Home » Warar »

Ergada Somaliland uga Qayb Galeysa Ansaxinta Dastuurka Qabyada oo ka Cabatay Xaalado Dhaqaale iyo Amnidarro.

iyo Qaraxyo iyo Hoobiyayaal laga Maqley halka uu ka socdo Shirka Ansaxinta Dasuurka

Ergada Somaliland u Matalaysa Ansixinta Dastuurka oo iminka ka mid ah Ergada Beelaha Soomaaliyeed ee shirku uga soconayo Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ayaa durbaba ka cowday hanaanka ay wax ku socdaan.

Faadumo Xasan oo ka mid ah Ergada Somaliland uga qayb galaysa shirka ayaa sheegtya in Muqdisho ay u yimaadeen Soomaali jacaylnimo iyo in dib la isugu soo celiyo Dadka Soomaaliyeed ee Koofur iyo Waqooyi.

Faadumo ayaa sheegtay ka hor intii aysan imaan Magaalada Muqdisho in loo ballan qaaday in meel la dejinayo isla markaana ammaankoodu ay Xukuumadda dammanad qaadayso. Waxayna sheegtay in ay ka tirsan tahay Ergada Somaliland shirka uga soo qayb gashay oo qaar ka mid ah war baahinta waraysi siisay ayaa hoosta ka xarriiqday in wixii ay filayeen iyo balan qaadkii loo fidiyay aysan waxba ka jirin.

Faadumo ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho ay yimaadeen Bishan Sagaalkeedii isla markaana ay degganaayeen Hoteel iyadoo intaas ay u dheereed Tagsigii iyo adeegyadii kale oo ay u baahnayeen intaba laakiin kharashkaas ku socday aan loo xisaabin haatana loo haysto, waa sida ay hadalka u dhigtaye, kharashii hoteelka ay ku degganaayeen.

Xubintan Ergada Somaliland ayaa sheegtay in Deegaanadii ay ka yimaadeen ay dembi ka galeen waayo Somaliland bay tiri Midnimo Soomaaliyeed lagama jecla sidaa darteed waxaan u soo bareernay Khatartaas ayay hadalkeeda ku sheegtay laakiin aysan haysan illaa iyo iminka dammaanad qaad ammaankooda .

Faadumo Xasan oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in Wasiirka Dastuurka ay u gudbiyeen cabshadooda hase yeeshee uu ugu jawaabay waa sidii ay hadalka u tiriye inuusan wax shaqo ah ku lahayn Hoteelka haysta keliyana uu u oggol yahay Lixdan iyo Shan Doolar maalintiiba laga bilaabo maalinta uu shirku furmay wixii ka horeeyayna uusan wax shaqa ah ku lahayn.Ugu dambayntii ayay Madaxweyne Shariif ka codsatay in kharashka laga bixiyo Ergada matalaysa SomaliLand haddi ay taas waayana ay isaga baxayaan Shirka.

Si kastaba Cabashadan Soomaaliland ayaa waxa ay ku saleeyeen in iyagu ayan la mid ahayn Puntland oo ay sheegeen in Soomaaliya ay ka tirsan tahay iyaguse ay yihiin maamul Gooni uga taagan Soomaaliya inteeda kale sababtaasna ay tahay sababta ay uga cabanayaan soo dhaweyntii ay mudnaayeen inaysan helin islamrkaana loo geystey Xadgudub weyn.

Dhinaca kale waxaa maanta hakad uu ku yimid Shrkii Anxsaxinta Dastuurka ka dib markii ilaa Saddex Hoobiye ay ku soo dhaceen kuwaas oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadeen sidoo kala Afaafka hore ee laga galo Halka uu shirka ka socdo ayaa waxaa ku qaraxay Qarax Miino, waxaana Qaraxaasi ku dhintey Hal Qof laba kale waa ku dhaawacmeed ,waxayna Qaraxyadaan iyo Hoobiyayaashaan ay ku soo beegmeen xili Dowladu sheegtey in la adkeeyey ammaanka halka uu shirka ka socdo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.