Home » Warar »

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegey in Dowladda Kenya ay Heshiis kula gashey Shirkado Reer Yurub ah in ay Shidaal ka Baaraan Xeebaha Soomaaliya

Kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxaana kulankaan diirada lagu saarey arrimo ku saabsan Badda Soomaaliya ka dib markii Dowladda Kenya ay heshiisyo la gashey Shirkado shisheeye si Shidaal looga baaro Badda u dhaxaeysa Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhul ay leeyihiin Shacabka Soomaliyeed.

Inta uusan bilaaban kulankaas ayaa Saxaafada loo akhriyey Qoraalo ku aadan qaabka uu u dhacay Heshiiska iyo Shirkadaha Shidaalka ka baaraya Xeebaha Soomaaliyeed , waxaana qoraaladaas ku cad in Shirkadda Talyaaniga ee lagu magacaabo EnI oo la siiyey Saddex Ceel halka mid kalena la siiyuey Shirkadda Total ee laga leeyahay Wadanka faransiis.

Xildhibaan Suleymaan Maxamed

Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Xildhobaanada Baarlamaanka oo ka hadley Kulankaas ayaa sheegey in Ciidamada wadanka Kenya ee Soo galey Gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwa Difaacaya Ceelashaas islamarkaana aysan ahayn Ciidamo taageeraya Dowladda Federaalka isagoo sheegey in Bililiqadaas Xoogan ee lagu hayo Khayraadkii ummada Soomaaliyeed ay ka dambeyso Dowladda Norway.

“Qodob ka mid ah Qododbada Dastuurka ayaa waxaa ku jira Qodob Oronaya in haddii lagu qabsado Dhulka iyo Badda Soomaaliya waxay Dowlada Soomaaliyeed ka galeysaa Wadahadal marka waa iska cadahay in la doonayo in Xeebaha haatan Shidaalka laga baarayo ee ay Dadka Soomaaliyeed leedahay la doonayo in Mustaqabal wada hadal aad ka gasho, marka waa Dastuur Muran gelinaya Dhulka iyo Badda Soomaaliya, haddaba waxaan u soo jeedinayaa ummada Soomaaliyeed in ay ka hortagaan islamarkaana Banaanbaxyo ku muujiyaan Dastuurka la doonayo in lagu dhaco Khayraadkii Ummmada Soomaaliyeed”ayuu yiri Xildhibaan Suleymaan.

Ceelashaas ay shirkadahaan reer yurub Shidaalka ka baarayaan dhul ay soomaali leedahay ayaa waxaa hore uga Hadley Wasiir ku xigeen Shidaalka iyo Tamarta ee Dowladda Federaalka Cabdulaahi Dool oo sheegey in uu jiro Hashiis Dowlada Kenya heshiis kula gashey Shirkado reer yurub in ay shidaal ka baaraan Afar Meelood oo ku yaal Xeebaha Soomaaliya ee Xiga dhanka Koonfureed isagoo ku tilmaamey Mid Sharcidaro ah iyadoo la wada Xasuusan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu laaley heshiis dhexmarey Dowlada KMG Soomaaliya iyo Kenya kaasoo lagu tilmaamey mid Is afgarad ah balse markii dambe la ogaadey mid Khiyaano ku dhisan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.