Home » Warar »

Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay in la Carqaladeeyo Nabadda Muqdisha inta lagu Jiro Xilliga Doorashada.

iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Kenya… iyo Beesha Absame iyo Adeerkood Kulan Balaaran oo ay ku yeelatey Muqdisho ka soo Saartey War-Saxaafadeed ka Hadlaya Qaabka wax Qaybsiga


Maxamed Xasan Xaad oo ka Digay in la Carqaladeeyo Nabadda Muqdisha inta lagu Jiro Xilliga Doorashada.

Iyadoo ay soconayaan hawlaha u diyaar garowga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo markii u horreeyay Muddo labaatan Sana ah lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa walaac badan ka muujinaya qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Odoyaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Bawiye ayay kaga hadleen arrimaha ala xiriira Nabadgelyada Muqdisho iyo sidii cid walba ay u badbaadi lahayd.

Kulanka kaddib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka Beelaha hawiye nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo sheegey in Hay’adda Dhaqanku ay tahay hay’adda keliya ee ka badbaadday bur burkii dalka ku dhacay sidaa darteedna loo baahan yahay in Hay’addaas la Ilaaliyo,

Nabaddoon Xaad ayaa sheegey in Guul ay tahay si weyna ay ugu faraxsan yihiin in markii u horeysey muddo Labaatan sana ah Shir Doorasho oo Soomaali ay leedahay in lagu qabto Dalka gudihiisa sidaa darteedna la doonayo in Doorashadani ay noqoto mid Taariikhi ah.
Nabaddoonka ayaa ka digay haddii la Carqaladeeyo ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho in Xaaladdu ay noqon karto mid faraha ka baxda sidaa darteedna haddii ay yihiin Odoyaashii Soomaaliyeed in ay rajaynayaan in Nabaddu ahaato midda ugu horeysa oo tixgelinteeda la siiyo.Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Nabadda la ilaaliyo oo kuwa la dooranayo iyo kuwa wax dooranaya iyo Dawladduba ay dhamaantood bad baadaan isla markaana laga hor tago wixii Carqaladeynaya Nabadda Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in xilligan ay marayso meel aad u wanaagsan.

Hadalkan soo yeeray Maxamed xasan Xaad ayaa imaanaya ka gadaal markii maalmihii la soo dhaafay uu jiray Guux hoose khilaafka u dhaxeeya Odoyaasha soo xulaya Xubnaha Barlamnka iyo Beelaha qaarkood ku Goodiyaya in haddii laga tago Ninka ay wataan aysan taageeri doonin arrintaa. Isku soo duuboo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in la adkaynayo ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho iyo waliba Musharixiinta faraha badan ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dalka Kenya


(Muqdisho, Talaado 14, Augst 2012) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwei Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hogaaminayo Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya Thuite Wmangi waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

Ugu horayntii Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inay maanta soo booqdaan magaalada muqdisho.

“Aad ayan ugu faraxsanahay booqashadeena maanta waxaana u nimid inaan dib u howl galino safaaradeena, waxaa kale oo aan rabnaa inaan ka qayb qaadano howlaha soconaya oo ku saabsan sidii dalka loo xasilin lahaa isla markaan u xaqiijino joogitaankeena Muqdisho inuu macno weyn u samaynayo sidii dalka looga hormarin lahaa dhanka Amniga madaama uu dalku dib uga soo kabanayo colaadihii”

Sidoo kale waxa isna meesha ka hadlay wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen waftiga sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey labada wadan, sida hormarinta dhaqaalaha, Waxbarashada, Tababarada shaqaalaha dowladda, Dhinaca canshuuraha, iyo sidii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo siin lahaa tababaro.

Ugu danbayntii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Kenya dadaalka dheeraadka oo ku aadan sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo dhaweyey dib u howlgalinta Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.

##DHAMMAAD


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia


Beesha Absame iyo Adeerkood Kulan Balaaran oo ay ku yeelatey Muqdisho ka soo Saartey War-Saxaafadeed ka Hadlaya Qaabka wax Qaybsiga

Kulan ay ka soo qaybgaleen Odoyaasha, Siyaasiyiinta Waxgaradka, Culimaudiinka, Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Absame iyo Adeerkood (Galimeys laguna Martiqaadey Beelaha kale ee Daarood ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Safari, waxaana kulankaas diirada lagu saarey Cadaaladdaro ay M,uddo dheer ay tabnayeen Beesha Absame iyo Adeerkood

Xubnihii ka qayb gale Kulanklaas ayaa sheegey in Beesha Absame ay Cadaaladdaro ka tirsanyaan Beesha Ogaadeen oo ka tirsan beelaha Absame waxayna sheegeen Xadgudubkaas uu soo jirey Muddo dheer iyadoo beelihii kale ee Daarood ay Garwaaqsadeen Cadaaladaradaas ayna aad uga Xun yihiin iyagoo sheegey in ay wax ka qabanayaan islamarkaana ay u gudbinyaan Hayadaha ku lugta leh Xiliga kala guurka waxayna ka soo saareen Kulankaas Qoraalkaan hoose ku Qoran

“Anagoo ah Beelaha Absame iyo Adeerkood (Galimeys) waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Somaliyeed in 10-kii Xildhibaan ee ka dhaxeeyay Beelaha Absame iyo adeerkood ay qaadatay Beesha Ogaadeen oo kaliya Beelaha Boobkaas lagu sameeyey waxaa ka mid ah.

1 .Beesha Galimeys oo ah Adeerkood
2. Beesha Baalcad Absame
3. Beesha Weyteen Absame
4. Beesha Abaaskuul Absame

Hadaba waxaa Dulmigaas iyo Boobkaas ka shaqeyay labo Nin oo Dhaqan ah iyo Labo nin oo Siyaasiyiin ah waxayna kala yihiin sidan:

1. Suldaan Cabdi Cali Sokor
2. Ugaas Xuseen Ugaas Qorane iyo
3 C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka Ganacsiga
4 Maxamed Cabdi (Gaandi) ninka Hogaamiyaha Kooxda AZANIA

Hadaba waxaan u sheegeynaa umadda Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka in aanan aqbali doonin Baarlamaka la dhisi doono hadii aan wax laga qaban dulmiga lagu sameyay Afartaas Beelood isla markaana aan la siinin Xildhibaanno matala Afarta Beelood ee sare ku xusan

Sidoo kale ma aqbali doono Dowlad Goboleed ay horkacayaan kuwa sameeyey dulmigan aanu ka cabaneyno sida maamulka ku sheegga AZANIA .

Waxaa Bayaankan & Go’aankan si wadajir ah u soo saaray Salaadinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Beelaha Absame iyo Adeerkood (Galimeys):

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.