Home » Warar »

Xildhibaan Ciiro oo Dadka Soomaaliyeed uga Digay Khatarta Cudur Ebola ee ka Dillaacay Dalka Ugandha

“Ciidamada Uganda oo Soomaaliya si toos ah u imaanaya iyagoo aan soo marin baaritaanada loo baahan yahay ee ku saabsan cudurka Ebola oo ka dillaacay Uganda……” Waxaana Xildhibaan Ciiro uu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inaysan wax xiriir ah la samaynin Ciidamada ugaandheeska ee Dalka jooga….

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka tirsan Mudanayasha Baarlamanka Xilkiisu sii dhamanayo ayaa ka hadlay Cudur ka dillaacay Dalka Ugandha iyo siduu u saameyn karo Soomaaliya.

Xildhibaan Ciiro ayaa sheegey in Cudurkaas oo loo Yaqaano Ebola inuu yahay Cudur Khatar ah isla markaana si fudud ku faafi kara isagoona Cabsi ka muujiyay in Dalka Soomaaliya uu u soo gudbo maadama Xiriirka Ugandha iyo Soomaaliya uu yahay mid toos ah.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Wasaaraddii Caafimaadka ee Soomaaliya aysan haatan lahayn dhaqaatiir iyo hawl wadeeno ku filan oo Cudurka baari karta, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay jiraan Soomaali fara badan oo ka imanaysa dalka Ugandha ama Ciidamada Uganda oo iyaguna si toos ah u imaanaya iyagoo aan soo marin baaritaanada loo baahan yahay.

Ciiro ayaa uga Digay Dadka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Khatarta Cidurkaas isagoona ka codsaday inaysan wax xiriir ah la samaynin Ciidamada ugaandheeska ee Dalka jooga isla markaana ka dhowrsadaan ,Xildhibaankan ayaa sheegey in Cudurkaas uu haatan faro ba’an ku hayo Dalka Ugandha isla markaana uu yahay cudur khatartiisu badan tahay loona baahan yahay in laga feejignaado.

Cudurka Ebola ayaa ka dillaacay Dalka Uganda kaasoo la sheegey in ay u dhinteen dad badan. Madaxweynaha Dalka ugandha ayaa dhawaan shacabkiisa kala hadlay qalabka war baahinta isagoona sheegey in la iska ilaaliyo khatrta uu cudurkaasi leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii u horeeyay ee Ebola uu ka dillaaco dalka ugandha kaasoo la sheegey inuu leeyahay Astaamo ay ka mid yihiin Qandho fara badan, Shuban iyo Dhiig ka yimaada qayb walba oo jidhka ah, ugu danbayntiina uu qofku u dhimanayo.

Qeexid Ebola iyo sida lagu qaado ka akhri: http://simple.wikipedia.org/wiki/Ebola

::: Two new Ebola deaths as patients go on strike

::: Uganda Raises Death Toll From Ebola Outbreak

Siddeed Musharax oo u Taagan Qabashada Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya oo Cambaareeyn u jeediyey Xukuumada Shiikh Shariif .

Illaa siddeed Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Doorashada soo socota ayaa shir ku yeeshay gudaha Magaalada Muqdisho. Musharixiintan oo ay ka mid ahaayeen Axmed ismaaciil Samatar, Cumar Salaad Cilmi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Gacma dheere iyo xubno kale ayaa waxa ay kaga hadleen Shirkoodaas Cambaareyn ay u soo jeedinayeen Xukuumadda uu Hoggaamiyo Shariif Shiikh Axmed.

Gaba gabadii kulankaas ay isugu yimaadeen Musharixiintaas ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah ka qayb galayasha kulanka kuwaasoo ku sharxay waxyaabihii ay kaga hadleen kulankoodii maanta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa Musharixiintii saxaafadda la hadashay ayaa sheegey in ay jirto in Xukuumadda federaalka Soomaaliya ay faraha kula jirto arrimaha Doorashada isla markaana ay dooneyso in iyadu ay ku yeelato awoodda sare.

Musharaxa ayaa sheegey in xukuumaddu ay Qas kula dhex jirto xubnaha soo xulaya Xildhibanada Baarlamanka iyadoo marna qaar soo xaraynaysa marna dibadda uga saaraysa, taasoo uu ku macneeyay Xildhibano ay iyadu wadato si loo soo xulo.Mr Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Xukuumaddan in ay olole ugu jirto sidii ay iyadu dib ugu soo laaban lahayd iyagoona kulanka musharaxiinta lagu sheegay in illaa iyo iminka inaan la sameyn Guddi Madax banaan ee Doorasho.

Musharixiintan ayaa soo dhaweeyay Bayaankii dhawaan ka soo yeeray Bangiga adduunka iyo Guddiga daba Galka Cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee iyo Eritireeya laguna sheegay in ay jiraan Lacago la Musuq maasuqay .Ugu danbayntii ayaa Musharixiintan waxa ay Xukuumadda u soo jeediyeen in inta an la gaarin Xilliga Doorashada in la diyaariyo Guddi Madaxbanaan kuwaasoo ku maamulaya Doorashada Madaxweyninimada ee Bisha Agoosto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaar@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.