Qoraalkan waxaan ku qaadaa dhigayaa laba qodob oo ka mid ah shuruudaha lagu xiray in qof isu soo sharaxo madaxweyne kuwaas oo kala ah: (no.4) Inuusan gelin dambi culus oo ay maxkamad xukuntay. (no.5) Inuu bixiyo lacag dhan 10 kun oo doollar oo ah diiwaan-gelin ah.
Waa muhiim in waxyaalla badan la qadariyo si looga gudbo xaallada maanta Soomaaliya ku sugan tahay. Sidoo kale waa muhiim in safarku aanu noqon kud ka guur oo qanja u guur. Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in jiilka cusub iyo kan dhalan doona labadaba looga tago dhaxal muujinaya in dadkii ama qofkii ummada ku haga ama bada baaba’, burbur, hoog iyo halaag aan lagu abaalmarin laguna sharfin inuu isu soo sharaxo hogaamintooda. Dhinaca kale guddigu waa inuu muujiyaa dhabar adayg iyo inay ka sariigtaan waxyaallaha aan u qalmin ummadda Soomaaliyeed xataa hadday dacar ka kharaartahay isla markaana tixgeliyaan aragtida guud oo ummadda Somaaliyeed qabto.
Qodobka aan kor ku xusay (no.4) waxaan u arkaa mid aan waafiqi karin shareecada islaamka, tan cilmaaniga ah iyo aragtida shakhsiga Soomaaliga ah ee ay ku jirto dareen wadaninimo iyo mid aadamnimo inta ugu yar. Waa run dadkaan laga hadlayo maxkamadi kuma caddayn wax dambi ah. Waxaase loo baahan yahay in dhowr arrimood la isla meel dhigo. Ma jirtaa maxkamad maanta dadkaas la keeni karo oo kiiskooda qaadi karta kana baaraan degi karta inay dembiilayaal yihiin ama aanay ahayn Soomaaliya gudaheeda? Guud ahaan, ma la ogsoon yahay in dadkaasi qayb, intay doonto ha la ekaatee, ku lahaayeen burburkii iyo halaagii ummadda ku dhacay? Haddii jawaabtu haa tahay, qodob lagu difaaci karaa dadkaas ma jiro, loomana ogolaan karo inay dalbadaan hogaaminta ummadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale diintu maxay ka qabtaa xaallada noocaas ah? Sidaan badankeen la socono diinta waxaa rukun u ah xagga xukumka Quraanka, Sunnaha, Ijmaaca (consensus), Qiyasta (analogy). In kasta oo aan qabo in dadka diinta aqoonta sarre u lihi ay ay cuskan karaan aayado ama/iyo axaadiis ka hadlaya arrimahaan,waxaan shaki lahayn labada dambe oo ah , Ijmaac (consensus) iyo Qiyas (analogy) inay toos u jidaynayaan dembiga loo tirinayo dadka aan ka hadlayno maadaama dadka intiisa badani maanta magacaabi karaan dadkii masuulka ka ahaa beladii Soomaali ku dhacday. Dhinaca kale oo iyaduna qadarinta mudan waxa weeye wixii dad ku dhintay dagaalkii sokeeye, ama isaga oo socda xabbad wiifaysaa ha ku dhacdo, ama gurigiisa isaga oo iska fadhiyo bam ha ku habsado, ama gaajo hawgu dhinto saxaraha Afrika iyo Bariga dhexe isaga oo carar ah, ama dooniyi ha la degto, ama qarax bam oo la aasay ha ku kaco, in dadkii ka masuulka ahaa dhibtaas la yiraahdo maxkamadi wax kuma caddayn madaxweynana waa loo dooran karaa waa wax aan inaba loo fadhiyin, lana sugeyn.
Qodobka kale (no.5) ee ku xusan kor oo sheegaya in qofka isa sharaxyaa bixiyo $10,000 oo diiwaangelinta ah waa wax macquuliyada ka fog aadna moodo in aan aad looga fiirsan. Waa dareensanahay xigmad ah in la yareeyo dadka si loo hello inta tartanku dhabta ka yahay, laakiin haddana muwaadin walbaa wuxuu xaq u leeyahay inuu u tartamo jagadaan haddii aanay u diidayn arrima sharciga la xiriiraa. Waana in aanay jirin caqabad dhaqaale oo ka hor istaagaysa arrintaas. Maxaa dhici kara haddii keena inoo ku daacadsan, ugu maamul wanaagsan, ugu aqoon iyo khibrad badani aanu bixin karin lacagtaan, halkii tuuggii, qaatilkii, qaswadihii ku naaxay dhaca iyo boobka ummadu bixin karo toban jibaarkeed? Taasi ma waanay noqon karin in guddigu ka hiiliyey kii wanaagsanaa oo u hiiliyey kii habaaraa? Ma waanse loo arki karin in jagadu lacag joogto?
Arrimahaas dartood waxaan si ixtiraam leh ugu soo jeedin lahaa guddiga doorashada madaxweynaha inay dib u eegaan shuruudaha ay ku xireen doorashada madaxweynaha, kana eegaan arrinta meella badan, kana fogaadaan inay jeexaan wada halaq mareen ah.
Mahadsanidin,
Omar Mohamud Farah (Dhollawaa): Dhollawaa@yahoo.com.au
Omar Dhollawaa holds a Master degree in social science (International Development) and he is based in Melbourne, Australia.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.