Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 25-aad

Casharkii XXV-aad

Jarmalkii waxaa gacanta u galay waddamadii ku yiil bartamha iyo galbeedka qaaradda Yurub, marka laga reebo dalka Ingiriiska oo isago ah jasiirad ku dhex-taal bad-weynta Atlantikada. Shucuubtii ku dhaqneyd iyo dowladihii u talinayay waddamadaas waa uu ka saad-caleeyey, markaas ayaa madaxdii Jarmalka waxay isu arkeen in ay ku guuleysteen dagaalkii. Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler waxaa markii hore u muuqatey in uusan weerar ku qaadin dalka Ingiriiska, bal uu wada-hadal nabadeed u furo. Laakiin barlamaankii u talinayay Ingiriiska iyo raggii u hayay ceynaanka siyaasadda marna kuma ayan qancin, in ay wada-hadal la yeeshaan Jarmal oo gacanta ku haya qaaraddii Yurub. Ingiriisku waxay diidanaayeen in ay miiska fariistaan iyaga oo taag-daran, sidaasna loogu yeersho wixii laga doonaayo dalkeeda iyo waddamadii ay gacanta ku-hayeen. Si haddaba ayan taas u dhicin, diidmo ayay ka hor-keeneen isku-dey walba oo Jarmalku uu ku doonayay wada-hadalka nabadeed.

Dowladda Ingiriiska, inkasta oo ay diidey wada-hadalka nabadeed, misana waa u muuqatey in Jarmalku uu u gacan bannaanaadey in uu soo weeraro. Haddey taasi dhacdona in ay dagaalka keli ku noqonayaan. Laakiin waa ay go’aansadeen khasaaro kasta ha baxee, in ay u dhabar-adeygaan weerarka Jarmalka. Ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, isaga oo dad-weynihiisii kala hadlaya arintaas ayuu khudbad u jeediyey uu ku dhiiri-gelinayo. Khudbaddaas oo uu jeediyey 18/ 6- 1940-kii, ereyadeeda dhaxal-galka noqdey ee la xuso waxaa kamid ahaa:

“ Jeneral Weygand markii uu ku dhawaaqey in dagaalkii Faransa uu joogsadey, ayaa dagaalkii Ingiriiska wuxuu ku dhowaadey in uu bilowdo. Awoodda iyo qaxarka uu cadowgu leeyahay, dhamaan waa in ay si deg-deg ah leynoogu soo weeraraa. Hitler waa uu ogsoon yahay in ama uu bur-burinayo jasiiraddan (Ingiriiska) ama uu ku khasaarayo dagaalka. Haddii aanu awood u yeelanno in aanu hor-joogsanno (Jarmalka), Yurub oo dhan ayaa xor noqoneysa, noloshii adduunkuna si waasac ah ayay horey ugu soconeysaa, iyada oo higsaneysa buuro dushood iyo kaaha qorraxda. Laakiin haddii aanu guuldareysanno, caalamka oo idil, oo Mareekan uu ku jir, oo ay ku jiraan intii aanu naqaan oo aanu xanaannada ku heyno, wuxuu u hoobanayaa daadeg hooseeya iyo xilli gudcur ah. Wuxuu noqonayaa meel sharteedu badan tahay oo ay suuragal tahay in muddo dheer aanu ka jeensano iftiinka iyo aqoonta toosan. Haddaba aynu naftayada u diyaarinno waajibaadka ina hor-yaal “. (http://www.warandgame.info/2008/08/landing-operation-against-england.html).

Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler, isaguna waxaa u muuqatey in dalka Ingiriiska uu yahay meesha keliya oo imbraadooriyaddiisa ay uga iman karto khatar. Wuxuu markaas guddoomiyey in la weeraro, taas oo uu markii hore ku doonayay in Ingiriisku uu ku jilco dabadeed uu oggolaado wada-hadalka. Haddiise taas la waayo in gebigiis la qabsado. Waxaa jirey qorshe dagaal oo horey loo dejiyey kaas oo ku wajahnaa Ingiriiska. Sarkaalka la yiraahdo Admiraal/ Sare Erich Johann Raeder oo ahaa taliyihii ciidanka badda ee Nazi-ga, ayaa qorshahaas dejiyay xilligii uu Jarmalku weerarey dalka Poland. Qorshahaas oo magaciisu ahaa Libaaxii Badda (Operation Sea-Lion) ayaa wuxuu ka koobnaa tallaabooyin afar ah oo hor-dhac u ahaa in ciidanka cagta ee Jarmalka ay gaaraan ciidda jasiiradda Ingiriiska si ay u weeraraan dabadeedna ama ugu khasbaan wada-hadal ama u qabtaan. Qurshuhu wuxuu ahaa in marka hore la hakiyo ama la baabi’iyo awoodda ciidanka badda ee Ingiriiska si ayan weerar u soo qaadin. In la wiiqo awoodda ciidanka cirka ee Ingiriiska. In la taag-yareeyo awoodda aagagga difaaca hore ee Ingiriiska iyo in la hakiyo weerar kasta oo rogaal-celis ah, kaas oo la filayo ciidamada cagta ee Ingiriiska in ay soo qaadaan.

Bilowgii dagaalka, maraakiibtii dagaalka ee Ingiriisku waxay ahaayeen ku kala baahsan badaha adduunka. Laakiin muddadii uu dagaalku socdey ayay si wanaagsan isu-ururiyeen una diyaar-garoobeen. Waxaa kaloo Ingiriisku ay xilligaas horey u mariyeen aqoonta raadaarada iyo raadiyayaasha ay ciidanku adeegsadaan. Fursadda ah in ciidamadooda ay ogaallada isu gudbiyaan, waxay ahayd mid aad u sareysey midda Jarmalka. Sidoo kale waxay Jarmalka kaga horeeyeen xagga sir-doonka. Laakiin Jarmalka oo ku guuleystey in uu gacanta ku dhigo qaaradda Yurub, waxaa ka go’neyd, Ingiriiska iyo dhulalka uu ka taliyo in ay hoos yimaadaan dowladda Nazi-ga ah. Wareegto uu Hitler soo saarey 16/ 7- 1940-kii ayuu arinkaas ku xusey. Wareegtadaas oo lambarkeedu ahaa Directive Nr. 16, Adolf Hitler 16-th july 1940, waxaa ku qornaa:

“ Inkasta oo xaaladda ciidameed ee Ingiriisku ay ku sugan tahay rajo-dhigid, misana weli iigama muuqato ishaarooyin ay ku doonayaan musaalaxo. Aniguna waxaan go’aansadey in aan diyaargaroobo, haddii loo baahdona aan fuliyo qorshe aan ciidan ku dejinayo dhulkooda. Qorshahaasna waxaan uga dan leeyahay inaan baabi’iyo in ciidda Ingiriiska ayan noqon saldhig si joogto ah looga soo duulo Jarmalka. Haddii ay suuragal tahayna in aanu qabsano dalka (Ingiriiska) “. (http://en.wikipedia.org/wiki/Operation_Sea_Lion#cite_note-Cox159-4).

Jarmalku wuxuu markaas diyaariyey saddex ciidan oo guud ahaan tiradoodu ay dhan-tahay 160,000 oo nin, kuwaas oo ku wajahnaa in ay qabtaan degmooyinka ku yaal xeebaha koonfureed. Ciidankaas saddexda ah waxay isugu jireen 6 gaas oo ka tirsan qeybta A. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmooyinka Ramsgate, Folkstone iyo Bexhill. 4 gaas oo iyaguna ka tirsanaa qeybta A. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmooyinka Sussex iyo Hampshire. Ciidanka saddexaad waxay ahaayeen 3 gaas oo ka tirsanaa qeybta B. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmada Dorset. Degmooyinkaas ayaa dhamaantood waxay ku taxan-yihiin xeebta koonfureed ee dalka Ingiriiska. Gaasaskan Jarmalka ah qudhoodu waxay ku firirsanaayeen masaafo 40 mail ah ee ku dhacda xeebaha dhanka bari ee kanaalka Ingiriiska (English Channel). Ciidankan waxay heysteen qalabkii dagaalka, gaadiidkii iyo gawaaridii gaashaannaa. Waxaa u weheliyey 2,000 oo doonyo ah, kuwaas oo isugu jira yar-yar iyo waaweyn.

Si loo fuliyo weerarka degmooyinkaas, waa in marka hore la hirgeliyaa tallaabooyinka hor-dhaca ah. Kaas oo uu ugu hilan cuslaa weerarka xagga cirka. Taliyihii ciidanka cirka ee Jarmalka Reichs-marschall Herman Göring, wuxuu u caddeeyey hoggaamiyihiisii Jarmalka in weerarka xagga cirka ah uu ku filan yahay in Ingiriiska dhaawac xooggan loo geysto. Dabadeed wuxuu soo bandhigey qorshihii weerarka cirka, kaas oo ay ku magacaabeen Maalintii Gor-gorka (Eagle’s Day). Duulaankaasi wuxuu noqdey weerarkii ugu xoogganaa ee taariikhda ka dhex-dhaca laba ciidan oo hawada ku dagaalama. Ciidankii cirka ee Jarmalku (Luftwaffe), marka uu dagaalku bilaabanayay wuxuu lahaa 2,555 dayuuradood. Waxay isugu jireen kuwo lagu weerartamo (fighters) iyo kuwa xambaara bambooyinka (bombers). Waxaa ciidankaas hoggaaminayay Reichs-marschall Herman Göring. Ciidanka waxaa loo qeybiyay saddex qeybood. Qeybta 2-aad oo uu hoggaaminayay Field Marshall Albert Kesselring. Waxay qaabilsanaayeen weerarka habeennimada ah. Qeybta 3-aad oo uu odey ka ahaa Field Marshall Hugo Sperrle. Waxay qaabilsanaayeen burburinta xarumaha ciidamada iyo wershadahooda. Qeybta 5-aad oo uu odey ka ahaa Colonel General Hans-Jurgen Stumpff. Waxay qaabilsanaayeen weerarka guud.

Ciidanka cirka ee Ingiriiska RAF (Royal Air Force), markaas uu dagaalku bilaabanayay, iyaguna waxay lahaayeen 1,963 oo dayuuradood. Dhamaantood waxay ahaayeen dayuuradaha lagu weerartamo. Waxaa taliye u ahaa Marshall Hugh Dowding. Afar qeybood ayay ahaayeen oo waxaa kala hoggaaminayay Jeneral Quintin Brand (qeybta 10-aad), Jeneral Richard Saul (qeybta 11-aad), Marshall Keith Park (qeybta 12-aad) iyo Marshall Trafford Leigh-Mallory (qeybta 13-aad).

16/ 6- 1940-kii, Hitler wuxuu oggolaadey in la fuliyo qorshihii lagu weerari lahaa Ingiriiska. Isagu wuxuu rajo ka qabay in weerarka uu sabab u noqdo in Ingiriiska uu oggolaado wada-hadalka. Diyaargarowga weerarkaas wuxuu soo af-jarmey bartamaha bishii july 1941-kii, markaas oo weerarkii cirka uu ku bilowdey Ingiriiska. Duulaankan ayaa wuxuu kamid yahay colaadaha lagu xuso dagaal-weynihii II-aad ee adduunka, kaas oo xooggiisu uu socdey illaa 31-kii oktoober 1940kii. Labada qolo oo colaaddu ka dhexeysey, mid waliba wuxuu lahaa fursado uu dheer-yahay midda kale. Jarmalku wuxuu lahaa dayuurado ka casriyeysan kuwa Ingiriiska. Isla-markaas waxay heysteen fursad ah in muddo nus saac ah ay ku soo gaaraan meelaha ay duqeynayaan. Weerarkooda waxay ka soo qaadayeen waddamo Ingiriiska ku hareereysan oo ay horey u qabsadeen. Waxaa kamid ahaa Faransa, Beljam, Holand, iyo Norway. Waxaa kaloo ay lahaayeen dayuuradaha bambooyinka xambaara. Ingiriiska dhankiisa wuxuu lahaa fursad ah, in raadaarada dhulka u yaal uu ku hago dayuuradihiisa, kuna kashifo kuwa Jarmalka. Isla-markaas, hawada lagu dirirayo waa hawadii, taasina culimada istraateejiyadda dagaalka waxay u yaqaaniin (Interior Lines) oo waxay hiil u tahay ninka leh dhulka lagu dagaalamayo. Waxaa dhulka u yiil hubkii difaaca cirka ahaa. Duuliye kasta oo Jarmal u dhashey, haddii uu ka badbaado dayuurad dhacdey ama la gubey, markuu dhulka gaaro wuxuu noqonayay maxbuus oo gacan Ingiriis ayuu gelayey.

10/ 7- 1940-kii ayuu Jarmalku bilaabey weerarkiisii xagga cirka ahaa. Wuxuu ku bilaabey weerar aan xoog laheyn ee uu la beeganayay dekadaha ku yaal koonfurta dalka iyo raadaarada ku rakiban degaanka uu maro kanaalka la yiraahdo English Chanell. Waxaa u weheliyey dayuurado sahamo ah oo ay ku eeganayeen meelo istraateeji u ah Ingiriiska oo ay la damacsanaayeen in ay ku qaadaan weerar midkaan hore ka xooggan. Duulaamadaas waxay ku socdeen ciidda Ingiriiska bishii julay oo idil. Dabadeed waxaa jirtey dhacdo liifaddii dagaalka kor u dhigtey, taas oo uu ka danbeeyey duuliye Jarmal ah oo dayuuraddii ay la dhuntey. Ninkaas ayaa bambooyin ku daadiyey bartamaha magaalada London. Taasina waxay ahayd duqeyntii ugu horeysey ee magaalada hesha. Duuliyuhu amar uma uusan heysan in falkaas uu sameeyo, laakiin markii uu lumey ayay sidaas la noqotey.

Dhacdadaasi waxay ku beegneyd 1/ 8- 1940-kii. Ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Wiston Chirchull oo aad uga xumaadey weerarkaas ayaa wuxuu amar ku bixiyey in Jarmalka laga aarsado oo ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ay weeraraan magaalo-madaxda Jarmalka Berliin. Falkii aarsiga ahaa, Ingiriisku lama uusan daahin. Habeenka uu falku dhacayo habeenkii xigey ayaa Ingiriiskii 81 dayuuradood ay ku weerareen magaalo-madaxdii Jarmalka. Inkasta oo duqeyntii ay dayuuradahaasi geysteen ayan wax weyn u geysan Jarmalkii, misana weerarku wuxuu jebiyey qab-weynidii Hitler. Isagu weerarkaas dabadiis, si degdeg leh ayuu idaacadda uga hadley oo wuxuu yiri:

“ Haddii Ingiriisku ay duqeeyeen magaalooyinkayaga, annaguna kuwooda waanu aasi doonnaa “. (http://www.centennialofflight.gov/essay/Air_Power/Battle_of_Britain/AP22.htm).

Waxaa xigey wareegto uu soo saarey oo ciidankiisa circa uu ku amrayo in ay si deg-deg ah u bur-buriyaan ciidanka cirka ee Ingiriiska. Wareegtadaas oo lambarkeedu ahaa Directive Nr. 17, Adolf Hitler. 1/ 8- 1940. Qoraalkeedii waxaa kamid ahaa sidaan:

“ Ciidanka cirka ee Jarmalka (Luftwaffe) xoog wixii gacantooda ku jira, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan uguna suuragashan u bur-buriyaan ciidanka cirka ee Ingiriiska. 5-ta bisha agosto ayaa suuragal ah in ay noqoto maalinta ay bilaabaneyso weerarkaas ballaaran. Laakiin maalinta saxda ah waxaan u deyney ciidanka cirka. Taasina waxay la xiriirtaa sida dhakhsaha ah oo diyaargarowgoodu uu ugu dhameystirmo iyo xaaladda hawada “. (http://www.centennialofflight.gov/essay/Air_Power/Battle_of_Britain/AP22.htm).

13/ 8- 1940-kii, dayuuradihii Jarmalka waxay bilaabeen in ay abbaaraan sidii ay u burburin lahaayeen cududda Ingiriiska ee xagga cirka ah. Waxay ku dadaaleen in ay cirkana ka ugaartaan dhulkana ku bur-buriyaan dayuuradihii Ingiriiska. Weerarka dayuuradaha Jarmalka waxay xoogga saareen dayuuradaha qeybta 11-aad oo iyagu masuul ka ahaa difaaca gobollada koonfureed ee dalka oo ay kamid tahay magaalo-madaxda London. 7-dii sebtember illaa 5-tii oktoober waxaa bilowdey duulaan aad uga xoog weyn kuwii hore. Waa duulaanka loo yaqaan Hillaacii Londom (London Blixt). Duqeyn aan loo aaba-yeelin ayaa heley dhismayaashii xaafadaha degmada. Duqeynta xoogga leh ee heshey magaalada London, waxaa ku weheliyey degmooyinka ay kamidka yihiin Bristol, Cardiff, Plymouth, Southampton iyo Swansea. Degmooyinka ay wershadaha ku yiileen qudhoodu kamid bey ahaayeen meelaha uu weerarku heley. Degmooyinkaas waxaa kamid ahaa Birmingham, Belfast, Coventry, Glasgow iyo Manchester.

Maalin xusid mudan ayaa jirta oo waxay tahay 15-kii sebtember. Inkasta oo ay jirtey maalmo labada ciidan uga khasaaro badnaa, misana maalintaas waxay la gaar aheyd laba weerar oo xooggan oo Jarmalku ay soo qaadeen maalinnimadii. Weerarkaasi wuxuu ka danbeeyey markii ay sir-doonka Jarmalka heleen khabar ah, hoggaankii ciidanka cirka ee Ingiriisku lahaa in uu sii bur-burayo. Dabadeed waxaa Jarmalkii ay go’aansadeen in ay is-raaciyaan ciidamada Ingiriiska ee sii bur-buraya. Khabarkaasi wuxuu ahaa mid aanan jirin, sidaa darteed weerarkoodii waxaa ka hor-yimid difaac adag. Maalintaas wixii ka danbeeyey, weerarka Jarmalku wuxuu isu beddeley in habeenkii keliya ay soo duulaan.

Ogaallada sirta ah oo Jarmalku ay ka haayeen ciidanka Ingiriiska aad ayay u yareyd. Sidaa darteed bambooyinkii Jarmalka xooggoodu waxay ku dhaceen meelo aanan ahmiyad ciidan laheyn. Taasi waxay u badbaadisey Ingiriiskii wershadihii soo saarayey qalabka lagu dagaalamayey. Sanadkii uu dagaalku socdey (1940-kii) Ingiriisku wuxuu soo saarey 1000 dayuuradood oo kuwa dagaalka ah, halka Jarmalka uu soo saarey 800 oo dayuuradood. Bishii oktoober Jarmalku waxay sii wadeen duqeymihii degmooyinka waaweyn iyo meelaha ay ku maleynayeen in ay ku yaaliin wershadaha wax soo-saarka leh. Laakiin weerarkoodii waxaa dhaawacay is-beddelkii xilli-sanadeedka. Waxaa la galey xilligii qaboobaha oo daruurihii ayaa ku soo batey hawadii jasiiradda. Jarmalku wuxuu dagaalka ku doonayey in uu niyad-jebiyo dadka Ingiriiska ah iyo ciidankooda. Wuxuu kaloo ku doonayay in uu dhaawac u geysto awoodda ciidan iyo awoodda dhaqaale ee Ingiriiska, haddii ay suuragal noqotona in uu qabsado. Saddexdii arimood middoondna uma hir-gelin.

Dagaalkii wuxuu joogsadey iyada oo tirade dayuuradaha ee laga gubey Ingiriiska ay ahaayeen 1,547 dayuuradood, kuwa Jarmalka laga gubeyna ay ahaayeen 1,887. Duuliyayaasha ka dhintey Ingiriiska tiradoodu waxay ahayd 544 duuliye, halka Jarmalku ay kaga dhinteen 2,698. Jarmalka waxaa intaas u weheliya waxaa maxaabiis ahaan looga qabtey 967 duuliye. Dagaalku wuxuu dhaawac xooggan ku keeney degmooyinkii waaweynaa ee Ingiriiska oo ay magaalo-madaxdii ugu horeyso. Wuxuu bur-buriyey dhisma-hoosaadkii dalka. Waxaa ku dhintey dad rayid ah oo tiradoodu ay gaareyso 41,000. Dadka ku dhaawacmey ee rayidka ahaa qudhoodu waxay dhamaayeen 139,000. (Companion to World War II. I.C. Dear & M.R. Foot. 2005, p. 109. London – UK).

Inkasta oo Jarmalkii uu geystey dhaawac u badan bur-burinta degmooyinkii iyo leyn dad rayid ah, misana waa uu ku guul-dareystey weerarkii xagga cirka ahaa ee uu ku qaadey Ingiriiska. Waxaa halkaas ku hakadey qorshihii ahaa Libaaxii Badda (Operation Sea Leion). Hoggaankii Jarmalkuna waxay is tusiyeen in imbraadooriyaddooda ay ku fidiyaan dhanka bari ee qaaradda Yurub. Waxay markaas bar-timaansadeen dowladda Midowga Soofyeeti. Weerarkaas oo ay xiiso u haayeen ayay bilaabeen in ay qorshihiisii iyo tabaabulkiisii guda-galaan, kaas oo ku magacwnaa Operation Barbarossa.

Faaladatan ii muuqda iyo felegga meeraaya
Fitnadaa siyaadiyo xarbada faaftey madaxoo dhan
Fasahaadda jahadii gashiyo foosaska is-dhaafi
Faan-faanka baaqdiyo tashiga lagu fadeexoobey
Foolxumida aadmiga mutiyo kala firdhaadkooda
Fin-finiinka khoofkiyo cabsida lala fallaagoobey
Fakashada la kala roori iyo uunka wada fiigey
Fadhi li’ida joogtiyo arlada firada duuleysa
Fooraha dhacaayiyo waxay fiintu ka ciyeyso
Fasallada samaankaan arkiyo ficilka ceebeede
Sidii leysu faambiyey qalbigu ima fiyoobeyne

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 25-aad "

  1. abdirahman-laaso says:

    Dr.Saadiq Eenow,Waan Kaaga Mahadcelinayaa Casharaddaadan Aad Noo Hibaysay,Waxaad Kamid Tahay Shakhsiyaadka Kudayashadda Mudan, Aadbaanu Kuugu Hanweynahay Alle Idankii Guulayso,Aqoonyahan Ama Buuni Aan Labakhaylin Cilmiguu Rabbi Baray. Bal Imisaa Aqoonyahan Sheegta Oo Jaamacaddaha Caalamka Wax Kadhiga,May Intay English-ka Ay Cilmiga Moodeen Wax Kuqorayaan May Af-soomaali Dhaxal Unoqon Kara Afkeenna Iyo Dadkeena Kusoo Qoraan. Mahadsanidin Markale Dr.Saadiq Iyo Bahda Somalitalk.

  2. qaamuus says:

    dr saadiq ilaahay hakaa abaal mariyo waxaa tahay MU’ARIKH runtii dadkeenu waxay u aaman yihiin in ay helaan aqoon yahano adiga oo kale ah dr saadiq waxaan jeclaan lahayd in buugta aad qortid oo inta badan ku qoron BOGAGA INTERNERKA ayaga oo caadi u qoron lasoo daacabo oo magaalo kasta oo soomalia ku taala laga hali karo maxaa yeelay dadka inte internedka waxka akhrisa waa ay yartay waxay ila tahay in fikirkaas macquul yahay mahadsanid