Home » Faallo »

Aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aadan Xasuuqii Zenawi

Ra’yigaaga hoos ku dhiibo.

Maxaa looga Tacsiyadaynayaa Meles? Ma xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed, mase ku xad Gudubkii Goobahii cibaadada….

Keligii taliyahii Itoobiya, xasuuqahii gumaaday shacabka Soomaaliyeed, ayaa la aasay maanta, September 2, 2012. Waxaa aaska Zenawi loogu baroordiiqayo ka qayb galay “Sh. Shariif Sh Axmed, C/weli Gaas, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,” sida ay sheegtay Idaacadda Muqidhiso.

Waxaa sidoo kale tacsiyaynta Meles ka qayb galay masuuliyiin sheegtay in ay yihiin Siyaasiyiin, Oday-dhaqameedyo iyo Aqoonyahanoo metelaya shacabkii Soomaaliyeed.

Ciddii ay la noqotaa ha u tacsiyaysee, ummadda Soomaaliyeed waxaa baal madow uga qoran xasuuqii uu Zenawi u geystey ummadda Soomaaliyeed iyo xurmo daradii uuu ugeystey goobaha cibaadada. Arrintaasina waa mid jiilba jiil u sii gudbin doono oo aan weligeed la iloobi doonin.

Inkasta oo Meles Zenawi isagoo taageero ka helaya dalal ay mabda’ wadaag ahaayeen uu isku deyey in uu burburbiyo dadka Soomaaliyeed diintooda iyo dalkoodaaba, haddana waxay ummadda Soomaaliyeed ku kalsoonayeen in gardarradiisu ay guul darro ku dambayn doonto.

Sii Akhri Qoraalka oo dhamaaystiran…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aadan Xasuuqii Zenawi "

  1. xassan says:

    danbe. Cidkasta haysku daydo in ay na cadaadisee, inshalAahu inta hartana waa marooqsandonaa. Mar hadii uu allah noosooceliyey dareenkayagii somalinimo iyo kii islaantinimodiiba. Ruuntii hadii aad illa dareensantihiin sanada yar ka hor dareenkA shacabka maanta kujira aad ayuu ugu yaraa, taasna waa arin allah looga mahad naqo. RINTA MELES waxaan ka oran lahaa kaliha, All KUFRU MILLA WAAXIDA.

  2. Almaas says:

    ASCaleykum waxeey ila tahay arintaan waa wax aan qof muslim ah oo cafimaad qaba uusan samayn karin indhjo adayga iyo madax adeyga eey ku sameeyeen ayagaa ka shalaayi doona meeshu marey baqtigaas ayeey kuwaanina mari doonaan insha’allaah duf ku baxa illaah SWT haka qabto shacabka somaliyeed xukunkana illaah uma sahlo aamiin sc.

  3. Asc wabacdu ,ugu horeyn waxaan umahad celinayaa warbaahinta somalitalk,intaa kadib haddii aan arinkan wax ka idhaahdo waxay ilatahay dhimashada males zenawi waxay banaanka soo dhigtay sawir muuqdana ka bixisay heer ka ay soomaalidu taagantahay,iyo xaqiiqada ah inaan males maamulkiisa wada hoostagi jirnay ,uuna labada dalba isagu maamulayay madaxda soomaaliduna ay aad ooga hibaysani jireen ,waa arin nasiib daro ah ninkii xasuuqa intaa la eg iyo xadgudubyadaasi dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed ,nabadgalyo iyo diimeedbo nooggeestay een waxbo noolaharin inaan maanta ubaroor diiqno ,soomaalidu waxay ku maahmaahdaa” doqoni qufacday meel laga gaaray mataqaano”innagu siddii baan nahay mabo kala garanayno kii na dhibay iyo kii na dheefiyay.

  4. Asc walaahi waa wax laga xumaado oo ay Ceyb weyn u tahay dhamaan umada soomaliyeed nin dadka soomaliyeed xasuuqay hadan in laga qeyb galo Baqtigiisa waa arin Xun waxaana leeyahay Allah u manaxriisto Malis Baqtigiisa

  5. jikalooobe says:

    2 qof oo walaala ah markeey is qabtaan , waa la dhex galaa oo la heshiisiiyaa, markaa waxaa halkaas ku tirtirrmeeyso xumaantii aay isku qabeen , laakin markii cadow uu kala dhex galo , wuu sii kala fogeeynaa, isagoo gaarsiin kara colaadooda meel aad u xun, iyadoo uu midba midka kale dhibkiisa uu ku farxaayo, Soomaalida dhib baa kala gaaray , iyadoon aan weli laga heshiinin baa cadow soo kala dhex galay welina uu ku dhex jiraa , cadowgaas waxaa u weynaa Mlli zanawi iyo America oo u adeegsaday wax walba oo aay ku kala fogeyn lahaayeen Soomaalida, taaso maanta keentay in baqtigii milli zanawi aay 3 madax ku sheeg oo Soomaaliyeed aay u tagaan ineey u baroor diiqaan , waa arin aad iyo aad u foolxun oo taariiqda aay qori doonto, iyagoo aan isla hadleyn oon is arki karin ,oon isa salaameeyn oo hadana cadowgooda u baroor diiqaayay ???? bal ka warama???

  6. Waxaan ka mid ahay dadka aan ka quusan in somalinimo ay tahay sida keliya ee aan kaga badbaadi karo in aan cadowga nagu xeeran isakaga difaacno.
    waxaan kaloo ahay qof jecel inuu la yimaado ficil ah in uu umada dhexdeeda wanaag ka samaye si somalinimadu ay macno u yeelato.

    Arinka ah dadka somalida ah ee ka qayb galay ama u qiraysan geeridii zenawi, waxaan odhan laha waxay ka dhigan yihiin nin ninkii in uu adoonsado ilahay ka dilay oo halku ilahay ugu mahad niqi laha, u murugeysay dhimashadiisi.
    waxaan idhahda, marka dhibta somali dhex martay xaga la dhigo, dowlad ama shaqsi kastoo ka qayb qatay ama hadaba ku mashquulsan babinta iyo midnamada somaliya, waa cadowgeena kobaab.

    waxanan kula talin laha dadka somalida ah inay iska dhafaa wixii hore u sababay masiirka aan maanta joogno.

    asalaamu alaykum.

  7. aroor says:

    A/c waadmahadsantihiin dhamaantiin, intaakadib sadar waxaa iigufilan.

    Maanta waxaa isku qumay soomaaliya oo dhibaatadii ka sii baxeeysa iyo Ethiopia oo Mugdi ku jirta. sidoo kale Kenya oo colaad lugaheeda ku raadsatay Dhiiqadana ku rafaneeysa, arimahaas oo idil waa fursad soomaali ay heshay in ay dhaawicii 21sano ka soo kacdo in sha,aalh.

    Somalidu waxay dhahdaa god-haqodin kudhicidoontaaye lama oga, maanta wataas saacadana waa wareegto ,waxaaan u-baahanahay oo kaliya in xaqa ilaah natuso fursadana aan ka,faa ideysano. anagoo muslim ahna oo camal wanaagsan kujirna uu ILAAH na-oofsado.

    waxaa hubaal ah in gaalo oo dhan iyo munaafaq aduunyo iyo aaqiro qasaari doonaan.

    wabilahi toofiiq.

  8. ahmed yare says:

    waxaan u arkaa in dad soomaali ah ay u ooyaan dhimashada meles in ay tahay wax laga xumaado kuwa sheeganaaya baarlamaanka iyo kuwa sheeganaayaa hogaamiyeyaashaba waad aad iyo aad u xun waxaad moodaa inuu dhintay madaxwaynihiii soomaaliya waxaana iska cad in uu ahaa madaxwaynahay runtaa ee soomaliya waxaan ilaahay ka baryahayaa inuu meles naarta ku fogeeyo ku asagoo dhintay jecelna ha ogaadeen inuu rasuulku yiri ninku wuxuu ahaan doonaa qofka uu jecelyahay miciisa maalinta qiyaame hadaysan ka toobad keenin arintaa waa halis inaad meles safkiisa soo gasho maalinta qiyaame

  9. Af-hayeenka Shacabka says:

    Asc, Maamulka SomaliTalk waad mahadsantihiin fursadaan qaaliga ah.

    Geerida Melle Zanawi waa fursan Soomaaliya oo dib u soo noolata, Allaah ayaa ku mahadsan.

    Kuwaan u kala yaacay shacab kama tarjumayaan ee mid walbaa kan kale ayuu is leeyahay yuusan ku jaajuusin, mid walbaana waxuu doonaa marmarsiiyo ama is tustus, weey ogyihiin 21sano waddanka soomaaliya waxuu ka dagi la,aay Zanawi, soomaaliyana ayagaa burburiyay oo Jabhaddii gadaal ka riixayay qabiil walbana ayagaa soo hubeeyay.

    Maanta waxaa isku qumay soomaaliya oo dhibaatadii ka sii baxeeysa iyo Ethiopia oo Mugdi ku jirta. sidoo kale Kenya oo colaad lugaheeda ku raadsatay Dhiiqadana ku rafaneeysa, arimahaas oo idil waa fursad soomaali ay heshay in ay dhaawicii 21sano ka soo kacdo in sha,aalh.