Home » Warar »

Odoyaasha Dhaqanka ee Shirku uga Socdo Muqdisho oo Sheegey in ay la Haystayaal ku yihiin Xeraddii hore ee Xalane

Iyadoo Odoyaasha Dhaqanka Soomaalida Shirkoodii Caadiga ahaa uga soconayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Cabasho dhinaca Odoyaashaas ah taasoo ay ka cabanayaan faragelin dhinaca Dawladda FKMG uga Imaanaysa.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii ay imaanayeen Magaalada Muqdisho loo sheegey in Masiirka Umadda Soomaaliyeed uu gacantooda ku jiro isla markaana looga fadhiyo sidii ay u soo xuli lahaayeen Ergadii soo Xuli lahayd isla markaana ansixin lahayd Dastuurka.

Garaadka ayaa sheegey in arrintaas sidii ay moodayeen aysan noqon isla markaana ay dareemayaan Culeys dhinaca Xukuumadda Federaalka kaga imaanaya, Garaad Jaamac ayaa sheegey in loo sheegey Odoyaashu in ay leeyihiin oo keliye Talo soo jeedin balse aysan lahayn wax go’aan ah arrintaana ay u arkaan mid aysan ku deg degi karin.

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in haddii loo madaxbanneeyo Masiirka Umadda Soomaaliyeed ay u jeexi doonan waddo ay ku kala badbaadaan Ummadda Soomaaliyeed isagoon farta ku fiiqay in aysan iyagu wax go’aan ah ka qaadanayn arintaa wixii ka horeeyay Lixda Bishan.

Ugu danbayntii ayuu Sulddaankaasi sheegay in la siiyo Fursad ah siidii ay uga fiirsan lahaayeen go’aankii ay ka qaadan lahaayeen waxa ay ka yeelayaan arrimahan Xukuumaddu ay ku dirqineso oo ah sidii ay u soo da dajin lhaayeen ansixinta iyo soo gudbinta Ergada isagoona sheegey in maalinimada Jimcaha ah ee soo socot ay ka qaadan doonaan go’aan kama dambays ah.

ku Simaha Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo isaguna goobta Madasha ka hadlay ayaa Odoyaasha ku dejiyay in gacantooda ay ku jirto talada Ummadda Soomaaliyeed isla markana looga fadhiyo sidii ay u soo dhamays tiri lhaayeen hawlihii loo Igmaday.

Warar kale oo aan ka helney Odayaal Magacooda diidey in loo adeegsado Warbaahinta ayaa noo sheegey in Warqad Qoraal ah ay u direen Beesha Caalamka isagoo sheegey in warqadaas ay ku caddeyeen in ay lahaystaal ku yiihiin Xarunta Xalane oo aysan u Madaxbanaaneyn in ay ka taliyaan Masiirka Ummada Soomaaliyeed

Munaasabad isugu jirtey Sagootin Qunsulkii hore ee Yaman ee Soomaaliya iyo soo Dhaweyn Midka Cusub oo ka Dhacdey Xarunta Arrimaha Dibadda

Munaasabad isugu jirtey Sagootin iyo soo dhaweyn ayaa waxay ka dhacdey Xarunta Wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya , waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdulaahi Xaaji Xasan, Ku simaha Agaasimaha Guud ee dhinaca Carabta Yuusuf Cali Maamuud , Dubolomaasiyiin, Shqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda sidoo kale waxaa ku suganaa Dubolomaasiyiin ka soctey Safaaradda Yaman ay ku leedahay Soomaaliya.

Waxaa ugu horreyn aa Munaasabadaas ka Hadley Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdulaahi Xaaji Xasan oo u Mahadceliyey Qunsulkii Hore iyo kana Cususb isagoo sheegey in Shacabka Yaman iyo shacabka soomaaliyeed uu xiriirkooda uu soo jirey muddo aad u fog sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey Qunsulkii hore oo uu sheegey in si wanaagsan uu u gutey Xilkiisii .

Wasiirka waxaa uu u soo jeediyey Qunsulka Cusub in uu halkaa ka wado sii xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Yaman isagoo sheegey in Wasaaradda arrimaha Dibadda ay halkaa ka sii wadi doonto wada shaqeynta Qunsulka Cusub iyo weliba Wanaajinta Iskaashiga ka dhaxeeya labada Dowladood ee Yaman iyo Soomaaliya ,

Xubnhii ka socdey Safaaradda Yaman oo iyana halkaa ka Hadley ayaa iyaga u mahadeliyey Wasaaradda arrimaha Dibadda si wanaagsaneyd oo ay ula shaqeeyeen Qunsulkii hore iyagoo ugu baaqey Qunsulka Cusub in uu halkaa wadao Xiriirka Wanaagsan ee u dhaxeeya soomaaliya Yaman iyadoo ugu dambeyntii halkaa Shahaado sharaf lagu Gudoonsiiyey Qunsulkii hore iyo Madaxdii kale ee la shaqeyneysey waxay Munaasabadaas ku soo gabagabowdey sidii loogu talagaley.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.