Home » Warar »

Qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Roadmapka….

Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mahiga, ayaa faafiyey qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Roadmapka ee shirka ku yeeshay Nairobi 4-5 Agoosto 2012.

Qodobadaas oo ah siddeed (8) qodob oo ku qoran Af-ka Ingriisiga oo nuxurka guud ay tarjumtey SomaliTalk.com, ayaa waxaa kamid ahaa:

Kulankii Saxiixayaashii (Roadmapka) oo ku saabsana nidaamka lagu dhamaystirayo Kumeel-gaarka

Nairobi 4-6, 2012

Warsaxaafadeed (Nuqul hordhac ah)

1. Saxiixayaashii Roadmapku waxay ku shireen Nairobi 4tii iyo 5tii Agoosto 2012.

2. Waxana isku raaceen sidan soo socota:

  • 1. Soo xulashada xildhibaanada ka soo gelaya beesha Dhulbahante waxaa isku racay laba qaybood oo ka socdey Dhulbahante, oo kala ah Wasiir Daahir Khaliif oo ka socdey Puntland State ee Soomaaliya iyo Mr. Cabdikariim Xasan Jaamac, waxaana hawshaas fududeeyey ku xigeenka ra’iisul wasaaraaha Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Prof. Cabdirisaaq Cusmaan Xasan. Guddigaasi waxay warbixin siiyeen saxiixayaasha, oo uu hoggaaminayey madaxweyne Sheikh Shariif, waana ansixiyeen ayadoo la qaadayo nidaamkan:
  • (Waxaana nidaamkaas ka mid ah: in 8-da xubnood ee baarlamaanka ka soo gelaya beesha Dhulbahante loo kala qaysado sidan: in 3 xubnood ay soo xulaan odayaashasha Dhulbahante ee ku sugan garoowe, iyo in 5-ta kale ay soo xulayaan odayaasha ku haray Muqdisho. Waana in xildhibaanadaas ay isku raacaan dhamaan oday dhaqamedka beesha Dhulbahante, ha ahaadaan kuwo ku sugan Garoowe ama kuwo jooga Muqdisho. Waxna laga bedeli maayo Xubanaha beesha Dhulbahante ee ku jira 135-ka oday dhaqameed.)

3. Saxiixayaashu waxay isku raaceen sidii hore loogu qorsheeyey Heshiiskii Garoowe in ay ku socoto soo xulidda 275 xildhibaan ee baarlamaanka iyo kuwa Aqalka Sare, ka hor 20ka Agoosto (2012). Arrinta la xiriirta heerka waxbarasho ee xildhibanaada waxay noqonayaan in ay haytaan dugsi sare iyo khibrad, ama aan ka soo bixin Dugsi Sare oo leh khibrar. Hadduu muran ka yimaadona waxaa go’aan ka gaarayay Guddiga Farsamo ee Sooxulidda.

4. Saxiixayaashu waxay isku raaceen in doorashada Afhayeenka baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ay noqotaa sida ku cadayd Heshiiskii Garoowe Principles.

5. Saxiixayaashu waxay walaac ka muujiyeen nabbada & ammaanka iyo xornimada & tayo-wanaagga Guddiga Farsamo ee Soo xulidda iyo xaaladda hab shaqaynta, waxayna isku raaceen in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo arrintaas lagu hagaajinayo. UNPOS ayaa qaaday masuuliyadda arrintas ayadoo kaashanaysa AMISOM.

6. Saxiixayashu waxay si xooggan u cambaareeyeen handadaad (nin-tooxsi) iyo laaluushka oo curyaaminaya soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka. Waxaa reeban nooc kasta oo laaluush, handadaad iyo cabsi gelin ah. Qofkii lagu ogaado in uu soo maray nidaam sharci darro ah, waxaa laga mamnuucayaa (soo xulashada) waxaana laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

7. Waxay Saxiixayaashu ugu baaqeen xubnaha Guddiga farsamada ee Sooxulidda in ay ku shaqeeyaan si qumman oo waadax ah oo hab wanaag ah, ayna iska ilaaliyaan wixii majaraha ka weecinaya hannaanka hufan.

8. Waxaa laga wada hadlay qadiyadda Galmudug, waxaana la isku raacay in arrintaas ay si dheeraad ah uga wada xaajoodaan Madaxweyne Caalin, Madaxweyne Sheikh Shariif iyo (Afhayeen) Shariif Xasan si loo helo xal.

Halkan ka Akhri qodobadaas oo ku qoran Ingiriisi

### Dhammaad Qodobadii uu faafiyey Mahiga ee ay gaareen Saxiixayaashii Roadmapka.. / Tarjumadii SomaliTalk.com

Kulankii uu ay go’aamadani ka soo baxeen waxaa maalintii Axadda (Agoosto 5, 2012) si caro leh uga baxay madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif, kuna laabtay Muqdisho.

Dhanka kale, Cabdikariim Xasan Jaamac, oo wasiir hore ka soo noqday DFKMG, oo waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka (VOA), ayaa beeniyay inuu lug ku leeyahay war-murtiyeeka ka soo baxay saxiixayaasha roadmap-ka oo magaciisa lagu xusay, islamarkaasna waxa uu sheegay in asaga uu shirka ka saaray C/raxmaan Faroole. [Halkan ka dhegeyso]

Heshiiskii Garoowe Principles HALKAN KA EEG

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Roadmapka…. "

  1. MAXAMED says:

    asc saxiixayaal ku sheeggu dembi bey ka galeen ummadda soomaaliyeed, wexey saxiixeen waxaan sinaba ugu qalmin ummadda, sidaa owgeed xaqdarada ayaa is ku diraysa inay is khiyamaanna keentay,wax badan oo soomaali lagu dhagrayona maqle sheegise maayaan.