Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad Xamaasad leh Ka jeediyey Furitaankii Shirka Ansixinta Dastuurka.

Warsaxaafadeed ka so baxay xukuumadda FKMG ayaa ku bilowday sidan:

Muqdiso, 25, July, 2012……Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta khudbad xamaasadaysan ka jeediyey furitaanka shirka Ansixinta Dastuurka kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan 1500 oo qof.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia Mudane: Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanaka Mudane: Shariif Xasan Sheek Adan, R’iisul wasaare ku xigeenada, Golaha wasiirada, Ergayga QM ee Soomaaliya Dr. Agustina Mahiga, AU, IGAD, Jaamacada Carabta,Galmudug, Ahlu-Suna-Waljameeca, Puntland iyo marti sharaf kala duwan.

Ugu horayntii Wasiirka Dastuurka Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in 06-Sep 2011 uu soo bilowday Road map-ku kadib shir ay isugu yimaadeen madaxda Soomaalida iyo beesha Caalamka ayaa lagu asteeyey barnaamijka Road Map-ka kaas oo ka koobnaa afar qodob, oo kala ah Xasilinta dalka, Dib-uheshiisinta, Dowladd Wanaaga iyo Dastuur u samaynta Dalka si looga baxo KMG,

“waxaan go’aansany inaan howshaan Culus hirgalino waxaana la kulanay caqabado faro badan balse waxaa mahad iska leh madaxda qaranka oo muujiyey dadaal faro badan, waana markii ugu horaysay mudo 43 sano ah Soomaaliya loo sameeyo Dastuur, waxayna sabab u noqotay Dastuur la’aanta in dalkeenu uu galo dagaal sokeeye waxaana meesha ka baxay sharcigii aan dagsanay sidaas daraadeed maanta waxaa noo bilowday taariikh cusub waxaana rajaynaynaa in sideed maalmood ee soo socota lagu ansixiyo Dastuurka KMG”

Sidoo kale Ergayga QM Dr. Aogustina Mahiga ayaa mahad balaaran u soo jediyey madaxda qaranka iyo ka qayb galayaasha shirka,wuxuuna sheegay in Road Map-ka la soo waday mudo 10 bilood ah waxaana dad badan ka aamin sanaayeen inaysan suurto gal ahayn in Soomaaliya shirar lagu qabto, Dastuurna loo sameeyo waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo sadex marxaladood oo kala ah, Ansixinta Dastuurka oo maanta noo bilaabatay, soo xulida xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaaka iyo ku xigeenadiisa, 20 Augstay Soomaaliya hesho madaxweyne ka saari kara marxalada uu ku jiro dalku, aqoon iyo kartina leh.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay iney maanta tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed waxaana loo fariistay Ansixinta Dastuurkii la soo bilaabay 2005 .

“Ra’iisul wasaare Gaas ayaa sheegay in maanta si rasmi ah u fariisateen 825 oo ah Ergadii labaad ee Ansixin lahayd Dastuur ay yeelato Soomaaliya, waxaana ergadaan ka horaysay Ergadii 110 xubnood ahayd oo 1960 u fariistay Ansixintii Dastuurkii Soomaaliya. Dalka Soomaaliya 21 sano waxa daashaday colaado iyo abaaro soo noqnoqday waa in la helo Dastuur ka turjumaya cadaaladda iyo sinaanta, Dastuurku waa xeer ka dhexeeya bulshada waana mid KMG ah Barlamaanka la soo xuli doono ayaa wax ka badal ku samaynaya ilaa laga helayo Dastuur loo qaado Afti Dadweyne”

Sidoo kale Ra’iisul wasaare gaas ayaa ergada ku booriyey in ay wakiil ka yihiin 11 milyan oo Soomaali ah, Ergay kastana uu wakiil ka yahay 13 kun oo qof oo Soomaali ah sidaas daraadeedna loo baahanyahay inaad muujisaan wadaninimo iyo dal jecayl waxaana shacabka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan rajada ka soo baxda halkaan, Ra’iisul wasaaraha ayaa mahad celin balaaran u soo jeediyey Golaha wasiirada isagoona sheegay iney yihii kuwii dalka shabaab ka xoreeyey, waana kuwii dalka ka saaraya KMG waxayna muu jiyeen Golaha Wasiirada geesinimo.


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.