Home » Warar »

Rasaas dad ku dhinteen oo lagu Furey Dadweyne u Banaanbaxayey Musharaxa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Ciidamo la sheegey in ay ku labisnaayeen Dareyska Ciidamada Dowladda KMG ayaa Barqanimadii Maanta (Khamiis) rasaas ku Riday si ay u kala eryaan Dad banaanbax ka dhigayay Barxadda Weliyow Cadde ee Taalada Siyidka ee Magaalada Muqdisho.

Mashaqadan ayaa timi ka gadaal markii uu halkaa soo gaaray gaari Tiknika ah oo ay saaran yihiin Ciidamadamo kuwaasoo doonayay in ay kala kaxeeyeen dadkii halkaa ku banaan baxayay iyadoo dadkiina ay Dhagaxyo ku Tuureen Gaarigii ay wateen Ciidamada.

Dhagax tuurkaas kaddib ayaa Ciidanku Rasaas ku riday dadkii banaan baxa ka dhigayay goobtaas iyadoo halkaasina ay ku dhinteen laba ruux oo la sheegey in mid uu ahaa Askari Ilaalinayey Banaanbaxayaasha iyo Qof Rayid ah , waxaana ku dhaawacmey laba kale

Dadkan Banaan baxa ka dhigayay ayaa waxaa ay u damaashadayeen isla markaana ay soo dhaweynayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Maanta (Khamiis 9 Agoosto 2012) ka soo degay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho.

Dadkaas ayaa markii ay Ciidamadu rasaasta ku rideen halkaa isaga yaacay banaan bixiina joojiyay.

Ma aha markii u horeeyay oo ay Ciidamada dawladda KMG ay rasaas Nool Nool u adeegsadaan dad banaan bax ka dhigaya gudaha magaalada Muqdisho taasoo hadda ka horna ay dhacday Rasaas ay rideen Ciidamada dawladda KMG in ay ku dhintaan Dad Rayid ah oo banaanbax ka sameynayay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee banaanbixii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaana kii ka dhacay Barxadda Siyidka ayaa ahaa mid si weyn u saameeyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee wadadaas iyadoona halkaa lagu arkayay Boqolaal Taageerayasha Farmaja ah oo halkaa soo buux dhaafiyay iyagoona ku qaylinayay soo dhawoow Farmaajow.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii Xukuumaddii Tayo oo Maanta si weyn loogu soo Dhaweeyey Muqdisho

Muddo Hal sana kaddib waxaa markii u horeeyay maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo mar ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.Waxaana Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Kumanaan dad waxaana soo dhaweyntiisa kaddib Saxaafadda Shir Jaraa’id ugu qabtay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa ugu horeynba Salaan iyo bogaadin u dirya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana intii u soo baxday soo dhaweyntiisa. Farmaajo ayaa sheegey ugu horeynba inuu muddo hal sana ah ka maqnaa Dalka isagoo soo xasuusiyay Shacabka Maalintii uu baxayay banaan bixii ay u dhigeen dadkii doonyay in uu sii hayo oo uusan tanasulin Xilkii uu markaa hayay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Ciidamada dawladda, Xildhibaanada Baarlamanka iyo Shaqaalaha dawladda oo uu maqashiisan yahay illa Shan Bilood in aysan wax Mushaar ah qaadan in dawladdu ay bixiso Xuquudii Xubnahaas uu kor ku sheegay.

“Ciidanka wuu dhimanayaa, wuu dhaawacmayaa haddana wax dhaqaale ah ma qaato waa arrin aad looga xumaado “ayuu yiri Farmaajo isagoona ka codsaday Xukuumadda iminka jirta in Toban maalmood gudahooda Ciidanka ay ku qaataan Mushaaradka ka maqan si ay ugu Ciidaan iyaga iyo caruurtooda

Farmaajo ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyay haddii isaga iyo inta la jirta ay ku Guulaystaan qabashada Xilka Madaxtinimada dalka afarta Sano ee soo socota is bedelada ay doonayaan in ay ka hir geliyaan Soomaaliya. Farmaajo ayaa Diiradda saaray dhinaca ammaanka, dib u dhiska iyo weliba soo celinta Sharaftii Umadda Soomaaliyeed..

Isku soo duuboo Musharaxan Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu u muuqanayaa mid shacbiyad badan ku leh dhinaca siyaasadda iyadoona ay suurta gal tahay imaatinkiisa in saameyn weyn ay ku yeelato Siyaasadda Mustaqbalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

……………………………

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Muqdisho, August, 09, 2012—— Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay mudo sanid ah kadib.

Mudane Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/xakiin FIQI iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Mudane Farjaamo marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Musharaxnimadiisa.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dalka dib ugu soo laabto mudo sanad ah kadib, Wuxuuna tilmaamay in uu qeyb ka yahay Musharixiinta dalka”.

Wuxuuna sheegay in uu ugu horeyn u mahadcelinayo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed sida ay u Ansixiyeen Dastuurka dalka balse ugu baaqay iney soo xulaan Barlamaan Tayo leh oo dalka u horseeda hormar.

Sidoo kale wuxuu mahad ballaaran u diray Ciidamada Qalabka Sida sida geesinnimada leh oo ay Kooxaha Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ugu xoreeyeyn qeybo ka mid ah ka oo ay ka mid tahay Caasimada Muqdisho ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Mudane Farmaajo ayaa sheegay inuu ka warhaayo in ciidamada Xoogga dalka iyo Shaqaalaha dowladda ay in mudo 5 bilood ah aysan wax mushaar ah qaadanay uguna baaqay Madaxda dowladda iney bixiyaan Mushaaraadka Ciidanka iyo Shaqaalaha madaama ay tahay Bil Ramadaan oo ay ilmahooda ugu ciid gataan ayuu yiri.

—DHAMAAD—

———–
Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Tell: +252 615 244689

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Rasaas dad ku dhinteen oo lagu Furey Dadweyne u Banaanbaxayey Musharaxa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo "

  1. Maxamed c/llahi farmajo waad qalanta inaad qarankan hogaamiso waana ku jecelnahay waxana kugu baranay waxqabadkaagii la arkay lana taaban karay ee xukumadadi {tayo} dadka somaliyed way ku darensiyen siday u jeclayen xukumadadi {tayo} balse dugaaga dariska nala ah noo diidayn balse ogow wali inay jogan duligi darxumeyay {tayo talowadaag} ay ugu horeyan sakin {qarwaye mahiga} inkastoo dumiyayashu dumintii dadaalkaga darxumo iyo dulayn ay ka dhaxlayn cadawguse wali indhuhuu kugu hayaa maantaba kasooqaad markii shacabki kusoo dhaweyay rasaas lagu seyray hadalse waxan uga baxay madaxwayne maxamed c/llahiyow allaah ayaa talo ku filan

  2. khatum says:

    asc ad ban ugu faraxsanahay musharaxa madaxanimada somaliya ee maxamed cabdulahi farmajo waxan urajaynaya guul iyo hore mar waxan ku qanacsanahya inu yahya muwadin jecel umadisa waxan ka xumahay maleeshiyad toogtay muwadinnata so dhaweynayay musharaxena qimaha leh ilah naxaristi jano hakawarabsho laba dulmane ii manta lagudilay xamar inta dhawacntayna allah ha caafiyo