Home » Warar »

Socdaalkii Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar iyo Xassan dhooye: Dhibaato Culus ayaan Muqdisho Ku Soo Aragnay

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaan gaarnay Aniga iyo Sh. C/raxmaan Soomaaliya gaar ahaan, Muqdisho, waxaan u tagnay si isxilqaamid ah inaan daraasad kusoo samayno xaalada banii aadamanimo, waxaan lasoo kulanay arin aad u xanuun badan una naxdin badan, ma’aha arin aan filaynay, waxaan tagnay meelo farabadan oo baracayaal boqolaal kun gaaraya ku jiraan, waxaan soo aragnay arin indhuhu la ilmeeyaan, qalbiguna la murugoodo, hurdaddana lagu waayo. Waxaan u tagnay dad Soomaaliyeed oo Muslimiin ah oo aan dhimana noolayn, waxaa isugu darsamay hurguri la’aan, hoy la’aan, hu la’aan iyo cudur iyo dacdaro oo dhan.

Arinta aan ka hadlayo ma’ahan arin erayo kooban lagu cabiri karo, mana aha’an arin qof aan arag looga sheekayn karo, laakiin waxaan rajaynayaa inaad Maqal iyo muuqaalba la arki doonto. Dadka intooda badani waxay dagan yihiin waabab aan roobka iyo qoraxda ka celinayn, xiligan aan ku jiro waa xili roobaad, waxaa ku dhacay dadka Burunkiito, tabar yaridooda daraadood, kadibna TB isu badashay.

Fadlan daawo Video-ga kadibna ka bixi jawaab ku haboon. Fadlan lasoo xariir cinwaanadaan hoose oo kusoo hagaaji tabarucaadkaaga.

Haro waxay afurinaysaa 3 meelood fadlan ka qayb qaado oo ku afuri $2 qofkii maalintii, bishii waa lixdan$60, sidoo kalena $15 bac ay roobka kagalaan ugu iibi qoys dhan. Meelahaana waa meelo ay kujiraan Indhoola yaal iyo dad naafo ah. Waxaad ku bixin kartaa sadaqaada online fadlan booqo www.harousa.org ama fadlan soo wac cinwaanadaan hoose.

 


Humanitarian African Relief Organization (HARO)

Minnesota

3355 Hiawatha Ave South. Ste 202
Minneapolis, MN 55406
612-636-5338
info@harousa.org

 

 

 

California

6161 El Cajon Blvd # 912 San Diego, CA 92115
1(619) 741-9260
Seattle Washington
(619) 741-9260
206-7870631
Ohio
614-471-5329
614-207-2552

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Socdaalkii Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar iyo Xassan dhooye: Dhibaato Culus ayaan Muqdisho Ku Soo Aragnay "

  1. mohamed says:

    RUNTII WAA WAX LAGA MURUGOODO DHIBAATA HAYSATA SHACAABKA SOMALIYEED HALKA DAD SOMALI SHEEGANAYA AY MAALINKII QASHINKA GEEYAAN RAASHIN LAGU QIYAASAY $50 DOLLAR IYO WAX KABADAN WAA DADKA KU NOOL NORTH AMERICA IYO UAROPE DADKEENA AAN U NAXNO ILAAHAYNA AAN BARINO IN ILAAHAY MUSIIBADA KA QAADO DADKEENII WAA HOOYADAA WALAASHAA AMA ILMAHAAGII FADHIGA HALAGA KACO WAX HALALA BAXO
    WSCW