Home » Warar »

Sida ay ugu Jawaabeen Qaar ka mid ah Xubnaha lagu Eedeeyey in wax Musuq-Maasuqeen iyo Sida loo Arkey.

Farmaajo” Cid ila soo Xiriirtey Ma jirto oo wax iga Weydiisey Dhaqalahaas la Lunsadey

Shiikh Shariif “ Waa in la Caddeeyaa yaa soo Dhiibey Dhaqaalahaasi yaase loo Dhiibey”

Gen Cabdulaahi Gaafow “ Waa la yaqaan sidaan ku shaqeyno Lacagaha Baasaboorada waxay ku dhacaan Acc Dahabshiil”

Cabdiweli” Intaan Xafiiska Joogey lacagaha Xukuumada Soo galey waa kuwo la yaqaan”

Prof Axmed Ismaacil Samatar “Warbixinta la Naax Naaxiyey hadii ay Dhab tahay waa in Doorashada laga joojiyaa Xubnaha la Eedeeyey”

Zakeriye Xaaji” Inta la sheegey waa kuwo aad u yar waxay Xadeen Malaayiin Doolar”

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur” Aad baan u soo Dhaweyneynaa Warbixntaas waxan soo Jeedineynaa”

Iyadoo dhawaan Warbixin ay soo saartey Kooxda loogu yeero Monitoring Group oo dabagal ku sameysa la socodka Hubka Soomaaliya iyo lacagaha la Musuqmaasuqo hoos tagtana Qaramada Midoobey ayaa waxay dhawaan soo saartey Warbixin ku saabsan Musuqmaasuq ay sameeyeen Masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah Madaxdii soo martey Soomaaliya iyo weliba waxaa Warbixintaan ku jira Xubno ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamulka Pundland iyo Sarkaalka ugu sareeya waaxda Socdaalka ee Soomaaliya Gen Cabdulaahi Gaafow iyadoo taasi ay jirto ayaa qaar ka mid Xubnaha ay Xustey Warbixinta ay si aad ah ugu Gilgisheen sidoo kale qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Soo dhaweeyey.

Hadaba qaar ka mid ragii ay taabatey Warbintaas oo la hadlayey Saxaafada iyo qaar kale oo ka tirsan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay u arkeen ayaan halkaa idiin ku soo gudbineynaa.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo” Waa mid aan la yaabey Warbinitaas waayo Waqtiga ay sheegaan waa mid aan ka horeeyey waxaa ka sii yaab badan Cid ila soo xiriirtey ma jirto oo wax iga weydiisey lacagahaas marka waxaan u arkaa mid Dacaayad ah waayo hadii Warbixin la ururinayo waa in qof wax laga sheegayo wax laga weydiiyo si loo helo Xaqiiq dhab ah “

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ´” Marka hore in warbixin la soo saaro waxaa ka horeysa lacagaha la sheegayo yaa loo dhiibey ha layiraado Cidaas baa loo dhiibey Cidaas baa bixisey marka waxaan leeyahay Waa warbixin ay wax badan ka dhiman yihiin waa la og yahay dalkaan wixii dhaqaale ee soo galey iyadoo cidna wax la siinin in la yiraahdo lacago ayaa la Musuq maasuqey waa arrin Gef Cida soo bandhigtey Warbixintaas waxaa laga doonayaa in ay la yimaadaan wax dhab ah oo Xaqiiqda ku dhisan”

Gen Cabdulaahi Gaafow “waa la yaab in la yiraado wax baa la Musuq maasuqey haddii aan ay ahay Madaxa Waaxda Socdaalka sidaan ku shaqeyn Cid weliba ayaa Og oo lacagta Baasaboorada waxay ku dhacaan Account-ka Shirkada Dahab Shiil waxaana noo yimaada Dad wata Waraaqihii lacagta ay ku dhiibeen , mid kale waxaa Warbintu tiri Gaafow Waxaa uu Basabooro Siiyey Shabaab waa la yaab marka Dadkii Baasboorada Ajnabiga watey baa is Qarxinayo iyaga ha la weydiiyo Dadkaas ay Baasaboorada Siiyeen”

Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas “Intii aan Xafiiska joogey Lacagaha Xulkuumada Soo galey waa kuwa la yaqaaney marka in tii ka horeysey yaan waxba la iga weydiin marka warbixinta dadkii soo saarey waa in ay la yimaadaan Xaqiiq wax ku saleysan oo ay kala dhig dhigaan waqtiyada lacagahaasi ay dalka soo galeen iyo Ciida la siiyey iyo Cidda loo dhiibey .”

Prof Axmed Ismaaciil Samater “Warbixintaas la Naax Naaxiyey haddi ay dhab tahay Waxaa soo jeedineynaa haddii aan nahay Xisbiga Hiil Qaran waa in Doorashada laga joojiyaa dadkii lagu eedeeyey in ay Musuq Maasuqeen Lacagahaasi waayo Lacagaha waxaa la qaatey Xili ummada Soomaaliyeed ay ku jireen Abaaro aad u Daran marka way haboon tahay in dadkaas lala Xisaabtamo”

Zakeriye Xaaji Maxamuud “: Aad baan u soo dhaweyneynaa Warbixntaas waayo Warbixintaas inta ku qoran lacagahaasi waa kuwo aad u yar waayo dadkaan waxay lunsadeen Malaayiin Doolar oo uu lahaa Shacabka Soomaaliyeed Xili ay ku jireren Daruufo isugu jira Abaaro iyo Dagaalo marka waa in la soo taagaa Maxkamad si loogu qaado waxay ku sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur “Aad baan u soo dhaweyneynaa Warbixintaas waxaana soo jeedineynaa Haddii aan nahay dadka ka qaybgalaya Tartanka Doorashada Madaxweyninimada Soomaaliyeed in Xubnaha lagu eedeeyey in dhaqaalahaas fara badan lundsadeen aysan u Isticmaalin Doorashada Soo socota haddi taas la ogolaado waxan u aragnaa in Caalamka uu raali ka noqodo in ay sii socdaan in Dhaqaalaha dadka soomaaliyeed la sii lunsado”

W//D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sida ay ugu Jawaabeen Qaar ka mid ah Xubnaha lagu Eedeeyey in wax Musuq-Maasuqeen iyo Sida loo Arkey. "

  1. jikalooobe says:

    Eedeynta loo jeediyey madaxda Somalia , ma aha mid run ah , waa mid siyaasadeed oo la doonaayo in lagu xalaaleeysto dhulka Somalia, waxaana ka dambeysa Qaramada Midoobey, si looga dhidyo marmarsinnyo lagu yiraahdo Somali iskuma talin karaan , markaasi waa in loo taliyaa , waqtigii aay ku balameen dowladahii isticmaarka ee uu hogaaminaa ingriiska , waa taas sida dhabta ah , maxaa loo ceebeyn waayay wadamada kale ee iska daaye maal iyo dhaqaale e , dadka lu leeynaaya shaashada tvyada aduunka , warka halakala ogaado , Soomaali waa ineey dhulkeeda ka xoreeysaa dadka kusoo duulay meel ala meesheey joogaan