Home » Warar »

Melles Zanawi oo la Xaqiijiyey in uu ku Geeriyoodey Wadanka Biljam


Warbixin:Saameyntii uu Soomaaliya ku lahaa Melless Zanawi

Warbaahinta Caalamka ayaa waqti aan sidaa u dheereeyn waxay sii daayeen warara ku saabsan Geerida Raiisul Wasaarihii Wadanka Itoobiya Meless Zanawi ka dib markii Muddo uu ku xanuuunsanaa Isbitraal ku yaal wadanka Biljam ka dib markii uu Maskaxda uu dhiig kaga furmey iyo Cuduro kale waxaana geeridiisa laga Xaqiijiyey wadanka Itoobiya .

Xaalada Miless Zanawi ayaa warar kala duwan ay ka soo baxyeen maalmihii la dhaafey iyadoo Mucaaradka Wadanka Itoobiya ay sheegeen in uu mar hore uu Geeriyoodey Meless hase yeeshee Dowlada Wadanka Itoobiya ayaa beenineysey wararkaas oo ay ku tilmaantey mid Been Abuur ah oo aan waxba ka jirin

Ilaa iyo hadda lama garanaeyn sababaha loo qarinayey Noloshiisa iyo Geeridiisa hase yeehsee ragii ku dhawaa Meles ayaa ayagu ka Cabsi qabey in hadii laga hadlo Xanuunka ay keeni karto in uu sameyn ku yeesho wadanka Itoobiya oo ay Qowmiyado kala duwan ay ku nool yihiin waxaana hoosta laga xariiqey in ay dhici karto in dalka uu u Xuubsiibto Dagaal Sokeeye sidii Soomaaliya oo kale

Meless Zanawi ayaa waxaa uu ahaa kaliye taliye Muddo labaatan sano ah Xukumaayey wadanka Itoobiya waxaana uu Xukunka ku qabsadey Dagaal Jabhadeed oo muddo socdey , waxaana Xiligaas Dalka uu u kala jabey laba wadan waxaana Xoriyadeedii qaadatey Dalka Ereteriya oo Hogaamiyaha wadankaa Afawerke ay soo wada halgameen Miless Zanawi inkastoo ay dadka ka Xumaayeen kala jabkaas haddan wadanka Ererteriya waxaa uu noqdey dal ka madaxbanaan Dowladda Itoobiya

Meles Zanawi waxaa uu intii uu hayey Xukunka uu saameyn ku yeeshey wadamada Deriska lah wadankaas gaar ahaan wadanka Soomaaliya oo la dhihi karo waxaa uu ku giijiyey Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya isagoo hadba Koox Taageereyey , waxaana uu wadanka maalin Cad soo geliyey Hub uu siiyey Hogaamiye Kooxeedyadii waxaana sii laba jibaarmey dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya

1993 ayaa waxaa Meles qaban qaabiyey Shirweyne Soomaaliyeed Gacan ku rimis ah oo ay ka soo qaybgaleen jabahadii isku haystey Soomaaliya , wuxuuna shirkaas uu ku dhamaadey fashil waxa sii xoogeystey dagaalkii jabhadaha oo Galaaftey dad aad u fara badan , sidoo kale Meless waxaa uu aasaasey jabahado Far badan sii arrinta Soomnaaliya ay u noqoto mid aan Xasilin ama degin , waxaa Sannadkii 1996 dii Ciidamada Itoobiya ay soo galeen qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya waxa na dagaal aad u qaraar uu dhemarery Xarakadii itixaad ee ka dagaalameysey Gobolka Gedo

Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya ma Istaagin iyo feregelintii Itoobiya waxaas si cad u taageerey Cabdulaahi Yuusuf oo isna Dagaal la galey Xilgaas Itixaad gaar haan Gabolada Bari , hallkii ayuu ka sii wadey gacan siintii Cabdulaahi Yuusuf jeer uu soomaaliya ka noqdey Madaxweyne Sannadkii 2004 , waxayna Dowladaas u kala jabtey Muqdisho Iyo Baydhabo taasina waxay soo dedejisey In Ciidamada Itoobiya ay si cad u taageeraan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf

waxaa dalka ka abuumey Maxkamado islaami ah ka dib markii dadka u adkeysan waayeen Qabqablayaashii Dagaal ,,waxaana sannadii 2006 dhacay Dagaalkii Dowladii Cabdulaahui Yuusuf iyo Maxakamadaha Islaamka waxaana dagaalkaas uu keeney in ay Cabdulaahi Xoog ku keeneen Ciidamii Itoobiya , hase yeeshee Dagaalkaas maalin qura ma istaagin waxayna soo dedejisey in Ciidamada Itoobiya Dagaalo looga saaro Magaalada Muqdisho

Waxay arrintu hadba meel soo Tu’ato waxay Xukunkii Soomaaliya loo dhiibey Sannadkii 2009 Shiikh Shariif oo isagu ku soo baxay Dagaaladii lagula jirey Ciidamada Itoobiya hase yeeshee Dagaalkii ma istaagin waxaana dalka la keeney Ciidamo Afrikaan oo uu Maskaxdeedii uu lahaa Meles Zanawi , waxaana halkaa ka sii socdey Dagaaladii oo dad badan ay ku dhinteen oo ilaa iyo hadda Socda

Meles Sanawi waxaa sidoo kale uu saameyn Xoogan ama galaagal Siyaasadeed uu ku laha siyaasada Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa hal abuurayaashii Maamul Goboleedyo sidoo kale waxaa uu ahaa Meless nin laga la tashado arrimaha Soomaaliya waxana dalkiisa markasta Booqan jirey hadaba ninka ku soo baxa Talada Dalka Soomaaliya ha noqoto Madaxweyne , Raiisul wasaare, iyo Gudoomiye Baarlamaanka ,waxaana la Xaqiijiyey in Meless intii uusan xanuusan Qaabilaadii ugu Dambeysey waxaa uu la yeeshey Madaxeyna Waqtiga uu ka dhamaadey ee Shiikh Shariif

Isku soo wada duuboo Meless Zanawi waxaa uu ahaa shaqsi faragelin toos ah ku ahayey arimaha Soomaaliya waxaana geeridiisa ku farxay dad fara badan oo soomaaliyeed halka qaar aan sida u badneyn ay ka walwaleen geeridaas ku timid Raiisul Wasaarihii Itoobiya , iyadoo dadka Soomaaliyeed ay is weydiinayaan Tolow yaa loo dhiibi doono talada Wadanka Itoobiya iyadoo weli Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku jiraan Gudaha Soomaal;ya gaar ahaan qaar kamid ah Gobolada Soomaaliya oo weli ay dagalo ka socdaan ayna wadaan Xarakada Alshabaab waxaan sugnaaba ninka loo dhiibi doono wadanka Itoobiya ma halkii buu ka soo wadi doono siyaasdii Meless mise Isbedel buu la imaan doona , sidoo kale Wadanka Erereteriya ayaa si weyn looga faraxay Geerida Meless iyadoo labada wadan uu dhexmarey dagaal ay ku dhinteen kumanan qof oo labada dhinaca ah hadaba waxa la sugayaa waxa uu la yimaado shaqsiga qaban doono talada wadankaas oo ay si aad u fiirinayaan dadka Soomaaliyeed iyo wadanka Erereteriya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Melles Zanawi oo la Xaqiijiyey in uu ku Geeriyoodey Wadanka Biljam "

  1. Waddaniyad says:

    Meles wuu socday, Somaaliyey danteena ma garanaa, oo qabiil iyo Qaad ma ku beddelnaa Quraanka Ilaahay? Meles Zenawi saaxib weligii umu ahayn Soomali, sidaa madaxda Habashida ee hore iyo kuwa dambe ee iman doona ayuu CADAW WEYN u yahay dadkeena, diinteena, iyo dalkeena.

  2. aad ban ugu farax sanahay geerida kutimi mila zanawi wayo kan dhibu ku hayay somaliya wuxunakamid aha bur burkan wayn e somaliya haysta shakhsiyad ki sababaha ugu wayn ku la ha waligina nin somaliya dacad u ah bu iska dhigi jiray blse ma usan ahayn kafir khiyanola ah bu aha

  3. Hassan says:

    Asc, Ummadda Somaaliyeed Meelkasta oo ay joogto, run ahaantii aad ayaan ugu farxay geerida kutimid dhiigyacabka Males Naarta Allah haku fogeeyo Aamin

  4. waan ku faraxsaxahay dhimashada kufaarka mele zanaaw maxa yeley qalad badan ayuu dadkena kagaley ku bishaareyso naarta alle adigu

  5. meles zenawi wuxuu ahaa cadowgii ugu weynaa ee ummadda soomaaliyeed aad baan ugu farxay gaalka bakhtiyay ilaah naarta haku fogeeyo aamiin ardaydiisiina ilaah ha hallaago idil ahaantood

  6. khadiija says:

    ASWRWB bahda somalitalk oon aad u xiiseeyo qoraaladooda.

    Maashaa alaah Amiin si wanaagsan ayaad u falanqaysay walow faragelinta uu meles ku hayey dalka soomaaliyeed aan la soo koobi karin ayna u sahlaysay calooshood u shaqaystayaal aan diin,dal iyo dad toona shaqo kulahayn damiirna aan lahayn.. Aniga ayaa ka mid ah inta aadka ugu faraxday geeridiisa naarta alaha ku fogeeyo kaas.. Asaga iyo saaxiibadiisba waa shubeen. ninkii god sireed qoda meel xun buu ku danbaynayaa. waad mahadsan tihiin scwrwb

  7. ali says:

    maan ayaan arkay mid tigree ah waxaan usheegay dhimashada zenaawi wuxuu iguyiri waan ogahay madhiman maanta ee wuxuu dhintay 17kii july sirculusaa ethiopiyaanku sidaasoo kale malaga heli soomaali waxaan iri macabsanayaan tigree wuxuu yiri maya ayagaa haysta awooda dalka oo dhan hadaynoqoto ciidan ama dhaqaaleba soomaaliyeey qaad iyo qabiil kahara oo arimihiina hoose ma uqarin kartaan sidaasoo kale

  8. khadar says:

    malez wuxuu ahaa dhiigyacab umada soomaaliyeed ka reebay qayrkeed wuxuu si aan naxariis lahayn hadh iyo habeen dhiigooda uga hirqaday maatida soomaaliyeed meel kast ay joogto gaar ahan uwa ku nool somaligalbeed ama ogadenya qofba siduu rabo markaa ilaahay cadaabka haku fogeeyo waa maalin faraxdweyn u ah qofkasta oo damiirsoomaalinimo ku jirto daalimkasta oo madaxa taaga ilaahay ayaa qaban jinsi kasta ha ahaado maanta waa maalmihii aan ugu farxada badnaa geerida zenawi