Home » Warar »

Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ku Guuleystey in uu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaas Goor dhow Xarunta Dugsiga Sare ee Booliska lagu soo gabagabeeyey Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Bilaabantey Saakey Waaberigii (Agoosto 28, 2012) waxaa u Taretamayey Shan Musharax oo kala Cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cismaan Jawaari , Xasan Abshir faarax , Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Cabdirashiid Xiddig , waxana wareegii hore la kale heley Codod ahaan Maxamed Cismaan Jawaari oo heley 119 Cod , waxaa ku xigey Cali Khaliif Galeyr oo heley 77 Cod , waxaa ku xigey Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo heley 28 Cod , waxaa kaalinta Afaarad galey Cabdirashiid Xiddig oo heley 10 Cod iyo Kaalinta Shanaad waxaa galey Xasan Abshir faarax.

Markii la damcay in la galo wareegii labaad ayaa waxa Tanaasuley Rag ay ka mid yihiin Cabdi xaashi Cabdulaahi oo sheegey in Codadkiisa uu siyeey Maxamed Cismaan jawaari, waxaa isna tanaasuley Cabdirashiid Xiddig , Sidoo kale waxaa isna Tanaasuley Xasan Abshir Faarax oo yiri” Waxaan ahay Odey soo lug go’ay hase yeeshee waxaan Codadkeyga ku biirinayaa Maxamed Cismaan Jawaari waxaa soo harey Cali Khaliif galeyr.

Markii ay isku soo hareen Maxamed Cismaan jawaari iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa dhacay in Cali khaliif uu Tanaasulo, sidaan waxaa ku soo baxay Maxamed Cismaan Jawaari oo noqdey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool gaar ahaan Magaalada Buur Hakaba waxana uu sheegey Mudane Jawaari in Baarlamanka uu ku Hogaamin doono si Cadaalad islamarkana uu u gudan Doono Xilkiisa.

Markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka loo doorety Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa muuqata Siyaasadiiba mar kaliya ay is badeshey waxaana meesha ku tartamayey Labada Shariif oo midba qof riixayey hase yeeshee Markiiba dadka Bilaabeen in ay is weydiiyaan yaa Noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya maadaama maanta laga faraxashey midka mid ah isku dheelitirkii Siyaasada Soomaaliya ee 4.5 .

Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka kaddib waxaa bilaabantey in loo codeeyo Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka. Waxaana guddoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay Jeylaani Nuur iikar, halka guddoomiye ku xigeen labaad loo doortay Mahad Cabdulle Cawad.

Mar haddii doorashadii guddoonka baarlamaanku dhammaaday, la arkii doonee halka ay ku biya shubato Siyaasada Soomaaliya iyo Cidda Noqoqta Madaxweynaha Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ku Guuleystey in uu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya "

  1. waddaniyad says:

    SA

    Guddoomiyaha cusub ayaan hambalyo u dirayaa, waxaanan si gaar u weydiinayaa inuu u dagaalamo sharciyaynta dhulka Soomalia, iyo inuu ka saaro dastuurka waxaa ka horimanayaa diinta Islaamka, sharciga badda Soomaliyeed (No. 37) inuu ku daro dastuurka.

  2. waxaan hambalyo u dirayaa guddoomiyaha cusub ee la doortay waxaan leeyahay wax ka qabo dhibaatada soomaaliya ku raagtay u coddeeya adiga iyo baarlamaankaba musharaxiinta mutacalimiinta iyo waddaniyiintaba ah tan labaad dastuurka ka saara qodobada ka horimaanaya diinta islaamka tan saddexaad dastuurka ka saara qodobka muranka galinaya dhulka jamhuuriyadda soomaalia

  3. asc bahwaynta somalitalk aad ban ugu faraxsanahay dorashadi manta ila cawa socotay say udhacdy live bana udawanayay walaw anan inti danbe tos ulasocon run ahanta prof. maxamad shikh cisman jawari wa nin sida lagu wada han wayn yahay somaliya waxkabadali kara wa hadu helo hogamiyayal dacad u ah dalke wana aqonyahan kana mid ah dadki dasturka somaliya wax kaqoray wana caqil wayn runti. bi idnI LAH karim waxan u rajaynaya umada somaliyed inay nabad u dhalato dorashada madax waynahana nin an kadhicn jawari uku gulaysto.

  4. Sama_Kataliye says:

    Miyeysan ahayn nooc kamida musuqmaasuqnimadda in ninkii cod helaa uu ku wareejin karo codadkaas musharax kale? Miyeysan haboonaan lahayn in dadka codadka leh loo daayo codadkooda si ay ayagu ugu doortaan qofka ay rabaan?