dadka soomaaliyeed u fidyoonaayeen Mad-habka Xanbaliga ah taas oo soomaalidii kala geysay, marka sidee maanta aan mad-habka shaaficiga ah uga been abuuratay ood u tiri mad-habka shaaficiga ah ayaa qaba in waraabaha la cuno, shariifkuna wuu soo arooriyey in mad-habka shaaficiga ahi uusan qabin in la cuno dugaag mici leh oo wax ku ugaarsada ee waraabaha ay ka hadlayaan uu yahay waraabe doqon ah sida ay horay u sheegeen culumadii shaaficiyadda ee soomaaliyeed.

Culumada soomaaliyeed kama been abuuran mad-habta shaaficiga ah ee si sax ah ayey ummadda ugu soo gudbiyeen .

waxaan anigu qabaa in culumada wax ku soo baratay wadanka sacuudiga aysan wax kasta mad-habka xanbaliga ah ku fatwoonin ee markasta raacaan meesha daliilka leh.

sidoo kale waa in aadan culumada soomaaliyeed ee shaaficiyiinta ah ku eedeynin mad-habkoodu waxa uu qabo, se aad u qirtaa khilaafka ay horay iskugu heshiiyeen shaafici & ardeygiisa Axmed bin xanbal oo sida la yaabka leh markasta shiikh shaafici ku raaca riwaayad riwaayadihiisa badan ka mid ah.

Haddaan u soo noqdo Doodaan ruuxa ku raayey waa shariif mohamud shariif cali oo si xarago leh u radiyey shiikh umal marka laga reebo hal erey oo ah ( waxaan u maleynayaa in arrinka waraabaha aad qandaraas ku soo qaadatay ) Taas meesha ma qabato.

se inta kale si fiican buu u radiyey fatwadii shiikh umal si fiican oo sharaf iyo amaano cilmi lehna waa u soo bandhigay mad-habka shaaficiyadda iyo in uu waraabaha micidiisa ku ugaarsadaa uu xaaraam yahay ee kan laga hadlaayo in uu shaafici baneeyey uu yahay mid doqon ah oo cawska cuna sida aan muxaadaradii hore ba uu noogu soo faahfaahiyey DR. Shaadibi raximahulaah.

Shariif Maxamuud Shariif Cali oo Sheikh Umul u Jawaabay (Daawo)

fii amaani laah
Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
Al-mutakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah

1) Mad-habta shaaficiga ah waa mad-hab xoog leh xagga nusuusta oo isku darsatay daliil iyo istinbaadhba marka culumadeenii xerta ahaa ha loo hoydo , cilmi badan bay hayeen.

2) Mad-habka shaaficiga ah ayaa labad waraababa kala sheegay ee arrinku ma aheyn sida shiikh umal uu yiri culumadii soomaaliyeed baa si khlada ah waraabaha ugu sheegtay mid dabaal ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Haddaan shabaab waraabe cunoow badnay ciil uma qabno (2) !! "

  1. Asalaamu Calaykum waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

    Illaah baa mahad leh nebad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa Muxammed..

    Runtii Saahidoow waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaad tiraah waxaa la timid qoraal dheer oon nuxur lahayn, balse marka hore faham waxa lagaala hadlayo kadibna adiga oo ka fiirsaday jawaab ka dhiibo.
    Qoraalkeyga waxaan uga hadlay saddex arrimood oon u arkay inuu qoraalkaaga nuxurkiisu ahaa.
    —–Ragaad geesiyaal ku tilmaantay.
    —–Dhiiro galin aad siisay ahlu suno iyo
    —–Waraabe cunid.

    Waxaana ku bilaabay qoraalkeyga waxaad ka biyo diidanayd ee cunidda waraabaha. Fatwada laba sheekh ee aad soo qaadatay oo wax ay ku kala duwan yihiin ayan jirin, isuguna soo wada biyo shubanaya hal ra’yi waraabe lama cuni karo oo jid dheer loo soo dhiraan dhirinayo natiijada oo baxdaana noqonayso waa la cuni karaa…Ra’yigaana aan qaadan lahayn haday jiraan laba nooc oo waraabe ah mid mici leh iyo midaan lahayn. balse waa hal waraabe oo la leeyahay mid mici buu wax ku dishaa midna kuma disho waa yaab!!!!!
    Tan labaad aan ka hadlay waa saad u buunbuunisay adigoo ahlu suna garab ka dalbaya markaad tiri “” Maalinba waxaa lagala kulmayay….. ilaa….Dagaal ay horseedayeen suufiyiintii la baxay ahlu suna oo dhamaanayn xataa haddii shabaab la jebsho””
    Adigoo qaba oo aaminsan rayi ka duwan waxay dadkaa u dagaalamayeen ayaad dhiiro galisay. Runtii Soomaaliya waa dalkeyga waana aqaanaa, Imisaa qabri meel cidla ah ku yaala nadar laga soo galaa?
    Imisaa qabri iyo masjid isku dhexyaal lagu dawaafaa?
    Imisaa qabri qabuuraha ku yaal dhisan? Haddaad aaminsan tahay in waxaa oo dhan la faray Cali Ibnu Abii Dhaalib(rc) inuu bur buriyo maad xaqa cadaysid, maxaad balaayada boorka ugu qarinaysaa oo u buunbuuninaysaa?? Hana u qaadanin inaan anigu Shariifka Suufi ku tilmaamay ee waa suufiyad ahlu suna ood wax u maldahday(dabooshay).
    Tan saddexaad een ku soo gabagabeeyay waa ragdaad geesiyaasha ku tilmaantay. Raggaasoo saman weyntay Soomaali hoos u eegi jirtay soo kaxaysatay caqli lix saac..Intaa haddaan kuugu ifiimiyo qoraalkeyga.

    Walaaloow waxaa aad iyo aad uga xumahay inaad ila mid dhigtid ama i barbar dhigto culimo waaweyn oo Illaah qubuul uga yeelay quluubta dad badan oo muslimiina, kuwaasoo ku qancay oo qaatay qowlka culimadaa iyo aniga oon qancin karin xataa hal qof. Waxaan ku dhahayaa boqolkiiba boqol kun oo mar anaa qaldan, cilmigooda iyo kan sheekh Umalna iskaba daa, balse miisaanka aad la timid ee ah xaqa ayaa rag lagu raacaa, miyaan ra’yiga culimadaa ug tagnaa hadalka Jaabir(rc) ee leh Haa Haa. Haddaad tiraah waa mansuuq Jaabir(rc) kuma fatwoodeen ma Rasuulkaad(scw) ka maqashay Haa oo wuu cadayn lahaa. Haddaad leedahay wax buu xalaalaynayaa, miyaa cunida hilibka waraabuhu xaaraan ahaa xilligaa ka hor? Waa maya. Waxa la cuni jiray ilaa iyo xiligii jaahiliyada, lana cunayay sida uu cadeeyay xadiiska Jaabir(rc) ilaa iyo maantana la cunaa sida ay qabaan culimada aad fadwadooda keentay..

    Gabagabadii waxaan oran lahaa walaaloow waxaad ogoshahay haka biyo diidin oo ha buunbuunin..

    Mahadsanidiin.

    Walaalkiin
    YUUSUF CABDI SAHAL
    Yuusuf Xiddig..

  2. Shiikh Saahid says:
    Scwxwb:
    Yusuf xiddigow jawaab dheer aan nuxur laheyn baad soo dhigtay !!!! Daliiladii Aaydaha Quraanka Iyo Axaadiistii Mutawaatirka aheyd waxaad Uga baxday waa CAAM ee daliil Khaas ah ma haysaa??? Culumo kula mid ah ayaa ku dooda xadiiska Jaabir ayaa wax khasisay marka aniga Horta khasis la igama rabo ee adigaa lagaa rabaa taas bal Horta faham???? Midda kale daliil kuu noqonmeyso ma la cuni jiray, maxaayeelay meeqa waxyaalood oo la cuni jiray baa gadaal laga xaaraantimeeyey sida Dameerka caadiga ah ee la rarto oo uu Nabigu NNKH uu xaaraantimeeyey Dagaalkii kheybar .
    Xiddigoow waxaad ka jawaabta Culumada Axaadiista waxay ka yiraahdeen Xadiiska Jaabir ee kalida ah Iyo sida uusan ugu suuban in uu khasiso Aayadahaas Quraanka ah iyo Axaadiista xaaraantimeyneysa cunnidda dugaaga micida leh ee micidiisa wax ku ugaarsada
    Xiddigoow maxaad igu eedi waxaan kuu soo koobi gareeyey fatwadii Shariifku ugu jawaabay Shiikh Umal oo haddii aad wax garaneyso aad u miisaaneyd oon qoraal ahaan kuu soo gudbiyey ,cajal ahaanna ku dhageysiiyey.
    Xiddigow Maxaad Uga hadli weysay aqwaashii Culumada Axaadiistu isku waafaqday waa Caalimkii weynaa ee Abuu jacfar Al-dhaxaawi, Ibnu cabdul Albirr,Ibnu Badhaal,Ibnu Al-Carabi,Badru Diin Al-Ciini, Imaam Al-Nawawi, Al-xaafid ibnu xajar,Al-Qaadhii Al-shiiraazi,
    Ibnu Qayim Al-juuzi Iyo kuwa kale oo fara badan oo looga danbeeyo Cilooyinka Axaadiista iyo iswaafijinta Axaadiista mushkalka ah sanad ahaan Iyo Matni ahaan ????
    Maxaad Aniga ii xagxaganeysaa AMA Shariifka Suufi ugu Sheegeysaa ??? Waa yaabe Maxaad Culumadaas oo iskugu jiraay Afarta mad-habood , waxaa ka tirsan qaar Sharxay kitaabka Bukhaariga ha ugu Horeeyo Ibnu Badhaal oo Maaliki ahaa,Badru Diin Al-Ciini oo Xanafi ahaa Iyo Ibnu xajar Al-casqalaani oo Shaafici ahaa,Shiikh Ibnu Qayim oo Xanbali ahaa Iyo Imaam AL-Nawawi oo asagu Sharxay Saxiixul Muslimka oo Shaafici ahaa.
    Xiddigoow ma ayagaa qaldan mise Adiga ??? Maa ayagaa Cilmi badan mise Shiikh Umal??
    Bal Intaas lee ka jawaab Maxaad ii xagxaganeysaa mise Shariifka Suufi ugu tilmaameysa?
    Aniga Sh Umal Xafidahulaah waa Shiikhayga se ragga xaqa laguma barto ee xaqaa ragga lagu bartaa???? Taas oo macnaheedu yahay Ruuxa xaqa wata ayaa la raacaa walow ereygaaga hadaan kuu raaco uu Suufi yahay.
    Midda kale waxaad igu sifeysay in aan Qolo la dagaalamaayo, waa run se xaq baan kula dagaalamaayaa Iyo Muslim diloow, Muslim barakiciyoow,Muslim xaqiroow, Gaalo ka cararoow , waraabe cunoow se ciil uma qabno Haddaan waraabe cunoow ku qasabnay.
    Dhanka kale Qubuurihii baad ka hadashay se taasna waa dhinac martay ??? anigu Doodeyda sal ugama dhigin Qabri Iyo Masaajid isku dhex yaal oo taas Xadiiskii Rasuulka ayaan soo daliilin lahaa Uu yiri NNKH ( Allaah ha lacnado yuhuud Iyo Nasaaro waxay Masaajido ka dhigteen Qubuurtii Nabiyadooda ) ama sidaas oo kale ayuu yiri.
    Se anigu waxaan Doodeyda sal Uga dhigay Qubuur kaligood oo la qufaayo waana ta dhacday , immisa Qabri oon Masaajid ku Dhex oolin ayey Qufteen bal adigu ii sheeg????!!!
    Xiddigoow arrinkaaga waxaan ku soo gabagabeynayaa gabaygii Qamaan bulxan ee ahaa:
    ( Naagtii Ganbada taabatee gacanta loo meyray ee galisay meeshii gabaygu sow maahan ).
    Adiga gabaygaaga wixii tiriyey sheegi weydii bal kaasna qasbo.
    Xiddigoow labo su,aal baan ku weydiiyey oo ahaa Culumadii Axaadiista sharaxday ma ayagaa qaldan mise adiga mise Shiikh Umal baa Cilmi badan mise ayaga. Scwxwb .

  3. Scwxwb:
    Yusuf xiddigow jawaab dheer aan nuxur laheyn baad soo dhigtay !!!! Daliiladii Aaydaha Quraanka Iyo Axaadiistii Mutawaatirka aheyd waxaad Uga baxday waa CAAM ee daliilsanaayo Khaas ah ma haysaa??? Culunada kula mid ka ah ayaa ku dooda xadiiska Jaabir ayaa wax khasisay marka aniga Horta khasis la igama rabo ee adigaa lagaa rabaa taas bal Horta faham???? Midda kale daliil kuu noqonmeyso ma la cuni jiray, maxaayeelay meeqa waxyaalood oo la cuni jiray baa gadaal laga xaaraantimeeyey sida Dameerka caadiga ah ee la rarto

  4. SAAHIDOOW SOOMAALI HAKU SAAQIN SUNTAAD SAYRAYSID.

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

    Illaah baa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Suubanaa Muxammed(scw).

    Runtii markaan eegay qoraalada walaalkeen Saahid. waxaaan ka arkay inuu xaqa yaqaano ama garanayoba balse qolo uu duulaan ku yahay uu ku diidan yahay ama u hareer marayo xaqa, taasoo sababi karta inuu maro jidkii caabidkii reer banii israa’iil ee yiri caasiga jano lama galayo, isla markaan uu abuuro shubuhaad badan oo dad badan oo masaakiina duurka u diri karta, iyagoo u arki kara inay arrintu sax tahay oo uu u sabab noqon karo dhumista dadkaa, ayna noqonayso musiibo kale oo asaga u soo hoyota. Xaqiiqdiina Islaamku waa inaga reebay inaan colaad aan qolo u qabno uu xaqa inaan cadayno ama cadaalad samayno ay naga hor istaagto, taasoo aan ka arkayno qoraalada saahid dhammaantood ay tahay uun qolo iska celi.

    Marka anoo eegaya qoraaladan aan iraahdo Islaamku kama hor imaanayo caqliga saliimka ah, ee balaayada waxaa dhigay kuwo sheeganaya caqli oo uu u diiday inay xaqa raacaan iyagoo xaqa u jeeda oo sheegaya ayay hadana is burinayaan oo wax kale oo waxa ay sheegayaan lidi ku ah aaminayaan.

    Sida qoraalkiisa ka muuqata ma ku jiro daliil cad oo uu u saaray arrinta uu ka hadlayo inay taageerayso, marka aan eegno asalka waxa uu diidan yahay. Waa cunida waraabaha, ma uusan cadaynin waraabaha ma la cuni jiray mise maya? Hadduu cadayn lahaa arintaa waxay noqon lahayd falaar ku taagan oo uuna sinaba isaga jareen. Marka waa inuu boor isku qariyo oo uu soo qaato aayad caam ah iyo axaadiis aan arinkan qaaska ah ka hor imaanaynin, balse shubho ku abuuri karta masaakiin badan, oo haddaana sidaan isticmaalno Islaamka oo dhan aan shubho galin karno, anoo rabin inaan saa iraahdo, haddana arinta walaalkeen samaynayo ay dad badan oo quluubta ka jiran ay siin karto fursad ay wax ku sheegaan.

    Sida qoraalada ka muuqata walaalkeen waraabe waa la cunaa waa qabaa(kan Sucuudiga) wuxuuse diidan yahay waraabe la cunaayo(kan soomaaliya) haduu oran lahaa aniga inaan cuno nafsadayda ima siinayso, waa gar oo waxaa jira waxyaabo badan oo xalaala oo hadana ayan ku siinaynin nafsadaadu inaad cunto..

    Bal asalka aan eegno waraabe ma la cuni jiray mise lama cuni jirin? Haddaan la cuni jirin waa waxaan laga wada hadleenba oo doodi kama wada taagnaateen, oo aayadaha caamka ah iyo axaadiista uu soo qaatay ayaa meel cad saaray.. Haddii la cuni jirayse aayadaha iyo axaadiista uu soo qaatay way raaceen oo waxba kama ayan oran maadaama la cunayay iyadoo ay daliiladaas jiraan, uuna jirin daliil ku qaasa oo arintan qaaska ah reebaya. Marka waxaa laga rabay inuu sheego daliil qaasa oo diidaya cunida waraabaha. Balse inaan dhaho waa waxa caqliga saliimka ah iyo mandiqa ….. Waa waxa diinta Islaamku inaga reebatay, oo nin walba waxa hawadiisa u meeriso uu raaco, kuna dhaqmo wixii la quruxsanaada diina ka dhigto.. Diini ra’yi ma noqoto oo waraabaha afrika dad, duunyo iyo baqtiba waa cunaa, kan aasiyana waa doqonoo asagaa la cunaa ma aha. Waraabe waa waraabe uun, tolow hadaan aragno ari saxaraha aasiya jooga oo hilib iyo kaluun cunaya maxaan oran lahayn? Ari cows uu cuna waayay oo hilib cunaya iyo waraabe hilibuu cuno waayay oo cows cunaya asal ma doorshaan. Hadduu ahaa waraabe mid la cuni jiray ilaa iyo haddana la cunayo kuuma haboonayn inaad ka doodo oo dad ku eedayso, ee maxaa daliil qaasa oo diidan in waraabe la cuno ood haysaa????????.

    Tan kale eed boorka isku qarisay ood masaakiinta suufiyiinta aad u maldahday( u dabooshay adiga oo taageero ka doonaya) waa dumis qabri, waad qabtaa dumis qabri(taa hakaa yeeleen suufiyada aad garabka bidayso) maadaama aad tiri Cali Bin Abii Dhaalib(rc) ayaa la faray. Waxaadse isku dayday inaad ku baxsato oo fursad aad wax ku eedayso aad ku hesho waa qufis qabri(saad u dhigtay). Markaad qiyaas qaldan qaadatay oo laba masalo oo kala duwan aad mid ka dhigtay baad boor isku qarisay. Qabuuraha Islaamku qiimo ayuu siiyay oo xataa in lagu dul dangiigsado waa la diiday, guri in laga dul dhiso iskaba daaye. Masjidkuna waa la mid oo ma banaana meel masjid ahayd inaan inta dumino wax kale ku badalno. Balse labaduba masalada aad diidan tahay bay ku sharaf beelayaan, waa haddii masjid qabri lagu duugo ama qabri masjid laga dul dhiso, mida hore qabrigii baa sharaf beelay oo waa la qufayaa, mida danbena masjidkii baa la duminayaa. Marka haddaan la garanayn kii la hor dhisay waa inaan laba dhib kii fudud qaadanaa, oo burburinta masjid waxaa ka fudud qabri aan qufnaa. Masaladu ma ahan qabri dhisan oo qabuuraha ku dhex yaalo ee waa masjid iyo qabri isku dhisan.

    Gabagabadii waxaan oran lahaa, Gaal gafuur weynoo, gun ahoo gudnayn gargaarsadihii garab bidaa, go’ayoo gurigii ba’shee geesimaahan…

    Mahadsanid
    Yuusuf Cabdi Sahal
    Yuusuf xiddig
    yussuf_hiddig@hotmail.com