Home » Warar »

Digreeto Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo burisay wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo ….

Dicreeto uu soo saaray ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ayaa shaca ka qaaday in “wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo iyo Demooyin cusub iyo dalacsiin Saraakiil Dawladeed ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin”.

Dicreetada waxaa ku cad sidan: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii August 2012, wuxuu halkan ku caddaynayaa in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo iyo Demooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dawladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin sida kucad qodobka 3aad ee axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dawladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan.”

Halkan ka akhri Dicreetada

Dicreetada raiisul wasaaraha DFKMG

Dicreetada Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ka akhri halkan

Arrintan ayaa daba socota kaddib shirkii golaha wasiirada ee Aug 13, 2012 in lagu go’aamiyey “Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo dowladda.”

Waxaa taas ka horeeyey Shirkii ay yeesheen golaha wasiirada DFKMG maalintii Khamiista Agoosto 9, 2012 ayey ku go’aamiyeen “in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.”

Taas waxaa garab socdey laba wareegto oo la faafiyey Khamiistii 9 Agoosto 2012, oo uu soo saaray madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, oo qeexaya in laga soo bilaabo taariikhda 22 july 2012 in degmooyin loo aqoonsaday Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bokool iyo Dolondoole oo ka tirsan gobolka Bay. (Akhri wareegtooyinkaas)

Laakiin sida ku cad wareegtada rasmiga ah ee golaha wasiirada (Ref: XRW/OM/PR 00226/07/12) “laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.” Taariikhdaasi waxaa soo hoos geleya xilliga uu madaxweynaha DFKMG sheegay in uu magacaabay degmooyinka cusub.


Warsaxaaafadeed:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay xaflad looga hadlayey tayeynta waxbarasha.

Muqdisho, Arbaco, 15, August, 2012…. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Macalimiin, Arday, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada luguna daah furay Wargays bile ah oo ay soo saartay Wasaarada Waxbarasha iyo Tacliinta Sare.

Ugu horayntii Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay marayso waxbarashada Dalka isagoona tilmaamay mudadii sanadka ahayd oo ay jirtay Xukuumadu lagu talaabsaday horumar balaaran oo dhanka waxbarashada ah, Wasiirka ayaa sheegay in Arday gaaraysay ilaa 3,000 loo diray waxbarasho dibadda ah iyadoona Wasaaradu dayactirtay iskoolo faro badan oo ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay dalka, waxaa kale oo wasaaradu samaysay shahaado lagu midaynayo dhamaan shahaadooyinka laga isticmaalo iskuulada ku yaala Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dhiiri galiyo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay dib ugu qaataan qalinka ugana waan toobaan tahriibta, Argagaxisonimada, iyo burcad badeednimada si taas loo xaqiijiyo waa in la sameeyo wacyi galin ku aadan baraarujinta dhalinyarada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa i sheegay in ay sabab utahay horumarka dhanka waxbarashada guulihii laga gaaray dhanka Amniga siyaasada iyo arimaha bulshadu oo ay xukuumadu ka qabatay mudadii sanadka ahayd.

“Sidaad ogtihiin Xukuumadu waxay wax weyn ka qabatay dhanka Waxbarashada waxayana dowladu suurta galisay jawi nabadeed oo u saamaxaya inay Ardaydu aadan iskoolka,waxaa magaalda laga furay Jaamacado kadib markii aan Amniga wax weyn ka qabanay, waxaana deeq waxbarasho loo diray Arday faro badan, waxaana hubaal ah hadii dadku waxbartaan in dalku ku tilaabsnayo horumar dhan kasta ah, wadan kasta waxaa horumariya aqoonyahan kiisa”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay dadka dagan wali Xarumaha waxbarashada inay baneeyaan si ubad kooda loogu diyaarsho waxbarasho, waxaana uu sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay iney sii wado taageerada balaaran oo ay u hayso waxbarashada, waxaanu balan qaadayaa Ra’iisul Wasaaruhu maadaama uu yahay macalin Jaamacadeed in wax weyn uu ku soo biirinayo hanaanka waxbarasho ee Dalka,

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisu waxyaalaha ay mudnaanta koowaad siisay mudadii sanadka ahayd sidii horumar la taaban karo loogu samayn lahaa waxbarashada, waxaa kale oo uu sheegay laga bilaabo maanta kooxda Iftin oo ka shaqaysa wacyi galinta dhanka waxbarashada ay ka mid yihiin Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.