Home » Warar »

Odayaal Dhaqameed ka Baxay Shirkii lagu Ansaxin lahaa Dastuurka Qabyada ah….

Arimaha Qarsoon ee Keenay in markii Saddexaad uu dib u dhaco Shirkii lagu Ansaxin lahaa Dastuurka Qabyada..

Maxamed Xasan Xaad iyo Odayaal kale oo maanta ka baxay Shirkii Odoyaasha ka dib Markii loo diidey in ay wax saxaan…

Raiisul Wasaare Gaas oo lagu wado in uu gaaro Garoowe si uu u soo Xaliyo Ergeda Pundland ee ka Biya diidsan ee ka qab galka Shirka Ansaxinta Dastuurka

Waxaa markii Saddexaad uu dib u dhacayey Shirkii la doonayey in lagu anasaxiyo Dastuurka Qabyada iyadoo Isniintii la filayey in uu shirkaas furmo hase yeeshee Guddiga qaban qaabada ay sheegeen in arrimo farsamo uu u baaqdey balse warar aan helney waxay sheegayaan in baaqashada shirka uu ku yimid Khilaaf u dhaxyeeya Odoyaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta Dowlada kuwooda ugu sareeya.

Isniintii ayaa waxaa shirka Odoyaasha halka uu ka socda gaarey Raiisul Wsaaraha DFKMG Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ergeyfa gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga waxaa ka codsadeen Odoyaasha in ay dedejiyaan soo xulida ergada Ansaxineysa Dasuurka.

Hase yeeshee waxaa shirkii Isniinta ka baxay Odoyaal uu horkacayey Maxamed Xasan Xaad ka dib markii la qaadan waayey Talooyinkii ay soo jeediyeen ee ahaa in wax laga badelo qaar ka mid ah Qododbada Dastuurka.

Maxamed xasan xaad ayaa sheegey in maadaama ay Dastuurku ka muuqanayaan qodobo aan u cuntamayn Umadda Soomaaliyeed in ay ceeb ku tahay inuu u qaado Shacabka Soomaaliyeed wax aan u cuntamayn intii uu taas yeeli lahaana uu ka door biday in shirkaba uu isaga baxo. Xaad ayaa sheegay inuusan shirkaas dib danbe ugu soo laabanayn illaa wax laga qabanayo qodobada Dastuurka ku jira oo ay ka biya diideen.

Halkan ka akhri Qodabada Xasaasiga ah ee ku Jira Dastuurka ee ay sida weyn uga Horyimaadeen Odoyaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada

Arrintan ayaa waxa ay Dhabar jab ku noqonaysaa dadaalkii maalmahanba lagu doonayay ansixinta Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed oo muddo dheer la isaga soo daba jiitamayay dhaqan gelintiisa.

Warar aan helney ayaa sheegaya in sababaha kale ee uu shirka uu u baaqanayo ay ugu horeeyaan ka dib markii Ergedii ka socotey Pundland aysan iman kaddib markii ay si weyn uga soo horjeesteen Tirada ergooyinka ee loo qoondeeyey iyagoo la sheegey in ay doonayeen in ergooyinka lagu soo xulo qaab Gobol, sidoo kale waxaa la sheegey in ay ka soo horjeedaan qaar ka mid Qodobada Dasuurka islamarkaana waxay dhaliileen Guddiigii diyaarinayey Dastuurka oo ay sheegaan in uusan Dastuurka ahayn mid la isku raacsan yahay oo ay is feer ordayaan Dhowr Dastuur.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa la filayaa in uu u amabaxo Magaalada Garoowe si uu wadahadal ula soo yeesho Maamulka Pundland islamarkaana uu halkaa ka soo wado Ergooyinkii Pundland uga qaybgalya Ansaxinta Dasuurka hase yeeshe shirka oo lagu wado in uu furmo 25 Bisha ayaa Xubno ku dhow Siyaasiyiin ayaa noo sheegey in aysan suurtagal noqon doonin in uu furmo shirkaas maalinta Arbacada waayo waxay sheegeen in arrimo fara badan oo is biirsadey ay keeneen dib u dhacaas iyadoo hoosta ka xariiqey in gacmo shisheeye ay qayb ka yihiin dib u dhacaasi sidoo kale waxay sheegeen in uusan Nidaamsaneyn qaabka ka qaybgalka Shirka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Hadalkii Mahiiga uu Isniintii July 23, 2012 jeediyey Odayaasha:

“Waxaan idinka doonaynaa inaad soo dedejisaan Xubnaha Baarlamaanka si 2, August loo helo Liiska Xubnaha Baarlamaanka cusub si loo guda galo doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Waxaan kaloo idinka codsanayaa inaad tixgelisaan 30%-ka ay ku leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed xildhibaanada”… sidaas waxaa yiri Mahiga oo la hadlay odayaasha dhaqanka, sida ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay xukuumadda FKMG.

“Waxaana idinka codsaneynaa inaad baarlamaanka cusub ku soo xushaan sida ku cad Dastuurka, Waa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh, kana bixin kara dhibka ku habsaday Soomaaliya 21 sano isla markaasna waxaa tihiin kuwii maanta ka saari lahaa dhibaatadaas, Waxaa tihii Odayaashii Soomaaliyeed, waxaad mataleysaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, marka waxaa la idin ka sugayaa inaad soo xushaan Baarlamaan tayo leh, Waxaad soo jeediseen codsi ku saabsan in Baarlamaanka laga dhigo 275 xubnood, hadii aynu nahay Beesha caalamka iyo dowladda KMG ah waxaan isla qaadanay in la tixgaliyo codsigiina lagana dhigo 275 xildhibaan” ayuu Yiri Mahiga Sida ku cad warsaxaafadeedka halkan ku qoran GUJI…

Raiisul Wasaare Cabdi weli iyo Mahiga oo Odoyaash Dhaqanka u sheegey in Haddi mar kale uu Shirka dib u Dhac ku yimado in Beesha Caalamka..

Ergayga Qaramada Midobbay ee Soomaaliya Dr Mahiga oo uu la socdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali GaasDayaa Maanta booqday goobta uu ka socdo shirka odoyaasha dhaqanka ee soo Xulaya Ergada dastuurka.

Mahiga oo odoyaashaas la hadlay ayaa ka codsaday in ay soo dedejiyaan soo Xulidda ergada Beelaha Soomaaliyeed matalaysa ee loogu tala galay in ay ansixiyaan Dastuurka Dalka Soomaaliya.

Mahiga ayaa hoosta ka xarriiqay haddii mar kale dib u dhac uu ku yimaado Shirka Ergada ay Beesha caalamku ka aamin baxayso Soomaaliya isla markaana dadaalkii beesha caalamku ay ku dooneysey in Soomaaliya ay yeelato Dawlad wax tar leh ay meesha ka baxayso. Ergayga ayaa ka codsaday odoyaashaas in wax walboo dhaca uusan shirku dib uga dhicin Shan iyo laabatanka Bishan oo wax walba ay ku soo af jarmaan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo isagun halkaa hadal gaaban ka jeediyay ayaa u sheegay Odoyaasha in ay soo dhamays tiraan Ergada isla markaana ay da dajiyaan hawlaha lagu doonayo in Shirka Odoyaashu uu ku soo dhamaado waqtigii loogu tala galay

Cabdiweli maxamed Cali gaaz ayaa ku raacay mahiigga oo sheegay in haddii mar kale dib u dhac kyu yimaado Shirka Ergada Soomaalidu ku ansixinayso dastuurka qaranka in meesha ay ka baxayso kalsoonidii Beesha caalamku ay ku qabtay in Soomaalidu xiligan u bisil yihiin in ay wax soo dhistaan kana baxaan ku meel gaarnimada.

Isku soo wada Duuboo odoyaasha dhaqanka ee iminku shirka uga soconayo gudaha magaalada Muqdisho qaarkood ayaa weli muran uu ka dhaxeeyaa taasoo la isku khiaalafsan yahay odyaashii Ergada ee ansixin lahaa Dastuurka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.