Home » Warar »

Saxiixayaasha Roadmap-ka oo ka hor yimid Hadalkii Sheikh Shariif ee ahaa “Maxkamadda Sare ayaa go’aan ka gaareysa xubnahii Barlamaanka laga reebay”

Xubnaha loo diidey baarlamaanka in maxkamadda Sare loo gudbiyo waa “Go’aan siyaasiyan iyo sharciyanba khalad ah…”

Shir jaraa’id uu uu Habeenimadii Axadda Muqdisho ku qabtay ayaa Sheikh Shariif waxa uu ku sheegay in xubnihii ay laga reebay baarlamaanka cusub ee ay diideen guddiga farsamada ee soo xullida Xildhibaanada in xubnahaas loo gudbinayo “Maxkamadda Sare” si ay go’aan kama dambays ah uga gaarto.

Arrintaas uu sheegay Sheikh Shariif waxaa si kulul uga horyimid Saxiixayaashii Roadmap-ka ee kala ah Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca, Gamudug iyo Puntland.

Halkan ka dhegeyso shirkii jaraa’id ee Sheikh Shariif:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/shariif_iyo_roadmap.mp3]

Hoos ka akhri Warsaxaafadeedyadii ka hor yimid hadalka Shariif:

War-Saxaafadeed ka soo baxday saxiixayaasha Roadmap-ka

Muqdisho, Axad, Agoosto 26, 2012…. Go’aankii xalay ka soo baxay Madaxda Sare ee DFKG-ah oo amrayey in dhamaystirka xubnaha Barlamaanka ee ay reebeen Guddiga Farsamada ee Xulitaanka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dowladda KMG-ah ay siyaasiyan iyo sharciyanba khalad tahay.

Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee Meey 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Barlamaanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Barlamaanka cusub.

Ujeeddada gudigaan madaxa bannaan loo sameeyey waxay ahayd in soo xulitaanka Barlamaanka cusub laga ilaaliyo faragelin Dawladda TFG iyo saxiixyaasha kale ee Road-mapka.

Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub (oo ah 92%) ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin.

Waxaa waajib ah in Guddiga loo daayo gunaanadka shaqada loo igmaday, lagana joojiyo faragelinta lagu hayo, waxayna shaqadoodu dhammaanaysaa marka ay iclaamiyaan in 275-tii xubnood ee Barlamaanka cusub buuxo lana dhaariyey.

Waxaa saxiixay:
________________________ ___________________________
Maxamed Axmed Caalin Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax)
Madaxweynaha Galmudug Madaxa Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca


Hoos ka akhri Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland oo ku qoran Af ingriisi:

Somalia: Puntland Condemns Former TFG President’s Political Interference
PRESS RELEASE

26 August 2012

Puntland Government strongly condemns and objects to steps taken by the former President of the Transitional Federal Government (TFG) to intensify his interference and manipulation of the Somali political process, thus jeopardizing the Roadmap at its final stage.

The Somali people’s hope was inspired when the Technical Selection Committee (TSC) screened candidates for the new and reformed Somali Federal Parliament. The TSC was most praised, both nationally and internationally, for excluding candidates linked to clan warlords and extremism.

On Saturday night, the former TFG leaders whose mandate expired on Aug. 20 held a private meeting in Mogadishu. The former TFG President later issued an illegal decision that directly interferences with the political process and creates new obstacles to peace.

The former TFG President decided to illegally empower the TFG Supreme Court to interfere illegally with the agreed-upon selection process for Members of Parliament. It has been revealed that Chairman of the TFG Supreme Court, Mr. Aideed Ilkahanaf, personally went to the TSC compound, declared that the TSC mandate has expired, ordered the TSC members to handover documents and come to court.

He also ordered the eviction from the TSC meeting of a U.N. observer, Mr. Peter De Clerq, the Deputy Special Representative of the UN Secretary-General (DSRSG). International representatives are granted seven observer seats in the TSC, in accordance with the Galkayo Principles of 27 March 2012.

This is clear and direct interference against the Somali political process, which the U.N. is a guarantor. The former TFG leaders have no unilateral authority to issue national decisions and TFG Supreme Court has no authority to interfere in this national issue, which is a Somali political matter rather than an administrative matter. The TSC should continue screening MP candidates until they publish a final list of 275 MPs prior to 28 August 2012.

Finally, Puntland Government urges the U.N., A.U., IGAD, and the wider international community to intervene immediately in this matter.

— END —

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Saxiixayaasha Roadmap-ka oo ka hor yimid Hadalkii Sheikh Shariif ee ahaa “Maxkamadda Sare ayaa go’aan ka gaareysa xubnahii Barlamaanka laga reebay” "

  1. maxuma in luqad qalad wax lagu qoro blse waxa habon in loturjumo somalida an sa wax uga fhmayn englishka, wepkana lagayaba dadan aqon somaliga inay akhris tan ama qurbo jog hanaqoto ama cid kale hadan la ilawayn luqadeni dhaqankeni wa cdi wana muhim i afwalba labarta waxlagu qora wayo khibrad uu qofka akhristaha ihi baranayo yusan aqon blse wa ini iskudaya,dhanka sharif hadan u wecdo wafikrad wacn hadi maxkamada logudbiya wayo iyada kalasari wa hadi cadalad jidhe mana aha inlaga hortaga tilabada u madaxwayne sharif jeclaystay ama u isleyahay waxbaku hagagi. MAHADSANIDIN

  2. Hassan says:

    Goormaa Soomaaliya saan udanbeysay oo ay luuqadeedii iska dhaaftay ayna ka doorbiday in luuqad kale ay waxku qortaan ama kuwada xiriiraan. Xitaa xafiis iyo maamul dhan oo matala dad Soomaaliyeed oo Soomaaled, Af-Soomaali kuhadla, hadana kunool dhulka layiraahdo Soomaaliya iney Af-Ingiriis wax ku qortaan marwalba sax miyaa? Marwalba oo qolo ay rabto iney wax qorto ama wax kacabato xitaa dawlada ama maamulada waxay jecel yihiin Af-Qalaad iney wax ku qoraan.

    Heshiiskii dhowaan kadhacay magaalada London ee dhexmaray Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ee ku saabsanaa inlaga wadahadlo arimaha udhexeeya Soomaaliya waxkasta oo kasoo baxay waxaa lagu qoray Af-Ingiriis. Ayadoo wixii kasoo baxay shirkaas aysan fursad u helin dadka Soomaaliyeed iney xataa fahmaan, marka laga reebo dadyar. Waa waxlala yaabo, sidey ufakiraayaan dadkaan waxwadwada? Wadankeena waxbadan ayaa kaqaldan, dadbadana waxay ubaahan yihiin inlasaxo. Waxaan ubaahan nahay kacdoon badbaadiya luuqadeena iyo dhaqankeena. Waxaan ubaahanahy inaan Soomaalinimo soocelino.
    Mahadsanid.