Home » Warar »

Guddiga Xulista Xildhibanada Baarlamaanka oo ku Gacan Seyray Maxkamadda Sare

Iyadoo Maalinimadii Axaddii Todoba iyo Toban ka mid ahaa Xubnihii Guddigaasi uu ka hor joogsaday u gudbista Barlamaanka ay Dacwad hor geeyeen Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa haddana waxaa Dacwaddaas ku gacan seeyrey Guddiga Farsamada Xulista Xildhibanada oo sida la sheegey xilkiisu ku ekaa Habeenkii Xalay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ku meel Gaarka Ceeydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in shalay Qareenada Dacwaddaasi dabada ka riixaya ay ku war geliyeen in Guddigaasi uu hor yimaado Maxkamadda si loo weeydiiyo sababaha y ku reebeen Xubnahaas 17ka gaaraya hase yeeshee ay Guddigu ka caga jiideen imaatinka Maxkamadda si ay u dhagaystaan Qaddiyadda meesh taala.

Qareenka Dacwadda gacanta ku haya ayaa halkaa ka akhriyay Dacwaddii ay soo gudbisteen xubnahaas iyadoo goobta ay ka maqan yihiin Guddigii Xulka Xubnaha Barlamaanka iyadoo ugu dambayntiina Maxkaddu Dacwadda dib u dhigtay illaa Caawa Gudsdoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid Ilka xanaf oo dhagaysiga dacwaddaas kaddib hadlay ayaa sheegey in ay siinayaan Fursad kale oo kama dambays ah si ay Guddigu Maxkamadda u hor yimaadaan haddii ay taas dhici weeydana ay Maxkamaddu sii wadanayso hawlaheedii isla markaana ay go’aan ka qaadan doonto.

Xubno u hadlay Guddiga Farsamada ayaa iyaguna sheegey in Maxkamaddu hawshan ayan shaqadeeda ahayn isla markaana aysan marnaba hor tageyn. Xubnhan Guddiga u hadlay ayaa sheegey in Maxkamadda Xilkeedii uu dhamaaday isla markaana aysan jirin Hay’ad Dawladda ka tirsan oo haatan shaqaynaysa Hey’adda keliya ee sharciga ahna ay tahay Barlamaanka.

Guddiga ayaa sheegey in iyagu waajibkoodii ay guteen inta u harsana ay ku wareejin doonaan Barlamaanka Cusub ee la doortay taasoo ay sheegeen in ay tahjay Hay’adda Sharciga ah ee manta dalka ka jirta. Khilaafkan ayaa mar kale waxaa uu arrinta ka dhigayaa mid ka sii murjiya halkii ay markii hore joogtay ee ahaa is qab qabsiga iyo khilaafka hareeyay Siyaasadda Soomaaliya ee Xiligaan

Si kastaba in kastoo Guddigu xilkisii dhamaaday ayaa haddana waxaa Maxkamadda sare ee Dalka laga dhowrayaa Go’aanka ay ka qaadato Dacwadda hor taala oo ay soo gudbisteen Xubnihii Guddigu ka hor joogsaday in ay ku biiraan Barlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hortmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.