Home » Warar »

Midowga Yurub oo Shaaciyay inuu Adkaynayo Cuna Qabataynta Saaran ka Ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya

War saxaafadeed Talaadadii ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ururka Midowga yurub uu sii adkaynayo Cuna qabatayntii Saarneed ka Ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dhuxusha Soomaaliya ay ka dhoofto degaano fara badan oo Soomaaliya ka tirsan.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dhaqaalaha faraha badan ee dhuxusha Soomaaliya laga helo dib lagula dagaalamo Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga afrika. War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in ay jiraan daba gal ay Midowga yurub ku hayaan Shakhsiyaad la sheegay in si gaar ah ay Dhuxushaas ugu soo dhoofiyaan dalalka carabta sidaa darteedna ay xayiraad ku soo rogi doonaan Shakhsiyaadkaas.

Shakhsiyaadka war saxaafadeedka lagu xusay ayaa waxaa ka mid ah Milkiilaha Shirkad kamid shirkadaha Soomaalida oo la sheegay inuu si weyn gacmaha ugula jiro ka ganacsiga Sharci darada ah ee Dhuxusha Soomaaliya. Midowga yurub ayaa taageeray Dhawaaqii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Maraykanka kaasoo sheegey in cuna qabatayn la saarayo Dhuxusha sida sharci darada ah uga dhoofaysa dalka Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa hore u sheegey in ay jiraan Dekado macmal ah oo si Kontoroband ah looga dhoofiyo dhuxsha Soomaaliya isagoona ballan ku qaaday in Cuna qabatayn adag uu ku soo rogayo Dhuxushaas sida sharci darada ah lagu geeyo Dalalka Khaliijka carabta. (Obama bans charcoal from Somalia‎)

Geed Cambe ah oo la jarayo si dhuxul looga shido.. Qoraal kaydkii hore k aakhri linkiga dhanka hoose ee warbixintan

Hadalkan ka soo yeeray maanta Midowga yurub ayaa waxa uu imaanaya xilli waayadii dambe beesha caalamku aad u hadal haysey Dhuxusha laga shido Gobolada koofureed ee Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku hayso Degaanka. Cuna qabatayntan ay shaacisey Midowga Yurub ayaa waxaa ay imaanaysaa xilli horey sidan oo kale cuna qabatayn loo saaray Dhuxusha laga dhoofiyo Gobolada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose

Cunaqabteyntaan ay soo saareen Dalka Yurub iyo Mareykanka ayaa dadka qaar waxay sheegeen in in aysan ahayn mid Soomaali loogu daneynayo ee waa mid iyagu ku dan ugu jrto waayey markii Sannadihii sagaashaashameeyadii ee sida ba’an loo dhooofinayey Dhuxusha islamarkaana loo xaalufinayey Dhirta Soomaaliya ayey Canaqabteyn saari lahaayeen marka waa la arki doonaa halka uu ku dambeeyo Canaqabateyntaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail; amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mai amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dhuxusha: Qoraaladii Hore ee dhuxusha Soomaaliya.. GUJI HALKAN

……………

On 22 February 2012, the United Nations Security Council adopted UNSCR 2036 (2012), by which it calls, in paragraph 22, for all UN Member States to take the necessary measures to prevent the direct or indirect import of charcoal from Somalia. READ HERE….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.