Home » Warar »

Hayadaha SCAC iyo IRAPP oo Qabtey Kulan Qaybaha Bulshada loogu Dareensiinayey Khatarta Xanuunka HIV/AIDS

  • “Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…

Kulan ay ka qaybgaleen Qaybaha Bulshada sida Culama’udiin, Dhalinyaro, Haween Raga wada Gawaarida, dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha ,kuwa Cuna Qaadka ,Macalimiin iyo dadka la nool Xanuunkaas ee PLHIV lagu dareensiinayo Bulshada SENSITIZATION , waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey Hayadaha SCAC iyo IRAPP oo ah Hayado Qaabilsan Xanuunka HIV-ga , waxaana kulankaan lagu qabtey Hall-ka Kulamada ee Hayada SOPHPA .

Tirada lagu Martiqaadey Kulankaas oo gaaraya 40 Xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadley Ustaad Cabdulaahi Jaamac Xasan oo ah Wakiilka Hayada IRAPP Koonfurta iyo Bartamaha , waxaana uu ku dheeraadey Sidaa loo Dareemo Calaamadaha Xanuunkaas ,Dadka u Nugul Xanuunka , sida loola Dhaqami karo qofka Qaba Xanuunkaas iyo sida looga hortago karo .

Maxamuud iyo Fartuun oo ka mid ah dadka la nool Cudurkaas kana tirsan Dallada PLHIV oo iyana halkaa ka hadley ayaa Xubnihii ka qaybgaley kulankaas u faahfaahiyeen waxa uu yahay Cudurkaas iyagoo dadka ku Baraarujiyey in ay iska ilaaliyaan Dariiq kasta oo uu ku imaan karo Xanuunkaas taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen ka qaybgalayaasha .

Qaybihii kala duwan ee ka qaybgaley Kulankaas dadka lagu dareensiinayo khatarta Xanuunkaas ayaa iyaga halkaa ka dhiibtey Fikradahooda ku aadan Xanuunka HIV iyagoo sheegey in ay ka faaiideysteen Casharadii halkaa laga soo jeediyey islamarkaana waxay sheegeen qaarkood in ay wax weyn ay iska badeleen Fikradihi ay ka aaminsanaayeen Xanuunkaas ka dib markii ay arkeen dadk la nool Xanuunkaas oo noloshooda Maareynaya Bulshadoodana ka mid ah

Waxaa soo xirey Kulankaas Gudoomiyaha SCAC Axmed Maxamed Jimcaale oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo duba ridey Kulankaan Baraarujinta ama dareesiinta ah isagoo sheegey in ay qaban doonaan kulamo noocaan ah sida Bulshada looga ilaaliyo Khatarta Xanuunkaas, waxaa uu ku booriyey ka qayb galayaasha in casharadii halkaan ay ka qaateen ay gaarsiiyaan dadka kale ee aan fursada u helin

 

Shariif Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Dalada Culimada koonfurta iyo Bartamaha ayaa qaybihii kala duwanaa ee ka qayb galey kulankaas ku wargeliyey in Xanuunkaas looga Badbaadi karo iyadoo lagu dadaalo dhinaca Aqoonta , waxaa kale uu sheegey in Daladiisu ay wado Barnaamijyo Bulshada ligu dareensiinayo ama lagu wacyigelinayo Khatarta Xanunkaas kaasoo ay ku soo qaataan Khudbadaha Salaadaha Jimcaha iyo Xaruntooda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hortmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.