Home » Faallo »

MAXAA XAL AH: Mar haddii Odayaal Dhaqmeedyadii la khayaanay

Odayaal Dhaqmeedyadii waa la khayaanay oo waxaa la yiri adinku wax ma ansixinkartaan ee soo gudbiya magacyada dadka ka mid noqonaya GUDDIGA ANSIXINTA, kuwaas oo lahaanaya awoodda ANSIXINTA Dastuurka Qabyo qoraalka.

Guddigii ansixinta ayagana markooda waa la qayaanay oo waxaa la yiri adinku wax ma ansixinkartaan ee soo gudbiya dhaliilaha aad qabtaan, waxaa awoodda ansixinta iska leh BAARLAMAANKA lasoo xulidoono.

Baarlamaanka markiisa waxaa lasoo hordhigin in Gole shacab oo ka kooban 850 muwaadiniin in aay ansixiyeen Dastuurka oo uu dhaqan galay, marka haddii aad wax ka badaleysaan , waxaad ka badali kartaan AFFAR sano kaddib.

Arrimahaan aan kor kusoo sheegay qofkii faahfaahin u baahan waxuu ka arki karaa Web-saadyada Soomaaliyeed badigood ayagoo si fiican u faahfaahsan.

Sidaan horay Ummadda Soomaaliyeed ula socodsiiyay:-

Baaq rogaal celis ah oo ku socda Ummadda Soomaaliyeed (Qodobka quseeya badda, hallaga saaro Qabyo Qoraalka).

Shirkado Kenya Heshiis kula galay Badda Soomaaliya in ay shidaal ka baartaan

Waxaan qabaa sababta nalagu dirqinayo hirgalinta DASTUURKAN uu salka ku hayo BOOBKA LALA DAMACSANYAHAY DHUL BADEEDKA SOOMAALIYEED oo kaliya.

Khaladaadka ku jira Dastuurka kulligood goor la saxaba waa la sixi doonaa, laakiin Qodobka badda khuseeya haddii qof idiinka yeelaya ma jirayo halla saxo haddii hadda uu sidaas ku hirgalo (WAA HUBAAL).

Muraadka hadda laga leeyahay waxuu yahay in loo helo fursad lagu billaabo dacwada aay Kenya hor dhigatay Qarammada Midoobay qeybta badaha in loo kordhiyo dhul badeedkeeda oo illaa iyo hadda aan xal laga gaarin.

Intaas waxaa dheer in ay Keenya heshiis caalami ah kula gashay Shirkado Shiidaal soo saara ayadoo u gudbisay QARIIDAD AAY SI CAD UGU QEEXANTAHAY XADGUDUB loo geysanayo dhul badeedka Soomaaliyeed (SOMALI TERRITORIAL WATER), sida ku cad khariidaddan….. (ee lifaaqa).

Sida aad ka arki kartaan qariidadda, waxaa muuqda in Shirkadaha heshiiska caalamiga ah aay Kenya la gashay oo kusoo xadgudbay dhulbadeedka Soomaaliya aay kala yihiin:-

  • Anadarko: Block L5,
  • Total: Block L22
  • ENI: Block L21, L23, L24
  • Statoil: Block L26

Lifaaqa oo midab leh ka eeg halkan (PDF)

Haddii dacwada aay Kenya damacsantahay aay furanto ayadoo aay ku lifaaqantahay dastuurlii Soomaaliyeed oo la ansaxiyay, cid kaa maqleysa dastuurkii dib baa loo saxay ma jirayo.

Hadda waxaan u jeednaa in Dastuurka la hirgalinayo ayadoo la leeyahay Golaha Shacabku ama ha oggolaadeen ama ha diideen Dastuurku waa hirgalayaa.

Waa arkeynaa Meesha aay xaaladdu mareyso.

MAXAA XAL AH:-

Waxaa la yiri MAJO DHOOQO MIDBA MAR BAA LA SIIBAA.

Bacdamaa aay iska caddahay in dhulbadeedkii Soomaaliyeed aay kusoo xadgudbeen Shirkadahaan Shisheeye oo Keenya heshiiska la galay oo ku wada qoran Web-saadyada dunida oo dhan, ayaa waxaan qabaa in aan ayaga ka billowno isla maantay annagoo muu jineyna in aan kasoo horjeedno xadgudubkaas aay shirkadahaasi nagu sameynayaan. (Banaanbax aan loo kala harin).

Waxaan qabaa in arrimaha kale oo dhan middani furfureyso ayadoo la ogyahay in dhul badeedka aay heshiiska kula galeen uu yahay mid Qaramada Midoobay aay hadda ka hor go-aan ka gaareen ayadoo laga soo qaaday WAXBA KAMA JIRAAN- (NULL & VOID).

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.