Home » Faallo »

C/rahmaan Farooloow: Meles Zenawi goormuu Soomaali noqday?

Salaamu Calaykum

In mudo ah waxaan ka leex-leexayay in aan wax ka iraahdo xaalka ama arrimaha dalkeena  ee jahwareersan balse markaan maqlay, dhageestay ama arkay Soomaali ah oo siyaabo aan la yaabay ooga hadlay geeridda ku timid R/wasaarihi hore ee dalka Ethiopia Meles Zanawi ayaan garwaaqsaday in aan wax ka iraahdo.

Sida caadiga ah marka uu qof geeriyoodo Islaamka waxa uu qabaa in qofka laga geeriyooday ee Musiibadda ku dhacday loo tacsiyeeyo hadduu Muslim yahay balse haddii uu gaal yahay waxa jira shuruudo arrintaas lagu xiray. Mahiiga oo duugta Abdulaahi Yusuf ka qeyb galay markaan arkay waan la yaabay balse waxaa iiga soo yaad badneyd markii aan arkay dad Zenawi marka uu go’ay u duceeynaya ama oranaya waa arrin laga naxo.

Marka qof uu ka geeriyoodo dowlad ama dal qofkaasna uu ahaa qof Muhiim ah,Mas’uul siyaasadeed ama dalka wax u qabtay waxa jira siyaabo loogu diro tacsidda qofkaas dalka ama reerka uu ka geeriyooday waxaana inta badan loo diraa Tacsi Qaran, tacsidaas qaran waxaa dira madaxda dalka ugu sareeysa waxeeyna leedahay qaab loo qoro ama wadooyin loo maro.

Haddaba Soomaaliya oo dowladd KMG ay ka jirto Madaxweynaha uu xilkiisa sii dhamaanayo Shariif Sheikh Ahmed ayaa yiri “Waxaan ahayn dad isku fiican oo dhinac wax ka wada arka, in geeska Afrika uu noqdo dhul nabad ah, shucuubta iyo dowladaha geeska Afrikana uu dhex maro xiriir wanaagsan” . hadalkan waxa ka danbeeyay in Shariif Sheikh Ahmed uu bug tacsi ah ka furay safaaradda ama Qunsiliyadda Ethiopia ee magaaladda Mogadishu halkaas oo dowladda Ethiopia kula dar-daarmay in aysan waxba ka badalin siyaasadii Meles Zenawi.

Dowladdaha in ay isku diraan Tacsi Qaran waa wax soo jireen ah balse sida la isku dirayo iyo luuqadda la adeegsanayo ayaa kala duwan. Inta badan wax saameyn ah kuma yeelato dowladaha geeridda ku timaada shaqsi dowlad kalle madax ah marka laga reebo in sida Soomaaliya oo kalle oo dowlad dhaxe oo xoogani aysan ka jirin ay geeridda Zenawi  ku yeelatay saameyn xoogan shaqsiyan waxaan ka mid ahay dadka  aaminsam  in saameyn wanaagsan ay arrintaas ka dhalan doonto insha Allah.

Dantii iyo damacii Meles Zenawi iyo Ethiopia ee Soomaaliya wax badan iskama badali doonaan balse geeridda Zenawi sameyn gaar ah ayay ku yeelan doontaa R/wasaaraha dowladda Kenya Ralia Odinga ayaa geeridda Zanawi kadib sheegay in laga cabsi qabo in nabadda iyo kala danbeynta Ethiopia ka jirta ay raaci doonto Zenawi, dadka arrimaha siyaasadda dalka Ethiopia la socda waxa ay leeyihin loolan xagga awooda ah oo ka dhaxeeya qoomiyadaha kala ee dalkaas ayaa horseedi kara dhibaato dalkaas ka dhalata waqti aan sidaas u sii dheereen.

Shariif Sheikh Ahmed, Axmed Maxamuud Siilaayo & C/rahmaan Faroole dhamaantood raggan sida ay ugu tacsiyeen ama ooga hadleyn geeridda Meles Zenawi marka laga soo tago ayaan waxaan si gaar ah ula yaabay qaabka uu tacsidda u diray C/rahmaan Faroole oo hormuudka ka ah maamulka Puntland.

“R/wasaarihi hore ee Ethiopia Males Zenawi kama dhiman Ethiopia oo kaliya ee Wuxuu ka geeriyooday Africa, IGAD iyo gaar ahaan Soomaalida, Waxaana u dirayaa shacabka Ethiopia tacsi kal iyo lab ah” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland C/rahmaan Faroole. waxaan is weeydiiyay goormuu Zenawi Soomaali noqday oo C/rahmaan Faroole uu Tigree noqday?.

Dhegeyso Hadalkii Faroole:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/zanka_farta.mp3]

Dhegeyso Hadalkii Faroole oo lagaga tarjumayo Af Amxaaro

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/farta_zanka.mp3]

Waligeey Soomaali ka damiir xun Xuseen Caydiid iyo Geedi waad arki doontaa isma oran balse C/rahmaan Faroole hadalka ka soo yeeray ayaa iiga sii cajiib badnaa runtii. Waa hubaal in ay ilaashanayaan  kursiga ay ku fadhiyaan oo gacanta cadowga ah(Ethiopia) ay ku jiraan balse mararka qaar in aad ku hadasho hadal noocaan oo kalle ah waa damiir xumo iyo doqonimo inteeda ah.

Tacsi siyaasadeed waa la diraa balse noocan oo kalle wali ma arag, damiir xumadda iyo kursi jaceylka maanta Soomaaliya ka jirta ayaase sabab u ah in shaqsi Soomaali ah uu yiraahdo Zenawi waa Soomaali ama laga naxo halkii lagu farxi lahaa.

Sida hoogaamiyaal badan oo dalalka Carabta ka taliya ay danaha reer galbeedka ka hor mariyaan danaha dadka iyo dalalka ay u taliyaan si ay u ilaalsadaan maamulkooda ayay kuwan Soomaalida ah ay sameeyaan sababtoo ah Zenawi wuxuu ahaa shaqsi siyaasadda Soomaalida aad u fahmay oo maalinba mid ugu yeeri jiray Adis Aaba una amri jiray in ay sameeyaan sida uu isaga la damacsanaa Soomaaliya oo ah in ay noqoto dal loo kala jaro maamul goboleedyo aanan awood laheyn kadibna sida uu rabo u Soomaaliya ka yeesho.

Meles Zenawi in uu cadow ahaa oo dhibaato badan uu u geestay dadka daga geeska Afrika su’aal kama taagna inkastoo uu dalkiisa ugu yaraan horumar dhaqaale uu gaarsiiyay. Wuxuu ahaadaba Zenawi wuu go’ay mana soo noqon doono iyadoo dadka Soomaalida intooda badan ay aaminsanyihiin in siyaasadda Soomaaliya ay wax badan iska badali doonaan iyadoo geerisiida ay ku soo aaday xilli isbadal siyaasadeed uu dalkii ka jiro.

Dhibaatadda Dalkeena ka socota iyo dowlad la’aanta anaga ayaa sabab u ah, dalkeena waxa bur-buriyay waa inaga, dowlad waxa ay ka dhalan la’dahay waa inaga, dabcan gacmo shisheeye weey jiraan gaar ahaan dalal aanan marnaba dan ugu jirin in ay soomaaliya dowlad ka dhalato.

Ugu danbeyntii Soomaaliya Soomaali balse haddii aynaan tashan sida haddaba aan marqaatiga ka wada nahay waa lanoo talin doonaa oo Mahiga iyo wax ka liita ayaa gacanta ugu jiri doonaa. Waxaan hadalkeeyga ku soo gaabinayaa qeyb ka mid ah gabay uu In. Maxamed Haji Cibaar ka qoray Meles Zenawi waxaana ka mid ah erayadda aan soo xushay.

  • Allaa mansab leh  makaan lagu nastiyo meelo darajeysan
  • Kii soo miciinsada asaan midig u waayeynin
  • Isagaa Malaa’igo dirsada  ciidan magag weyn leh
  • Makhluuqiisa isagaan nahoo kownkan maamulaye
  • Mu’miniin inaan nahay asaan mahadineynaaye
  • Adna kii maroodiga watee Maka ku soo dulaay
  • Ee yiri xajkaan soo masixi Mowle gurgiisa
  • Abrahaad maskaxda liidatiyo magac wadaagtaane
  • Miyirkaadi kibirkaa qarribay wuu ku muufeyne
  • Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

********  DHAMAAD *************

Ibraahim Daud Abdalle
Canberra-Australia.
sayfudiin@gmail.com

facebook: sayfudiin abdalle


Xasuuqii Zenawi ka geystey Muqdisho:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " C/rahmaan Farooloow: Meles Zenawi goormuu Soomaali noqday? "

  1. maxamad says:

    sayfudiin waxay ila tahay inadan waxba dhaamin kuwa aad maagayso igamana ahan eex ee soomalida aan ugardhiibano masoo qadanayo wax aan ka ahayn qoraalkaga ceebi way tagan tahay haadad adiga iimarqaati kacdo sxb waxad sheegtay in sheekh shariif markuu tacsiyaynayay uu kula dardaarmay inaan siyaasadii males waxba laga badalin aankuwaydiiyee males ma siyaasi soomali ahbaa mise sxb daris wanaag kula dhaqma somalia ayuu ahaa maxay atahay siyasada lasii adkaynanayo ee shariif ku dardaarmay hadad tidhaa ualama jeedo shariif amaanid maxaa tan faroole kutusay eed ula sintay waliba kasii hoos marisay nimanka aad tidhi way hooseeyan anigu ma ma,oran ee adaa yiri anigu cid aan kadhagaystay tcasidasa majirtee aduunbaan warkaga soo xigtay hadaba jawaabta adiga iyo inta cadaalada jecel ayaan udaynayaa hadii ay isu dhigmaan hadalkaa shariif iyo hadalka c/raxman faroole eed ku sheegtay igad iyo somalia ayuu meles ka dhintay maxaa hadadan almid ahayn adiga mid qura kutusiyay sxb waan kaxumahay alxamdullilaah uurkayga afkayga allow ayan iska hor,iman waxan filayay inaad inta dhaanto ogowna waxa meles inoo geeyay adaa ka marqaanti kacay oo waa kala cararkeena iyo qabyalada somalina waxay kumaah maahdaa allow meel haa iyo maya hanooga wada yeerin ma,ahi qabyaaladiiste lknse inta somaliga aan sida fiican u akhrin karin ayaan rabaa inaadan qoraal iyo af somali ku khaldin maraguna wa adi mahadsanid

  2. jilbis says:

    Asc, aniga ma arko wax loo kala saaro hogaamiyaasha Waryaa ee u tacsiyeysey Ethiopia waayo ayagaa wax ka dhigey madaxna u yihiin kalimada farole aad ku haysato waxey u badantahay af somaliga inuu la maray we raggaa waa isku heer,

    Qoraaga waxaan Kula talinayaa inuusan hal dhinac ka eegin arinka hadii kale waxa ay noqon cudurka Somali ku jira.

    Allah baa weyn

  3. Walaal Ducaale, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay maqaalkaan walow lagugu tuhmay inaad qabiil saarantahay. Anigana waxaanba kuu haystey inaad tahay qabiilka iminka lagugu maaganyahay!
    Dhanka kale, geerida ku timid Melez runtii rag badan ayaa ku agoontoobay, isbadal badana waxay kusamaynaysaa qaab dhismeedka siyaasada geesta Africa guud ahaan gaar ahaan Somalia.
    Haddii aan kula kaftamo, adigu mawaxaad aaminsaneyn in madaxda Soomaalida sidaan ka damiir fiicnaayeen?
    Tankale, horey ayaa siyaasiyiinta Soomaalida loogu tuhmay inay ka aradanyihiin ereyada dublimaansinimo ee loo baahanyahay in la isticmaalo munaasabadan oo kale.

  4. Ozman Ahmed says:

    Ibrahim Daud si wanaagsan ayaad wax u qortey lakin ma cadalad ba ka maqan mise qabiil baa kaa dhadhamaya…madaxda somalida oo dhan ayaa ninkas dhintey kadaba ordi jireye maxaa Cabdirahman Faroole kaliya ku daba dhigey xoogga bahasha xita waa la qurxiya kuleyba haddad sheegeyso.

    Ilaahow somaali qabyaalada ka dhamee.

  5. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

    Runtii waxaan filaayay raggaan madaxweyneyaasha ah ee ka taliya dalkayga inay yihiin niman wax garad ah, balse halka ay dhigtay maangaab nimadooda bal eega. zenaawi ma madaxweyne buu ahaa mise wuu ka darajo hooseeyay, hadduu ahaa madaxweyne, madaxweyne inuu u tacsiyeeyo waa wax la garawsan karo, balse ra’iisul wasaare miyaa mid u dhigma la waayay, shariiku wuu qabaaye maxaa ku qasbay, kuwan kalena miyay waayeen qof ka hooseeya oo arinta u qabta.

    Kaafiriintii baa kastay inay is sharfaan oo keenya raayla odinga ka hadal. kuwa madaxweynayaal ahna waa kuwaa isku soo celiyay darajo ka hoosaysa, mise waxay ahaayeen madaxweynayaal hore oo la soo shaqaeeyay oo u qirsanaa madaxweynenimada. Madaxweyne leh ra’iisil wasaare oo asagii u tacsiyeyneya ra;iisul wasaare dhintay, tolow shaqada ra’iisul wasaarrihiisu maxay tahay. Madax weyne dhintayse oo ra’iisul wasaarihii u tacsiyeeyo say u arki lahayd dowlada loo tacsiyeeyey iyadoo wax dhiba oo taa keenaya ayan jirin(sida jiro iwm) ra’iisul wasaarahana uu ku hadlin magaca madaxweyha ee uu si toosa tacsidiisa u gudbiyo.

    Sharaftii baad iska qaadeen oo nin idinka daraja hooseeya u baroorateen, darajooy nin ku doona ba’ . Sharafteena nin Illaah sharafta ka qaaday iyo dowladiisaba. Waxaa dhici lahayd hadduu madaxweynaha itoobiya geeryoodo inaan say maanta mele ugu baroorteen ayan ugu baroorteen.

    Waxaan ku soo gabagabay lahaa madaxweyne soomaaliyeed oo maanta joogoow magaca waad iska wadataa ee ma lihid umana qalantid darajadaa.

  6. Madar Mohamed says:

    Runtii walaalayal waxa muqato somalida madaxda isku sheegaydo inaysan somali udaneen balse ay danahooda gaarka ah ilashanayaa dhamantood waxa muqata in loga aramiiyo dalka ethiopia ..falilaahi hamdu caduwulaahi melas zanawi waa baqtiyey shartiisana waa latagay balse kuwa u nacab lenayaa iyagana waan sugaynaa sidokale inay u dhintaa ceebna reebaan jahanama allah ku kulansiiyo Aamiin Amiin