Home » Warar »

Warbixi dheer oo ku saabsan Munaasibadda Kowda Luuliyo Xalay iyo Maanta si Weyn Looga Xusay Magaalada Muqdisho, Gobolada Dalka iyo Dibadda

Munaasibad si heer sare loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta sare ee Xukuumadda, Barlamanka, Ururada Bulshada, qurba Joogta iyo Ganacsato ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday Xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Munaasibaddan oo ahayd laba iyo Konton iyo Laba Guuradii ka soo wareegtay Xornimadii Gobolada Koofureed ee Soomaaliya iyo is Raacii labadii Gobol Waqooyi iyo Koofur ayaa ahayd mid si weyn uga duwaneed Munaasibadihii halkaa hore uga dhici jiray.

Madaxweynaha DFKMG Shariif Shiikh Axmed oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horeynba u hanbalyeeyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyay ayaa ku dheeraaday halgankii Gobanimada Soomaaliya loo soo maray iyo midnimadii labada Gobol .

Madaxweynaha ayaa xusay in wada jirka iyo midnimada Soomaaliyeed in ay tahay arrin ku weyn quluubta Shacabka Soomaaliyeed ee wlaahalaha marna aan kala maarmeyn waa siduu hadalka u yiriye.

Shariif Shiikh Axmed ayaa soo hadal qaaday kulankii dhawaan uu la qaatay Axmed Siilaanyo isagoona sheegey in iminka ifa faaluhu uu wanaagsan yahay isla markaana ay hawl bilaaban tay loona baahan yahay in hawshaas bilaaban tay hore loo sii wado.

Madaxweynaha DFKMG ayaa farta ku fiiqay in manta la marayo xilli kala guur ah isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo marxaladdaas loona gudbo Dawladnimo, wadajir iyo Midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Goobta ay Xafladdu ka dhacaysey oo si aad ah loo buuxyay ayaa waxaa halkaa suugaan ka tarjumaysa Xornimada ka tiriyay Fanaaniinta qaranka kuwaasoo qaadayay heeso Qiiro Wadaninimo ay ku dheehan tahay.

Laba iyo Tobankii saqda Dhexe ee Xalay markii ay saacaddu isku taagtay ayaa halkaa waxaa laga saaray calanka Buulagga ee Xiddigta Shanta gees leh dhexda kaga astaysan tahay iyadoo halkaasna Kooxaha baanboyda ay garaaceen Salaanta Calanka astaanta u ah,

Si kastaba jawiga magaalada Muqdisho ayaa xalay ka duwanaa siduu ahaan jiray waxaa is qabsaday socodkii dadka, Ileyskii nalalkii lagu qurxiyay Wadada Maka al mukarama iyo Farxaddii dad weynaha oo isugu hanbalyeeynayay sanad guuro wanaagsan.

Dhinaca Kale Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 1da Luuliyo waxaa laba iyo Konton Sano ay ku buuxsamaysaa markii Gobolada Koofureed ee Soomaaliya Gobanimadoodii ay ka qaateen Gumaystayaashii Talyaaniga isla markaana ay Midoobeen labadii Gobol ee Soomaaliya Kuufur iyo Waqooyi.Munaasibaddaas darteeda ayaa qaybo kala duwan ee dalka iyo Dibaddiis ah waxaa habeenkii xalay ahaa laga oogay Munaasibado maalintaas lagu maamuusayo.

Marka aynu gudaha Dalka Soomaaliya waxaa xalay Munaasibaddaas looga dabbaal degay Magaalooyinka Gaalkacyo Waqooyigeeda, Beled Weyne, Balcad, Af Gooye, Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka.Magaalooyinkaas ayaa qaarkood ayaa sedaxdii Sano u danbaysey laga xusin Munaasibaddaas xiligaas oo ay ka talinayeen Xarakada Shabaab oo aan iyagu ogoleyn Xuska Munaasibadaha ama Ciidaha waddaniga ah.

Dadka ku dhaqan Magaalooyinkaas ayaa xalay isku soo baxay kuwaasoo qaarkood ay ku damaashadayeen waddooyinka waa weyn ee Magaalooyinkaas iyagoo sita calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.Dadkaas xalay ka qayb galay Munaasibadda Kowda Luuliyo ayaa ugu danbayntii isugu soo ururay fagaarayaashii loogu tala galay in Mas’uuliyiinta ay ka hadlaan halkaasoo ugu danbayntiina Saqdii Dhexe laga saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wadamada Sacuudiga, Norwey, Kiinya iyo dalal kale oo caalamka ah ayaa habeenkii Xalay ahaa Soomaalida ku sugan ay isu soo baxeen iyagoo qaarkood sida haweenka ay Guntanaayeen Maro ka samaysan calanka Soomaaliiya.

Magaalada Nairobi Xafladdii ka dhacday ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya cabdiweli Maxamed Cali, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaano, Wasiiro iyo dad magic leh.

Ra’iisul wasaraha DFKMG Gaaz ayaa khudbad ka jeediyay Munaasibaddii ka dhacday Magaalada Nayroobi isagoo ugu horeyntiina Hanbalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed dhamaantiisa meel uu ku sugan yahayba.

Isku soo wada duuboo Munaasibadihii illaa Xalay ka dhacayay qaybo kala duwan ee dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ah ayaa manta wax ay ka sii soconayaan Magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho iyadoona ay jiraan Munaasibado kala duwan ee Xornimada Soomaaliya lagu maamuusayo kuwaasoo ay ka mid yihiin tartamo Kubadda cagta ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixi dheer oo ku saabsan Munaasibadda Kowda Luuliyo Xalay iyo Maanta si Weyn Looga Xusay Magaalada Muqdisho, Gobolada Dalka iyo Dibadda "

  1. Diini says:

    ASCaleykum ilama wanaagsana inuu meesha keeno laba xaas mana u wanaagsana sharaftooda iyo tan somalinimo habdhaqankaana waa isbedelada cusub oo Somaliya ka dhaxashay burburkii 1991 marka siyasadda in familkaagu galo oo ad la timaaado fagaarayaasha war noo dhahan maaha sc.