Home » Warar »

Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Axmed Siilanyo iyo Cabdiraxman Faroole oo sheegey in Meless Zanawi uu ahaa Saaxiib aysan marna iloobi doonin

Labada Shariif ee uu haatan Xilkoodii dhammaaday ayaa Maanta oo Khamiis ah ka qayb galay Baroordiiq Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho loogu dhigay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Itoobiya ee dhawaata Geeryooday Melles Zanawi .

Labadan Mas’uul oo Saxiixay Buugga Tacsida ee halkaa laga furay ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyay Shriikh Shiikh Axmed, waxana uu sheegey in ay u tacsiyeynayaan Xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in Zenawi uu ahaa Saaxiib qaali ah isla markaana gacan weyn ka gaystay wada shaqaynta labada Dal Somaliya iyo Itoobiya. Sh. Shariif ayaa sheegey in Meles Zanawi uu ahaa Saaxiib aanay marnba ilaabi doonin Geeridiisana ay la qaybsanayaan Shacabka Itoobiya ee deriska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isaguna Saxiixay Buugga tacsida isagoona sheegey inuu si aad ah uga murugoonayo Zenawi oo uu sheegey inuu ahaa Nin Saciim ah oo Geeska Afrika si weyn looga yaqaano. Afhayeenkii Barlamaanka Soomaaliya ee hore Shariif Xasan ayaa la sheegay in ay si weyn isugu dhawaayeen Ra’iisul wasaaraha Geeryooday isagoona tacsi u diray qoyskii iyo Shacabkii uu ka baxay.

Sidoo kale Xafiis uu Maamulka Pundland ugu yeerey Safaarad oo ku yaal Magaalada Garoowe ayaa waxa isna Buuga Tacsida Saxiixay Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxman Faroole oo sheegey in Mamulkiisu uu waayey Saaxiib weyn oo ay ku lahayeen Geeska Afrika. Sidsoo kale Xafiis isna Maamulka Soomaliland ayaa waxa isna Buuga Tacsida Saxiixey madaxweynaha Maamulka Soomaliland Axmed Maxamuud Siilayo oo sheegey in wadamada geeska Afrika ay waayeen Saaxiib ay aad u Jeclaayeen.

Shiikh Shariif iyo Meless Zanawi kulankoodii ugu dambeeyey 17 Luulyo, waxaana lagu soo boodey Melless 19 kii Luulyo 2012

Si kastaba Fikirkan Hogamiyayashan ayaa waxaa mid ka duwan qaba Xarakada Shabaab oo u arka Geerida Zanawi mid ay ku farxayaan Shucuubta Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogan iyagoo sheegey in uu ahaa cadowga wadamada geeska Afrika iyo Shacuubta islaamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail amiinkhasaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



“Zenawi ayaa masuul ka ahaa dhibaatada Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaaliya”

Sidaas waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo u waramayey idaacadda codka Maraykanka, hoos ka dhegeyso:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/faarax_iyo_zenawi.mp3]

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Shiikh Shariif, Shariif Xasan, Axmed Siilanyo iyo Cabdiraxman Faroole oo sheegey in Meless Zanawi uu ahaa Saaxiib aysan marna iloobi doonin "

  1. ASC dhaman bah waynta somalitalk iyo umada somaliyed gar ahan inta fik rada hoda halkan kusobandhigay, hadan udhadhaco duluc da ila iyo hada waxan garan la ahay galkan bakhtiyaya ee zanawi wuxu kalatagay madaxdan iyo waliba abal kay u hayan wa yaabe sharif farole iyo silanyo miyaysan wali bararugin iyago madax isku shegaya ayay mogan yihin cadawgoda xata dhalinyarada waxay og tahay ma ogan wayen??? umada somaliyed way ku faraxsan yihin galka bakh tiyaya blse kuwa uqadadicda sin jiray korna kamamuli jiray ha u oyen hana is ka dhadhiciyed madax da kale hada xilka lawareg tay ilen haday sa samayn waxodi yara ba laga jariye.MAHDSANIDIN dhamantin

  2. garad yusuf says:

    asc waxaan ku farax sanahay dhamaan soomaalida fikirkeeda sida uu isku midka uyahay oo ay ooga soohor jeedaan nimanka sheegay in melez zanawi uu ahaa nin somalida sxb la ahaa taas oo been ah zanawe wuxuu ahaa cadawga ilaahay cadawga diinta islaamka cadawga somalia waana la ogyahay waxaa mahad iska le ilaahii qabtay zanawe iyo saytoti iyo kuxigenkisi oo dhibay somalida cid walbo oo somalida dhibtana ale haqabto aaaaaaaaaammmmmmiiiiiiin w/w/w

  3. Siikh salman says:

    SC

    Mukhlisnimada kamuuqato Nimanka xukuma Mogadishu ,Hargaisa iyo Garoowe waxay cadayn utahay in Melez aay heshiis kula ahaayeen dhibaatada somalia ,maxay ku amaanayaan ? Qaxooti aay barakiciyeen ayaa jooga Ethiopia ,Dad soomaaliyeed dhalinyaro yar yar ah oo uu laayo gudaha somalia ,Sunta qaadka iyo lacagta adag wadanka uu qaato maalinwalba ,waa manaxayaal iyo xal keenikarinin kaana hordhaqaaqikarinin weligaa .

  4. Jaamac daacad says:

    ASC walaalayaal dhamaan meel walbo aad joogtaan , runtii waxaan la yaabay markii uu baqtiyey males zanawi , sida somalida sheegta madax u hadleen taas waxaa iga darneed markii aan arkay tv-ga Ogaden waxa ay ka soo daayeen oo ah somalidii deganaa halkaas oo barooranaayo oo leh abaheen ayaa dhintay laakiin fikradii ma dhiman iyo hor markiisa , markii aan arkay waan ooyey runtii siduu u galay ( qaar waa uu duugay ayagoo nool , kuwa waxaa uu ka baxshay indhaha iyo gabdhaeena quruxda badnaa way faraxumeeyeen oo weli ku dugan nolosha ) miyey iloobeen ninkii sidaa u galay oo weliba xurmad dhigay?????????
    Somali illaah ha tuso waxa ay dantooda tahay iyo inay ay walaalo yihiin aamiin aamiin aamiin!!!!!

  5. Daahir says:

    Asc dhamaan walaalah fikradooda halkaan aan ku arko iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed waxaan leyahay Alle ha idiin siiyo nabad galyo iyo caafimaad tankale waxaan si weyn ugu faraxsanahay geerida Meles Zenawe waxaan kaloo si weyn ugu faraxsanahay aragtidada dadka Somaliyed ee ah inay fahansan yihiin cadawgooda marka laga reebo calowshood u shaqeystayaasha.

  6. somalijecel says:

    Asalamu calaykum dhamaan walaalaha waa idinku raac nahay fikirkiina kuwaa madaxda isku sheegaayA waa doqmo aan caqli lahayn meyer damiirkii waa laah eadankayaga gaalo iyo gaal raac ka saar waa laah soomaali wayn khayr isku keen waa laah qabyaalada iyo xumaan oo dhan naga ilaali kuwa meles jeclaana nå daafi oo kuwa damer iyo diin iyo dadnimole noogu bedel .kuwa jeclaana gaal bakhtiyey ilaahay naarta hala galiyo Amin aan baan Umu farxay dhamaan qoaalkiina

  7. Waxa marka ugu horayso ku faraxsanahay dhamaan coommentiga dad ka soo qoray oo anan kala fkir duwanayn dhamaantood aad na uga xun yihiin shaqsiyaadadka tacsida u diray gaalkii malaz ahaa ee shacabka somaliyeed baa bi iyay ama ha noqoto Soomalida Ogadenia ama somalida xorta ah oo aad garanaysaan in malaz zanawi 2006 kii uu isku soo sawiray Wazaarada Gaashaan dhiga somaliya ee dagaal kii 77 kii cidanka awooda badan laha soomalia laga xukmay kana duuli jireen ,waxa ad ogtihiin malaz iyo gumaystihii ka horayay ee Mingisti xayle maryan in colad weyn ka dhaxaysay hadana Mingisto oo malaz uu ku xukamayt meshi lagu arko dil doogasha ah in uu Mingisti ugu han balyaye qabsashada mugdisho ,hadaba somaliyeey maanta dad ka maangabka ah ee u tacsiyadeyay malaz waxa aad ogataan maalin aan manta aheyn in la xasuusin doono madaxana ay hos u foorarin doonaan
    Tan kale oo soomalida aan waydiinayo waxa ay tahay ma dhici kartaa kala guurkan ethiopia iyo dadka somaliyed oo ka baxay kumeel gaar oo dowlad wanagsan aan hali doono iin sha allaah , ma ku jirka shaqsi dowlada la soo doran dono intuu somalia dhiso dad kedana mid ka dhigo in waziirka gashaandhiga somaliya in uu intuu ethiopia xoog ku qabsado isku soo sawiro xaruntoda gashaandhiga ethiopia kkk wax aan u malaynaya wa wax xaga alla ka fudud laakin se aan dhici donin ilen somali baanahay wali anaga isku sii jednee waxa an ku soo gaba gabaynayaa somaliyeey hal baynu nahaye cadow kalana ma lihin cadowgena wa ethiopia aan gacmaha is qabsano MAHADSANDIDIIN..

  8. Caaqil says:

    Aniga ahaan fikradayda lama yaabina waxuush-taas Zanawi u ducaynaya, laakin waxaa
    ka sii yaabanahay kuwa wax ka sugayaa ardaaladaas madaxada sheeganaysa. Duli iyo
    Aafo u dhinta kuwa yiri Zanawi ayaa soomali horumar iyo nabad la jeclaa.

  9. saahid says:

    labadan siilaanyo iyo faroole inay gaalka jeclaayeen waanu ogayn lakiiin shariif wuxuu lamid yahay gabaygii salaan carabey ee ahaaa
    “haweenkuba xumlada foosha way xanaf wareeraane, balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooye” aawaye 20.000 ee qof ee reerkiisa u badnaa ee la yidhi muqdishaaa lagu laayay

  10. Garaad says:

    kkk, hadda waxay noqotay inaadan la yaabin haddaa ogeyd qof miyir qaba oo waashay, inaadan la yaabin qof wanaagsanaa oo xumaaday, inaadan la yaabin hogaamiye Alshabaab ah oo shafka saaraya hogaamiye reer galbeed ah, sidaasi darteed hala yaabin caruurtii Males sanawi oo uu ku jiro sheekh shariif oo ka ooyaya dhimashadiisa. Ogow males sanawi wuxuu gacan bir ah ku hayey Soomaaliya, wuxuuna ku riday god madow, isagoo adeegsanaya Siilaanyo, Faroole, sheekh shariif iyo calooshood ushaqeystayaal kaleeto, su’aashu waxay ka taagantahay Soomaaliya halkay bay u dhaqaaqi doontaa dhimashadii Males kadib,,,isbadelka siyaasadeed ee ay heysato soomaaliya makaga faa’iideysan doontaa in ay ka xarowdo gacmaha shisheeye ee aafeeyey madaxda iminka maamusha Soomaaliya.

    Soomaaliyey adigay talo kula taalaa, tasho oo isku tasho, oo ilow wixii shalayto kusoo maray…oo horay uga dhaqaaq halkaad taagantahay.

    Soomaali jecel

  11. mahamed yare says:

    ascw walaalaha qaaliga ah alaha idin xifdiyo dhamaantiin waxaan idiin sheegayaa milas ninkii jeclaa aaqiro ayuu saaxiib la noqon doonaa ilaahna qof walaba waa kii maqlo . waxaad ku cibroqaadatiin adinkana milas marka ka duulayo garoonka adis waxuu qaadan jiray diyaarad u gaar ah mantana markii la keenay meeydkiisa waxaa laga soo bixiyay meeshii boorsooyinka la galin jiray waa kaas aduun alaahu akbar alaahu akbar insha ilaah ilaah agtiisna waxaan uga rajeeyneynaa cadaab tan ugu xanuunbadan insha alaah kii jeclaadana ilaah ha la soo bixiyo

  12. sc dhamaan shacabka wallaalaha soomaaliyeed bacdu sallaan waxaan rabay waa in aan wada fahanaa luuqada geeljirayaasha in ay ka shaqeeyneen ama aan loo adeegsan karin dhinaca siyaasada,siyaasadu horta waa been iyo turuufo la isu qoslo ka dibna lugaha la is jaro marka waa iska caadi zanawi in uu yiraahdo wuxuu ahaa saaxiib lama iloowaan ah asguba waagii uu noolaa wuxuu oran jiray waxaa iga go,an sidii aan wallaha aan dariska nahay ee soomaaliyeed ugu soo celin lahaa nabad iyo dowlad hagaag,marka waa wax iska caadi ah in uu sidaa u hadlo dnt take it serious folks,hadaan nahay soomaalida xalasha ah kuna dhimanaysa soomaalinimada waxaa naga goan in aan xoreeyno soomaali galbeed AKA ogaden,waa in aan isu keenaa soomaali weeyn xitaa jabuuti sameeynaana dowlada ugu quwada badan geeska afrika,soomaaliya ha israacdo ha is jeclaato oo iga ah tii daacada ka timid wadnaheeyga godka 24aad ee jaceeylka dhabta ah,mahadsanidiin wallahayga soomaaliyeed…

  13. Maxamed says:

    Waxaa layidhi nin baa mayd ka dhacay, markaasuu yidhi hadduu sii go,ay ! . Nimankan awalba waan ogayn in ay ahaayeen kuwo u adeega cadawga soomaaliyeed laakiin bakhtiga Zenaawi marada ayuu kasii ridey.
    Waa nimanka yidhi Zenaawi ayaa mandaqadda nabad ka dhaliyey( subxaan Allaah).
    Waxay sifir kasoo qaadeen xasuuqii, barakicii, kufsigii hablaha soomaaliyeed gumaysigii iyo burburintii dhulka soomaaliyeed hor iyo dibba,iyadoo ilaa hadda ciidammada Itoobiya joogaan ciidda Soomaaliyeed.
    Xataa waxay illaaween damiir xumadooda intii loollanka soomaliya iyo Itoobiya jirey in Zenaawi yahay ninkii koowaad ee dagaal ku qabsada Caasimadda Soomaaliya.
    Ugu dambayn waxaan Ilaahay ka baryayaa in aanay madax kuwaas oo kale ahi Soomaaliya u dambayn iyagana Ilaahay na dhaafiyo.

    M.Ibraahin

  14. Horta melez wuxuu ahaa nin gaal kaafir ah taasi waa cadaan , laakiin gaalkaasi wadankiisa oo qudha muu rabin inuu u taliyo ee wuxuu rabay inuu ku darsado dhulka somaliyeed oo dhan sida koonfurta somalia iyo somaliland.

    Laakiin waxaa ayaan daro ah oo aan la ooyey markii hargeisa iyo xamar la keenay buug madaxda somaliyeed ay ku saxeexeen inay daacad u ahaayeen Gaalka Meles Zenawi, run ahaantii aad baan uga xumaadey dadkaasi waxay sameeyeen.
    Mida kale meles wuxuu ahaa shytaankii koowaad ee soo mara bariga africa iyo guud ahaan qaarada africa maxaa yeelay wuxuu geystay dhibaato baaxad leh oo uu isku direy shacbiga aan ka dhashay ee somaliland iyo walaalahayga ee somalia , wuxuu awoodey inuu berbera kala soo dago wuxuu doono , wuxuu kaloo awoodey inuu madaxda somalida ku yidhaahdo hadii aad dibada u dhoofeysaan i soo mara aniga hadiise aad i ilowdaan markaad dib u soo laabanaysaan i soo mara.
    Hadalkayga waxaan ku soo geba-gebaynaayaa maanta somali uma baahna awood ee waxay u baahan tahay madaxweyne daacad u ah dalka iyo diinta oo jecel wadaniyada somaliyeed iyo tan islaamka

  15. la yaab maleh haddii siilaanyo faroole shaiif sakiin amaaneen zenawi laakiin sheekh shariif miyuusan aheyn kii hoggaamin jiray maxaakiimta aad baa looga naxay waxa uu yiri sheekh shariif balse taariikhda ayaa xusi

  16. Walaahi waxaan la yaabanahay meesha uu ninkan ithobia ka dhintay haw abaalka noogu galay abaalka ay nimankan sheeganayaan ma kursiga ay ku fadhiyaan ayu u ogolaaday? Haddi jawaabtu haa tahay ma kala garan waayeen danta guud iyo mida gaara ahaaned haddii ay sida rabaan inay dambiga uga mayraan ugama mayrmayo waan dambiile aanay somalidu iloobi doonin hana lasocdeen inay dambiga lawadaagayaan oo warkoodu maanta duuban yahay barina wax laga waydiin doono midii aakhirana udambayso somaalidu waxa tiraahdaa hadal intuu afkaaga ku jiruu amaano yahay nimakanina somaali xaqii ay ku lahayd kursi ayey dhaafsadeen ee waa no xisaab inta aduunka la joogo aakhirana ilaahay ayaa kula xisaabtami doona

  17. Jamaal says:

    males zanawi soomaali wuxuu u ahaa cadowgooda koowaad kamana duwanayn madaxdii ethiopia ee soo jireenka cadow sooomaaliyeed ahaa.

    hase yeeshee wuxu ku guulaystay inuu gaaro guul aysan gaarin madaxdii ethiopia ee ka horaysay taas ooh ah in ciidamadiisu yimaadaan muqdishu kuna laayaan kumaanaan shacab soomaali ah haddana dad soomaaliyeed baroor diiqayo geeridiisa.

    males wuxuu ahaa gacan ku dhiiglayaasha ugu waaweynaa ee soo maray East Africa xukunkana ku qabsaday xasuuq dad aad u farabadan 19991 siina waday 21 sano gumaadka dad aan waxba galabsan oo soomaali iyo ethiopian ba ah.

    waxaan aad uga xumahay dad madax soomaaliyeed sheeganaya inay uso oohinyaan males taas oo ka dhigan in soomaalidii uu laayey ay mudnaayeen in la laayo maadaama ninkii laayey geesi sharaf mudnaa lagu sheegay. waxaanse ku faraxsanahay in amaan aadane aysan waxba qaban karin ilaahay agtiisana uu ka helay camalkii uu ifka ku gaystay.