Home » Warar »

Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Dawladda Maraykanka oo Walaac ka Muujiyey Qaabka loo soo Xulayo Xildhibaanada Cusub.

Safiirka Maraykanka u Fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya James Swan ayaa ka hadlay Xulidda Haatan Guddiga farsamada ay ku hayaan Xildhibaanada Barlamanka Cusub ee Soomaaliya.Mr Swan ayaa war bixintiisa ku xusay in wararka ay helayaan ay sheegayaan in Hoggaamiyo Kooxeedyadii hore ee Soomaaliya dib loogu soo darayo Baarlamaanka isla markaana ay qayb ka noqonayaan Xildhibaanada cusub ee haatan la soo xulayo.

Danjire James ayaa ku nuux nuuxsaday in aan raali laga ahaan karin in Dad Demiilayaal ah ay dib uga mid ahaadaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ee la doonayo in Soomaaliya ay ka gudubto Marxaladdii ku meel gaarka loona gudbo Dawlad wanaag. Xukuumadda Washington ayaa waxa ay Indhaha ku haysa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaana meel marinta Heshiiskii Road-Mapka oo ay ku jireen in Bisha Ogosto lagu soo dhameeyo Xilliga kala Guurka.

Dhinaca Kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ogostiina Mahiga iyo Dhiggiisa Midowga Afrika Mr Diyara ayaa si isku mid ah uga hadlay habka uu ku soconayo hanaanka soo Xulidda Xubnaha Xildhibanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya uu yeelnayo.Mas’uuliyiintan ayaa walaac badan ka muujiyay arrintaa iyagoona sheegey in ay jiraan Laaluush iyo hanjabaadyo ka imaanaya dhinacyo ka mid ah dadka doonaya in ay soo galaan Barlamanka Soomaaliya.

Mahiiga iyo Abubakar Diyara ayaa sheegey inaan loo dul qaadan doonin arrimaha noocaas ah oo lagu doonayo in lagu Carqaladeeyo hanaanka geeddi Socodka looga gudbayo xilliga kala Guurka.War qoraal ah oo ay soo saareen Mas’uuliyiintaas ayay ku sheegeen in laga hor tagayo Kooxaha wada carqaladeynta isla markaana si toos ah wax looga qabanayo.

Dr Mahiiga iyo Diyara ayaa sheegay in shalay lagu waday in la dhaariyo Xubnaha Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya ka mid noqonaya hase yeeshee ay arrintaasi dib u dhac ku timid ka gadaal markii ay soo dhamaystirmi waayeen Xubnihii loo baahnaa ee gaaryay Labada Boqol iyo Todobaatan iyo Shanta Xubnood.

Guddiga soo xulaya Xildhibaanada Cusub ayaa sheegaya in illaa iyo iminka ay soo gaareen ilaa Boqol iyo Sideetan xubnood Seddax u dhig dhigna uu maqan yahay Liiskii loo xulyayay Xubnaha Cusub ee Barlamnka Soomaaliya. Hadalkan ka soo yeeray Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa waxa uu imaanayaa Xilli weli uu jiro Beelaha qaarkood oo khilaaf badan uu ka dhaxeeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.