Home » Warar »

Sheikh Shariif oo si caro leh uga baxay Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka uga socdey Nairobi

Kulan Khaas ah oo ay yeesheen Gaas iyo Faroole oo ka caraysiiyey Sheikh Shariif wxuuna ka baxay shirkii Saxiixayaasha…

– Mahiga oo qancin waayey Sharrif, waxana uu u duulay Muqdisho, shirkiina uu halkii ka sii socdey….

– muran ka jira doorka Ahlu Sunnah..

– iyo Qaabka loo soo xulanayo Xubnaha baarlamaanka cusub oo ay fagelin ku hayso DFKMG…

  • iyo Beesha Warsangeli Abgaal oo War-Saxaafadeed ay soo Saartey ku caddeysey in Shiikh Shariif uu ka Hor yimid Xildhbaan ay soo Xusheen. (linkiga hoos ka akhri)

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah Sheikh Shariif ayaa maanta (Axad Agoosto 5, 2012) waxa uu ka baxay shirka magaalada Nairobi uga socdey lixda saxiixayaashii Roadmapka.

Sida laga helay ilo ku dhow goobta shirku ka socdey, waxaa sabab u ahaa ka bixitaanka shirka ee Sheikh Shariif kaddib markii ay Nairobi kulan u khaas ah ku yeesheen ra’iisul Wasaaraha DFKMG  iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.

Kulanka gaarka ah ee dhexmaray C/weli Gaas iyo C/raxmaan Faroole ayaa ahaa mid sababay in ay muddo ka soo daahaan kulankii kale ee u socdey lixda saxiixayaasha Roadmap-ka, taas oo la sheegay in ka cayaysiisay Sheikh Shariif.

Waxaa kale oo taas garab socda, sida wararku tibaaxeen, in qaar kamid ah saxiixayaashii Roadmapku ay isku khilaafsan yihiin doorka Ahlu Sunnad iyo Ahlu Sunnah qudhooda oo is khilaafsan, ayadoo xilka madaxweyne ee xukuumadda cusub la doonayo in la magacaabo 20-ka Agoosto 2012..

Sidoo kale waxaa saxiixayaashu isku khilaafsan yihiin qaabka loo soo xulanayo xubnaha cusub ee soo geli doona baralamaanka iyo waxyaabaha shuruudaha u noqonaya qofka ku soo biiraya baarlamaanka.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa wararku sheegeen in Shariif ay ku sababtay in uu ka baxo shirka.

Waxaana markaas Sheikh Shariif ka daba tegey Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey  Mahiga oo isku dayey in uu Sheikh Shariif ku qanciyo, taas oo wararka hordhac ah tibaxeen in uu ku guul daraystay.

Shirkiina waxa uu u sii socdey shanta ka mid ah saxiixayaashii Roadmapka ayadoo uu Sh. Shariif kamaqan yahay.

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif waxa uu markiiba u dhoofay Muqdisho halkaas oo uu gaarey maanta.

Ahlu sunnah oo Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC) kawaraysatay sidii Sheikh Shariif uga carooday shirka iyo khilaafka u dhexeeya AhluSunnah halkan ka dhegeyso..

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/saxiixyaal_rm.mp3]

Sidoo kale waraysi ay idaacadda codka Maraykanka (VOA) la yeelatay Cashara iyo la-talihyaha Sheikh Shariif, halkan ka dhegeyso:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/saxiixayaal_vo.mp3]

Waxaa kale oo jira in saxiixayaasha Roadmapka ay isku khilaafsan yihiin in la soo hormariyo doorashada madaxweynaha ama la soo hormariyo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka cusub.

Wararka ayaa tibaaxaya in dhankiisa uu Sheikh Shariif isu qalqaalinayo in uu markale kusoo laabto xilka xukuumadda Soomaaliya ee cusub.

Dhowaan ayaa la qorshaynayaa in la soo xulo golaha baarlamaanka cusub, maadaama kii hore laga dhigay hawl-gab, baarlamaankaas cusub oo soo dooran doona madaxweyne cusub, kaas oo markaas magacaabi doona ra’iisul wasaare, oo ay tahay markaas in baarlamaanku ansixiyo.

Baarlamaankii hawlgabka laga dhigay ayaa ahaa kii is hortaagey in uu socdo heshiiskii la doonayey in lagu dhaxal wareejiyo qaar kamid ah badda Soomaaliyeed, heshiiskaas ooe DFKMG ay 2009 la gashay kenya, looguna magac daray Is-afgaradka.

Sidoo kale baarlamaankaas ayaa ahaa kii April 18, 2009 ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka, laakiin taas xukuumadda FKMG ee uu hogaamiyo Sheikh Shariif ma aysan hirgelin. Waxay taas ku bedeshey dastuurka cusub ee Kumeel-gaarka ah oo ay ka horyimaadeen shacabka Soomaaliyeed iyo culimadoodu, laakiin lagu san-duleynayo.

Si kastaba ha ahaatee baarlamaanka cusub ee la soo xulayo ayaa noqondoona laba midkood: (1) BAARLAMAANKII YES MEN oo lagu fushado dastuurkaas cusub ee KMG si loo dhaqan geliyo. (2) AMABAARLAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED oo aan ka liidan kii ka horeeyey ee hawlgabka laga dhigay, kaas oo laali doona dastuurka cusub ee KMG ee aan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed.

Malaayiin qof ayaa ku dac-daran Soomaaliya, sida Muqdisho gudaheeda oo baarakaacayaasha ay dhaxan iyo gaajo la il daran yihiin, halka dastuurka KMG hirgelintiisa lagu bixiyey 50 malyuun oo doolar (Sida uu sheegay Sheikh Shariif) , taas ay dhici karto in dastuurka KMG ay waxba kama jiraan ka dhigi karaan baarlamaanka cusub ee xulitaankiisu hadda socdo.

Arrinta Heshiiskii Is-afgarad, Kenya weli kama quusan, damaceediina kama dhammaan sida ku cad warar badan oo laga soo xigtey Kenya (Eeg: East Africa’s Oil/Gas Rush Highlights Kenya-Somalia Maritime Border Dispute).

Waxaa warbaahinta la geleyey kelemdda MURAN BADEED oo aysan hore u jirin muran ku saabsan badda Soomaaliya ka hor xukuumadda uu hogaamiyo Sheikh Shariif – waxaa jira dhul baaxad weyn (NFD iyo Soomaali galbeed) oo ka maqan Soomaalida (laakiin dastuurka KMG ee cusub dhulkii hore xorta u ahaa ayuu marun gelinayaa, sida ku cad qodobka 7aad).

Faragelinta DFKMG ee soo xulidda Baarlamaanka cusub:

Waxaa Muqdisho ka soo shaac baxaya in DFKMG ay si xooggan u faragelineyso soo xulidda xubnaha baarlamaanka cusub.

Oday dhaqameedyada Beesha Warsangeli Harti-Abgaal Mudulood ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku caddeynayaan in Shiikh Shariif uu ka Hor yimid Xildhbaan ay soo Xusheen.

Waxaa warsaxaafadeedka ku cad “waxaan si isku duuban u caleemo saarnay inuu xubinteena Baarlamaan nagu matalo xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali. Waxaana u gudbinay go’aan keenkaas Imaam Maxamed Yuusuf, waxaase nasiib daro ah in Madax weyne Sheikh Sharif uu diiday codeyntii iyo doorashadii oday dhaqameedyada Warsangeli asagoo ku dhaliilayo xildhibaan C/Qadir Cosoble Cali inuusan u codeyn doonin soo noqodkiisa Madaxweyne.”

“Madaxweynaha intaas kuma ekeysan arintiisa balse waxaan heynaa cadeymo cad cad inuu maalgeliyey dhibaatadda maanta Warsengeli ka dhex socoto, uuna si xaqdaro ah ugu takri falayo hantida Qaranka ayuu carqaladeyna habka xulashada xildhibaanada cusub isagoo laaluush iyo handadaad intaba ku dayaaya…..”… ” Strateejiyada laaluushka iyo handadaad iyo khilaafka soo jireenka ah ee la sii hurinaayo ma aha oo kaliyah sharci daro balse waa xadgudub caalami ah…..” Akhri Warsaxaafadeedka oo dhan…

======================

Qodobka 7aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya

“Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.”

======================

East Africa’s Oil/Gas Rush Highlights Kenya-Somalia Maritime Border Dispute

Source: lesleyannewarner.wordpress.com | July 2012

At the heart of the dispute is how the maritime boundary between Somalia and Kenya should be demarcated. Kenya would like the maritime boundary to run due east from the point at which the two countries touch on land. However, Somalia would like the border to continue diagonally southeast into the ocean, following the border between the two countries on land. Somalia’s claim is, I believe, consistent with how the maritime boundary should be demarcated according to the UN Convention on the Law of the Seas (UNCLOS).

Kenya claims that a Memorandum of Understanding (MoU) signed with Somalia’s TFG in April 2009 set the border running east along the line of latitude. However, Somalia claims that the MoU was not to agree to the demarcation of the maritime boundary between it and Kenya, but rather to grant non-objection to Kenya’s May 2009 submission to the UN Commission on the Limits of the Continental Shelf to delineate the outer limits of Kenya’s continental shelf beyond the 200 nautical mile limit. (Each country’s claim requires proof of cooperation with its neighbors.) Somalia claimed that the MoU did not, in fact, have legal basis if it was not ratified by the parliament. Somalia’s parliament later rejected this MoU in August 2009, claiming that Somalia was adhering to the appropriate requirements for delimitation of the continental shelf – not agreeing to a maritime boundary with Kenya.

In order for this issue to be resolved, Kenya and Somalia would have to agree on where the border should be demarcated and sign a treaty to that effect. However, this may be unlikely until Somalia has a permanent government and is able to address other political, economic, and security issues that would compete for the government’s attention. At stake are approximately 38,000 km2 (23,600mi2) of maritime territory over which both countries assert the legal claims to sell rights for oil exploration and collect revenue from any discoveries..

MORE ( East Africa’s Oil/Gas Rush Highlights Kenya-Somalia Maritime Border Dispute)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.