Home » Faallo »

Barakacayaasha Muqdisho ku sugan oo Loo Isticmaalo Ololaha Doorashada

Bismilaahi Raxmaani Raxiim 11/08/2012

Waxaan maqaalkaan ku soo qaadanayaa dhacadooyin xanuun badan oo markasta ka dhacda magaalada muqdisho dhacdadaas foosha xun waxaana lagula kacaa dadka aadka u nugul oo ku jira Kaamamka tirada badan ee ku teedsan magaalada Muqdisho.

SIdaan la socono waxaa si xowli ah uga socda magaalad Muqdisho Olole doorasho tii ugu yaabka badnayd waxaa 10 bari kadib la filayaa in ay dhacdo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya taas oo ay u tartamayaan inta la ogyahay ku dhawaad 60 musharax, waana doorashadii madaxweyne Soomaaliyeed lagu doorto in kabadan 45 sano oo ka dhacda dalka gudihiisa.

Waxaa doorashadaan leedahay waxyaalo badan oo murugo ka muuqato waxaa socda dhacdooyin aan wanaagsanayn waxaa hoteelo lagu soo xirtay oday dhaqameedyo, waxaa laga saxiixay qaarkood dad aysan raali ka ahayn waxaa qaar kale loo jeediyey hanjabaadyo, waxaa qiimo ad u sareeya gaaray kala gadashada Xildhibaanada, waxaa dhaqaale badan la siiyey rag xildhibaano horay u ahaan jiray si ay ugu laaluushaan beelahooda sidii iyaga xildhibaano looga dhigi lahaa, dhamaan waxaas oo dhan waxay ku tusaysaa in xaalada doorashada madaxweynanimada Soomaaliya uu gaaray heerskii ugu sareeyey taas oo aysan wax lamid ah caalamka ka dhicin, balse dhacdada aniga xanuunka igu beertay waxaa weeye in dadka Barakacayasha ah oo noloshii la daalaa-dhacaya kuna jira bisha Barakaysan ee Ramadaan loo isticmaalo inay ka qayb qaataan banaabaxyo lagu taageerayo musharixiin.

Sideed arinkaan ku dhacaa? Yaase masuuliyadeeda qaadanaya?

Waxaa jira Kaamam aad u faro badan oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa Kaam kasta uu leeyahay horjeege gacanta ku haya maamulkiisa lagana yaabo in xoogaaga loogu dhiibo uu san si daacad ah u siin, waxaa hada ku soo siyaaday in Musharaxiinta qaar ka mid ah ay lacago siiyaan horjoogayaasha Kaamamka si ay uga qayb qaataan dadka Barakacayaasha ah soo dhaweynta musharaxaas ama ka qayb qaataan mudaaharaadyo aan sharci ahayn taas oo sababi karta in ay ka dhashaan iska hor imaadyo dhiig ku daato sida kii u danbeeyey oo 8 bishaan ka dhacay Fagaaraha Sayidka ayna ku nafwaayeen laba katirsan Barakacayaasha kadib markii rasaas laysku furay.

Dadka Barakacayasha malahan ikhtiyaar ay wax ku diidi karaan hadii ay ka dhago adaygaana amarada dhaqaalo doonka ah ee la dul dhigayo waxaa loo jeediyaa hanjabaadyo saamayn ku yeelan kara noloshooda sida in laga saarayo Kaamka lagana jarayo cuntada laga siiyo Kaamka, dadkaa masaakiinta ah waxaa la siiyaa lacag yar marka ay ka qayb qaadanayaan mudaaharaadka ayadoo lacagta inteeda badana ay qaataan nimanka horjoogayaasha ka ah Kaamamka, sababtoo ah waa adag tahay in magaalada Muqdisho aad hesho dad faro badan oo diyaarsan oo ka qaybqaata mudaaharaad ama taageera fikirkaaga.

Taas waxaa weeye arin xadgudub ah marka loo eego qawaaniinta caalamiga ah in sixun loo adeegsado dadka jilicsan (Vulnerable) waxaase yaab ah in musharixiinta yimid magaalada uusan jirin musharax deeq gaarsiiyey ama booqasho ku tagay xerooyinka Barakacayaashu ku jiraan, waxaa intaas sii dheer in doorashadaani aysan ahayn (one man one vote) balse cida wax dooranaysa ay yihiin 275 xildhibaan oo kaliya sidaas daraadeedna aanba loo baahnayn isu soo bax dadweyne.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan talo kusoo jeedin in la xaqdhowro dadka masaakiinta ah oo ku dhibaataysan magaalada Muqdisho kuwaas oo duruufo ay kamid yihiin nolol xumo, hoy la’aan, iyo caafimaad daro ay ku haysato Kaamamka ay ku jiraan, baaritaana dowladdu ku samayso cidii masuulka ka ahayd dhacdadaas.
kani waa fikirkayga maahan mid ka turjumaya koox ama siyaasad kale

dhoodi222@gmail.com
Ahmed Farah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.