Home » Warar »

Sheikh Shariif: Dastuurka in la hirgeliyo waxaa ku baxay 50 million, waana dastuur ka mid ah 25-ka dastuur ee ugu horeeya adduunka

Madaxweynaha Dawladda FKMG oo ka hadlayey dastuurka cusub ee sida Kumeel Gaarka ah loo ansixiyey ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyey ee uu Nairobi ku tegey loogu sheegay in “Dastuurka in la qoro oo meeshaan la soo gaarsiiyo ay ku baxday 50 malyan”, waxana uu intaas raaciyey “50-ka malyan anigu ma arkin laakiin waa la ii sheegay.” Hadalkaas oo meel ka dhac ku ah caqliga 10 million oo Soomaaliyeed, maadaama  isagu madaxweyne ka yahay dalka dastuurka  loo qorayo uusan gebi ahaanba ka war hayn waxa ku baxay dastuurkaas.

Waxa kale oo uu sheegay in “Dublomaasiyiin/hay’ado ay u sheegeen in dastuurkaan maanta loo sameeyey Soomaaliya in uu ku jiro 25-ka dastuur ee ugu horeeya adduunka.” Sheikh Shariif ma uusin xusin hay’adahaasi cidda ay yihiin ama dalalka ay matalayaan, waxaase cad in aysan Soomaali matalin.

Waayo, Dastuurka sidaas loo amaanay, Shariifkuna ku raacsan yahay, Qodobkiisa 7aad oo ku saabsan “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”, waxa uu dhigayaa sidan: “Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.” Malaha qodobkaa Shariifka sacabka ayaa laga saaray.

Meel kamid ah hadalkiisa Shariifku waxa uu ku xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ayagu dareemaan oo ilaashadaan xuquuqdooda waddan. Laakiin ma uusan xusin in dastuurkaas aan shacabka Soomaaliyeed laga talo gelin, culimada Soomaaliyeedna ay si qayaxan uga soo hor jeesteen, kana soo saareen bayaano oo aan waxba laga soo qaadin, ayadoo sida qodobka sare cadaynayo WADANKA amam dhulka jamhuuriyadda lagu qabsan karo ama muran la gelin karo.

Sidaas daraadeed hadalka Shariifku wuxuu u muuqanayaa mid jees-jees ku ah caqliga shacabka Soomaaliyeed, maadaama uusanba war u ahayn waxa ku baxay hirgelinta dastuurkaas, isagoo madaxweyne u ah xukuumadda dhaqan gelineysa.

Halkan hoose ka dhegeyso Sheikh Shariif hadalkiisii (Ammaanta Dastuurka  ee hadda iyo khudbad uu hore u jeediyey):

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/shariif_50malyun.mp3]

Dastuurka oo Si Kumeel Gaar ah loo ansixiyey ayadoo ay madasha ka maqnaayeen 180 xubnood oo kamid ah Ergeydii 825 ahayd

Waxaa maanta (Arbaca Agoosto 1, 2012) magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah (KMG) lagu ansixiyey Dastuurka Soomaaliya.

Goobka Dastuurka KMG lagu ansixiyey waxaa soo xaadiray 645 ergey oo kamid ah 825 ergey ee la donayey in ay Dastuurka u ansixiyaan si KMG.

Waxaa markaas, ayadoo goobta ay ka maqnaayeen 180 ergey, cod loo qaaday ansixinta Dastuurka KMG. Waxaana 645 ergey ee soo xaadiray madasha ay u codeeyeen sidan:

  • “HAA”: 621 ergey
  • “MAYA”: 13 ergey
  • “KA AAMUSAY”: 11 ergey
  • “Ka Maqnaa”: 180 ergey

Sidaas ayaa markaas waxaa madasha looga dhawaaqay in Dastuurka loo ansxiyey si kumeel gaar ah (Dastuurka KMG), taas oo macnaheedu yahay in dastuurkan KMG lagu sii dhaqmi doono ilaa inta ay wax ka bedelayaan Baarlamaanka cusub ee la soo xuli doono, kadibna afti dadweyne loogu codayn doono.

Sidaas ayaa markale Soomaaliya waxay ku yeelatay Dastuur Kumeel Gaar ah (Dastuur KMG).

Dastuurkan ayaa waxaa ku jira qodobo badan oo ay culimada Soomaaliyeed ka hadleen oo aan u cuntamayn mujtamaca Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa ku jira qodob muran gelin kara dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

DFKMG ee hadda jirta ayaa horaanntii 2009 waxaa lagu soo dhisay magaalada Jabuuti. Bilo kaddib, ayaa Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Laakiin isla bilo kaddib (Nov 2009) ayaa Madaxweynaah DFKMG waxa uu beesha caalamka u xaqiijiyey in Dawladdiisa oo uu markaas ugu yeeray “Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxa ay noqoneysaa Cilmaani (Secular),” Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA). (Secular: waxaa lagu qeexaa aan diin iyo aakhiro toona shaqo ku lahayn). Midowga Afrika (AU) waxay Agoosto 1, 2012 soo saareen warsaxaafadeed ay ku muujinayaan hambalyo in la ansixiyey Dastuurka KMG , Provisional Constitution, (Akhri Hakan)

Baarlamaankii Ansixiyey in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya waxaa laga dhigay hawl-gab ayadoo aysan jirin meel lagu kala diray, ayaa waxaa la soo xulay odayaal la isugu keenay Muqdisho, kuwaas oo la hor dhigay in ay ansixiyaan Dastuur kaduwan (kii xitaa guddigii madaxa bannaanaa soo diyaarinayeen muddada).

Lama dhegeysan shacabka Soomaaliyeed iyo culimadooda oo si weyn uga soo horjeestey dastuurkaas iyo weliba qodobo ay culimadu ku qeexeen in ay ka hor imanayaan Shareecada Islaamka iyo qodobo uu kamid yahay qodobka 7aad oo muran gelinaya dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Qodobkaas oo lagaga soo daray Nairobi, taas oo in badan indheer garadka Soomaaliyeed ay u fahamsan yihiin qodob daba socda heshiiskii Is-afgarad ee DFKMG iyo Kenya kaas baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed, balse qodobkan 7aad uu dhulka Soomaaliyeed in muran la gelin karo. Waxaana xusid mudan in baarlamaankii diidey heshiiskaas uu yahay kan hawlgabka laga dhigay, si xeeladaysan.)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.