Home » Warar »

Dawladda Itoobiya oo Sheegtay in Siyaasadeedii Soomaaliya ayan Waxba Saameyn ah ku Yeelaneyn Geerida Meless Zanawi..


Xaralada Alshabaab oo si weyn u soo Dhaweysey Geeridii Melles Zanawi

Iyadoo Maalinimadii Shalay si Rasmi ah Shaaca looga qaaday Geeridii ku Timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Afhayeenka Xukuumadda Itobiya ahna Wasiirka War Faafinta Simon Barakat.

Barakat ayaa sheegey in Ra’iisul Wasaarahoodii Zinaawi uu Geeryooday una Geeryooday waa siduu hadalka u dhigaye Infection dhinaca caloosha ah oo uu muddo la xanuunsanyay .Af hayeenka ayaa sheegey in Meless Zanawi uusan geeriyoon Xili hore sida ay ku doodeen Mucaaradka Dalka Itoobiya balse uu habeen hore Geeryooday haatana Dalkiisa dib loogu soo celiyay Meydkiisa.

Barakat ayaa soo qaaday hawl galadii Ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadeen gudaha Dalka Soomaaliya isagoona sheegey in taasi aanay waxba saameyn ku yeelaneyn Geerida Zanawi isla markaana Ciidamada itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ay sii joogi doonaan. Illaa ay ka gaarayaan Hadafkii ay halkaa u tageen Afhayeenka Xukuumadda Itoobiya ayaa intaa sii raaciyay “in Itoobiya ay taageersan tahay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dawlad Cagaheeda isku taagta isla markaana ammaanka Gobolka u noqon lahaa mid ku dhisan jawi Nabadeed iyo derisnimo wanaag,” waa siduu hadalka u dhigay.

Hadalkan ka soo yeeray Xukuumadda Itoobiya ayaa imaanaya xilli maalinimadii Shalay la Shaaciyay Geerida Mileas Zanawi oo Labaatankii Sano ee la soo dhaafay Hoggaaminayay Dalka Itoobiy waxaana la filayaan in maanta Arbaca Meydkiis la keeno Magaalada Adis Ababa.

Dhinaca Kale,Iyadoo siyaalo kala gooni ah Geerida Zanaawi ay uga hadleen Mas’uuliyiin Caalamka ka tirsan ayaa haddana waxaa iyaguna dhankooda ka hadlay Maamulka Xarakada Shabaab. Afhayeenka guud ee Xarakada Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka hadlay Geerida ku timid Ra’iisul wasaarihii dalkaas Zanawi.

Afhayeenka Maamulka Xarakada Shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa sheegey in ay u arkaan Geerida Zanawi in ay tahay Mashaakil ka mid ah Mashaakiladii Geeska Afrika oo meesha ka baxday isagoona intaa raaciyay in Miles Zinaawi uu ahaa abaabulaha dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan.

Arrintan ayuu ku sheegay Shiikh Cali dheere in ay ku Faraxsan yihiin in Meesha uu ka Baxo Ninkaas oo ay u arkayeen inuu Cadow u ahaa Shacabka Soomaaliyeed kana shaqaynayay kala qaybinta Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Af hayeenka ayaa soo qaaday Dhibaatooyinkii uu ka gaystay Dhulka Soomaaliyeed ee Dawladda Itoobiya ay haysato isagoona farta ku fiiqay in Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee halkaa ku sugan cadaadis badan uu ku hayay.

Cali Dheere ayaa intaa sii raaciyay in ay sii wadayaan Dagaalka ay kula jiraan Cadowga Itoobiya inta ay Ciidamadooda ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Soomaaliya. Shiikh Cali Dheere ayaa dhinaca kale sheegey in ay Dagaalka ka joojinayaan Itoobiya haddii ay gebi ahaanba Ciidamadeeda kala baxdo Dalka Soomaaliya intase ay baaqiga ku yihiin gudaha Soomaaliya uusan dhamaan doonin Dagaalka kala dhaxeeya Itoobiya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dawladda Itoobiya oo Sheegtay in Siyaasadeedii Soomaaliya ayan Waxba Saameyn ah ku Yeelaneyn Geerida Meless Zanawi.. "

  1. fiiq says:

    SOMALIA manta ay xorowday maxaa yeelay cadawgii ugu weynaa ayaa dhintay marka waxaa loo baahanyahay in laga iska qabto ragii u shaqenjira malaze ee wali rajada ugu jirto in malaze uu soo noqonaayo ragaas in in ay somalia iska qabtaa oo banaanka la soo dhigo,

  2. asc: Allae ayaa mahad is kale naga qabtay MELEZ

  3. faarax says:

    waa runtoodoo waxay u baahanyihiin inay abuuraan mushkilad khaariji ah oo shacabka masaakiinta ah ee itoobiya ee indhaha iyo dhegeha la qabay lagu maaquuliyo , iyo in loo adkeeyo ree galbeedka in shaqadii islaam ladiririka ahayd ay meeshii ka siiwadayaan si dhaqaalihii logu sii wado